WAA KUMA XALANE?

W/Q: Mahad Cali Cabdulle Xalane

Maxamed Caldulle Xalane, oo dadku u garan ogyihin “Xalane,” waa halyeey ka tirsanaa Cidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna shihiiday dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya,sanadki 1964. Waa naftii-hure taar iyo maanta laga xasuusto guud ahaan geyiga ay Soomaalidu degto, balse aan wali si dhab ah loo baranin taariikhdiisa si dhammaystiran. Waxaan aad u xasuustaa markii aan dhiganaayey dugsigayga sare ee Iskulka Hoyga Xamar, qaybtiisa Tabeellaha, mar uu macallinka taariikhda noo dhigay taariikhdiisa. Dhammanteen si cajib ah ayaan ula dhacnay geesinnimadiisa iyo kartidiisa, oo shucuurteenna ayuu mar qura dhaqaajiyey. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee aan maqlo taariikhdiisa iyo magaca quruxda badan ee u ka tagay. Horay magaciisa waan u aqaannay, maadaama uu adeerkay abbahay la dhashay yahay,balse war uma hayn taarikhdiisa. Familka dhexdiisa ayaan ka maqli jiray in adeer u ahaa nin geesi ah oo dalkiisa u dhintay, balse maalinkaas ayaan si cad u rumaystay geesinimadiisa iyo taarikhdiisa. Kaddib, dhallinyaradi aan isku galaaska ahayn,markii ay isku kaanya ogaadeen in aniga iyo halyey Xalane oo aan qaraabo nahay,waxay naanays iiga dhigeen magaca “Xalane,” maadaama uu qaybta dambe ee magacayga uu ka raaco,ilaa maantaadanna way iigu wacaan.

Halyeeygu,ma lahayn taarikh dheer, waayo intii uu dhallinyarada ahaa ayuu cidanka ku biray, kuna dhintay. Taarikhyahannadu siyaabo kala duwan ayay wax uga qoreen, se waxaan isku dayayaa maqaalkaan inaan ku sii xoojiyo, sina faahfaahiyo oo meelo badan oo ka bannaan ka gufeeeyo inta garashadayda iyo baaritaankayga ah. Maxamed Cabdulle Xalane (Maxamed-Qase) sanadki 1943-dii,ayuu ku dhashay deegaanka Ceelbur, ee gobolka Galgaduud. Waxaa iska dhalay Cabdulle Xalane Fiidoow iyo Quwato Xasan Geesdiir. Maxamed,wuxuu ka dhashay qoyska koowaad ee Cabdulle Xalane Fiidoow. Cabdi Cabdulle Xalane oo ka yaraa, iyo lix gabdhood oo midi ka weynayd,ayay isku hooyo ahaayeen. Maxamed,xilligi dhalashadiisa waxay ku aadanayd xilligi gumaysiga.

 Xilli ay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen xorriyadda,kuna taamaayeen mar uun inay ka xoroobaan heeryada gumaysiga. Isla sanadkii 1943, waxaa si qarsoodi ah isku aruursaday dhallinyaradi la magac baxday S.Y.L (Somali Youth League) kuwaa oo ka koobnaa 13 dhallinyaro ah. Ujeedadoodu waxay ahayd inay dalka gaarsiiyaan xorriyad buuxda, ummadda Soomaaliyeedna ka dul qaadaan heeryadi gumaysigu dul dhigay. Dhallaan waliba oo xilligaas dhashay,wuxuu indho-kala qaadkiisa ugu horreeya ku arkayey dal burbursan, dadkisana uu gumaysi ba’an iyo darxumo daran ku jiro. Dhallaankaas qaangaarkisa kaddib, waxa la gudboonaatay laba midkood uun: inuu noqdo mid ku qanca culayska heeryada gumaysiga ee umaddiisa dulyaal dabadeedna is-kala noolaado, mise inuu ka mid noqdo halganka xornimodoonka ee ay ku jireen dhallinyarada dalka si loo gaaro xorriyad buuxda oo dhammaystiran. Majirin wax seddexeeya intaa oo aan isdhihi karo way ku dhaqaaqi lahaayeen da’yartaas soo koraysa marka lala meel dhigo waaqica guud ee umadu ku jirtay. Xilligaas lagu tartamaayey baadigoobka xorriyadda ayuu ifka yimid halyeey Maxamed oo uu dhashay. Waxaw noqday halka wiil ee reer ka oday Cabdulle kusoo biira kadib gabdhiisa curadda ah ee Ruqiya. Maxamed, waxaw ku barbaaray dhex bartamaha deegaanka,Degmada Celbuur,degmo magac iyo maamuska wayn kuleh taariiqda Somaalida,halyeeyo badanna oo isaga lamidana ay ka soo jeedaan. Ceelbuur waa magaalo qadiimi ah oo ku taal gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya,gaar ahaan Gobolka galgaduud.

Waa magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka,waxayna mar ahaan jirtey xarunta gobollada dhexe laga xukumi jiray xiligii gumaystihii Talyaaniga,dhammaadkii qarnigii 18-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad, waxana dhawr jeer ku dagaalamay ciidamadii gumeysiga iyo kuwii gobannimo doonka ee uu hoggaaminaayay Sheekh Xasan Barsane. Maxamed markii uu soo barbaaray lama gaynin wax barasho oo goobaha tacliinta way ku yaraayeen degaanka dadkuna muhiimadeeda kuma aysan baraarugsanayn. Waxaw ka mid noqday dhallinyarada xoogsata ee kaawada Ceelbuur ku sancaysa burjikooyinka iyo agabyada kale,halkaas uu quutulyoowmkiisa ka heli jiray. Ka dib markii ay dadka Somaaliyeed xorriyadda qaateen,dowladii curatay qorshaheeda waxay ku salayday in iyadana la xoreeyo Jabuuti,Soomaali Galbeed iyo N.F.D,si taa loo hirgeliyana waxaa la’aas aasay cidan xoogga ah,12/4/1960 maalin talaadaha,kaddib markii tageero qalabeed looga helay M. Sofiyeet 1963. Ciidanka waxaa lagu aas aasay tiro ka kooban 8 horrimood, oo lagu magcaabi jiray Cali Boobaaye,oo ay tiradiisu ahayd 2,000 oo askari, oo laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray. Degmo kasta waxaa laga soo xulay 50 askari. Maxamed isaga oo 17 jir ah ayuu 20-juun 1960 ka mid noqday dhallinyaro laga daabulaay deegaannada Galgaduud iyo deegaannado kale. Maxamed waxaw taniu arkaayay inay tahay fursad uu dalkiisa iyo dadkiisaba ku difaaci karo. Xerada tababarrada ee Buutiko oo markii danbe asiga loogu magac daray ayay tababar kooban ku qaateen.

Dabadeed markii tababarka u dhammaaday wuxuu kamid noqday qaybta 26-aad ee loo baddalay Hargaysa,koox fadhiisintooda laga dhigay aagga xuduud beenaadka Tog-wajaale. Aasaaska ciidanka,xornnimada,isbiirsiga Somaaliya oo hub loo balanqaaday iyo dagaalada ay N.F.D ka wado, Itoobiya,waxay u aragtay halis midnimadeeda ku soo foodleh, isla markaana ay ku qasbantahay in dhaqaaq ay muujiso oo dhirbaaxo kulul ku dhufato Soomaaliya,si ay u garwaakhsiiso awooddooda meletari. 1/2/1964 Itoobiya waxay weerar cir iyo dhul ah ku soo qaaday dhammaan Tuulooyinka ku teedsan xuduudbeenaadka,gaar ahaan: Tog-wajaale,In guxaa,Dabarqoryaale,Dooloow,Feer-feer,Gaalkacyo iyo Yeet. Markii lagu waabaristay arrintaas, ciidanka xooogga waxaa la geliyay difaac adag,waxaana suurtagashay in ciidamada Somaaliya ay goobabadan oo ay soo weerareen kaga libin heleen Itoobiyaankii. Muddo todobaada markuu socday dagaalku ayay Itoobiyaanku weerar gaadmo rogaal-celis ah ku soo qaadeen xilli casirkii kaddib maalin Jimco ah 12/4/1964 aagga Waqooyi,dhanka xuduud beenaadka tog wajaale,halkaas ooy ku sugnaayeen ciidan uu ku jiray Maxamed,taliyana uu u ahaa G/le Ibraahim Rooble Warfaa (Doonyaale).

Maxamed iyo saaxiibadiisiu difaaca kula jiray oo uu weerarku gaadmo ku ahaay,waxay muujiyeen difaac adag. Sida uu dagaalku usocday,ayaa waxaa dhacday in ciidamada Itoobiya oo aad u tiro badnaa ay ku soo dhawaadeen meeshii ay difaaca kaga jireen ciidamada Soomaaliya. Kadib ciidamadii Soomaaliya ayaa goobta isaga baxay si aan loo hareerayn oo dhinacyada looga imaan. Waxaa goobta ku haray kaliya afar askari oo calanka Soomaaliya oo ka surnaa difaacooda korkiisa,waar diyeeynaysay. Seddex dable iyo Maxamed oo markaas alifle noqday. Prof.Nuur Cali Gacal ( dable Nuur) oo ka mid ahaa raggii goob jooga ahaa ayaa yiri: “ Weerarka amxaaradu,waxaa ay nagu soo qaaday waqti maqrib ah, ciidankii Soomalida dib ayaa loo riixay ,waxaan ku jiray dhufeeys aan ka ridayay hoobiye raacda reeb ah, waxaa iga horeeyay oo kaliya 4 asgari oo calanka ilaalinayay waxayna ahaayeen seddax dable iyo Alifle Maxamed oo isgu madax u ahaa.

Sadaxdaa asgari midba 2 saac ayuu calanka hoos joogayay isagoo ilaalinaayay. Marka calanka la soo dajinayay waxaa waardiyaha calanka lahaa Dable: Baarqab. Alifle Maxamed ayaa amar bixiyay oo ku yiri: “Baarqaboow Calanku yuuna gacanta cadawga galine soo daji. Baarqab isagoo deg degsan ayuu middi u xirneed  la soo baxay asaga oo dhaawac ah oo labada qoob xabbadu uga taal  kana  burbursan. Intii uu hal xarig gooyn lahaa si xariga haray loogu soo dejiyo calanka ayuu labadii xarig isku mar jaray calinkiina kor ayuu u duulay. Calanku meel sare ayuu saarnaa wuxuuna ku soo dhacay meel Maxamed iyo cadawga u dhaxeeyso,baarqabna dhulka ayuu ku dhacay,kadibna

Alifle Maxamed ayaa ku yiri labdii asgari: “ Dhaawaca baarqab qaada,anna cadawgaan ayaan xabad in kaga reebaa, calankana waan soo qaadaa. Maxamed Calankii ayuu u garguurtay, inta si aayara u soo qabtay ayuu hoosta soo gashaday,waana la soo gurguurtay.” Ciidamadii xabashida oo soo dhaawaatay arkaysana Maxamed oo calankii lasii garguuranaaya ayay waxay ku fureen raraas dhacaysay qoriga nuuca Beebaha loo yaqaan. Maxamed meel waliba oo jirkiisa ka mid ahayd waxaa haleeshay rasaas. Naf tii ugu danbaysay ayadoo kusii dabayar ayuu haddana garguurashadiisii sii waday. Inta uusan soo gaarin goobta saaxibadiis ayuu naf baxay,isaga ku qaylinaaya:  “War cadawgu bir maahine burburinta, ciidda iyo calanka soomaaliyeed u diida”.

Prof. Nuur (Dable Nuur) oo ka mid ahaay ragii difaaca kula jiray Maxamed ayaa asigoo warkii sii wada haddana yiri: “Dhaawacii Baarqab ayaa nala soo gaarsiiyay,waxaana lagu qaaday baabuur Land Rover ah oo Hargeesa u qaaday,maydkii Maxamedna subaxii dambe ayaa la soo qaaday oo weerar rogaal celin ah aan qaadnay, labadii askari ee ka hartay saaxiibadii Maxamed maalintii dambe ayeey dhinteen, magacooda ma xasuusto, laakin mid ayaa reer baladweyne ahaa.” Maxamed Cabdulle Xalane halkaas ku shahiiday isaga oo dhintay geeri sharaf iyo ciso leh,isaga oo ka dhiidhiyay in Calanku kuu galo gacanta cadawga,sababtoo ah fagaaraha dagaalka laba dal,calanku waa sharafta iyo sarraynta dal, haddii calankaas goobta dagaalka lagaaga qaato waxay ka dhigantahay in dagaalkaas lagaaga guulaystay oo awooddaada iyo qabkaadaba lagu jebiyay si ay taasi u dhicin oo itoobiyaanku libin nooga helin baddelkeeda Maxamed naftiisa ayuu ugooyay. Kadib dagaalkii markii uu dhammaaday,labada dal heshiis xabbad joojin ah ayaa  la dhax dhigay-kaa soo ah in ciidamada lakala fogeeyo masaafo dhan 10-15km.

Itoobiya halkaas waxaa ku raacay jab aad u xoogan. Dhirbaaxadii ay la doonaysay Soomaaliya ayaa ayada si lama-filaana labad daan kaga dhacday,ciidamada Soomaaliyana halkaas ayay labinta kaga heleen. Xaflad dabaal deg ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu baal-marinaayay ciidamadii geesiyaasha ahaay ee fagaaraha dagaalka guusha kaga libin keenay cidamadii Itoobiya ayaa 1/7/1964 ka dhacday Xeebta Secondo Lido oo ahayd goobtii salaan sharafeedka lagu bixin jiray hor  Inta aan loo soo wareejin Tarabuunka. Madaxawayne Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) iyo saraakiishii ciidanka hogaaminaysay ayaa ka soo qayb galay. Madaxawaynaha ayaa Maxamed Cabdulle Xalane ku abaal mariyay billad geesinnimo dahab,waxaan u guddoomay aabbihiis Cabdulle Xalane Fiidoow,saraakiishii kalana min hal darajo ayaa la dallacsiiyay. Dhammaan sarkiisha la abaal mariyay habeenkaas waxay ahayeen 8 sargaal oo kala ah:

1. X/le Maxamed Cabdulle Xalane

2. G/ Ibraahim Doonyaale

3. Maxamed Cali Samatar

4. Salaad Gabayre

5.  Cilmi Nuur

6. G/le Faarax Xundule

7. Mustafa Xaaji Nuur iyo

8. Marwo Saynab Xaaji Cali (Baxsan).

Matkii ay dhalatay dowladii Kacaanka,Maxamed waxay ugu magac dartay xerada tababarada ee Xalane iyada oo ka baddashay magacii hore ee Buutiko. Halyey Maxamed,ifka waxow uga tagay hal gabar oo la dhaho Faadumo oo ay u dhashay Isniino Rooble Diini ay is guursadeen inta uusan ciidanka ku soo biirin ka hor,waqti xaadirkaanna iyaduna way dhimatay oo caruur ayay iyaduna ifka ku sii reebtay. Halyeeydadii,halyey Maxamed ka barbar dagaalamaysay laba ayaa ka nool. Dable Nuur,waxoow ku xanuusanyahay magaalada Minnisota ee dalka Mareeykanka asigoo dhabarka ay biro uga jiraan. Dable Baarqab asigana suuqa Bakaaraha ayuu gaarigacan ku riixaa asigoo wali xabbadii goobabka uga dhacday markii uu calanka soo furaayay la hitinaayo,xaqiiqdiina ma aysan ahayn mid uu dadkiisa iyo dalkii uu udhaawacmay ka mudnaa.

Tixraacyo ( Reverenses):

Buugga “Dagaaladii Somaaliya iyo Itoobiya 1964-977” ee uu qoray, Prof. Faarax Axmed Cumar.

Magaalka:“Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ee uu qoray: Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye oo uu ku soo koobay aas-aaska cidanka xoogga dalka Somaaliyeed iyo maraxaladihii kala duwanaa ay mareen kuna qoray mareegta “Mustaqbalmedia.net.”

Maqaal uu Prof: Yaxye Caamir oo ku qoray mareegta “Taariikh.net” ee uga hadlaayay taariikda kooban ee halyeeyga Maxamed Cabdulle Xalane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *