Xornimada iyo Doorka Qofka (Free Will and Determinism)

W/Q: Bashiir Balcad

Xornimada iyo Doorka Qofka (Free Will and Determinism)

Mawduuca xornimada iyo doorka qofka (free will and determinism) waa mid ka mid ah bahda falsafadda ee ugu muranka badan taariikhda. Su’aasha aasaasiga ah ee lagu kala aragti duwanyahay ayaa ah: Ma leeyahay qofka xornimo (free will), xagee ka imaataa xornimadu, xad ma leedahay, ma jirtaa cid si gooni ah xorriyad u yeelan kartaa. xornimadu maka hor imaaneysaa waaqica bulshada iyo habdhaqanka. Mise xorriyaddu waa wax ku xiran doorka qofka, mansabkiisa, aqoontiisa iyo sida uu nolosha u noolyahay una arko. Mise waxa uu markastaa ku qasbanyahay nidaam qoto dheer oo sabab iyo saamayn ku leh oo caddeeya doorkiisa bulsheed iyo qofeed (determinism)? Kala soocidda u dhexeeysa xornimada iyo doorka qofka waxaa saameyn weyn ku leh qaabka ay u arkaan bulshadu dhaqanka iyo mas’uuliyadda qofka. Qoraalkan waxaan dhinacya badan ka eegidoonna aragtiyada kala duwan ee filosoofyada ku saabsan mawduucan, iyo diinleyda sida ay u qeexeen una arkaan xorriyadda.

Xornimada (Free Will)
Marka laga hadlayo xorriyadda xagga diinta, waxay ku xiran tahay sida diintu u fasirto xorriyadda haddii ay tahay xorriyadda shakhsiga, xorriyadda fikirka, xorriyadda cibaadada, ama xadka ay xorriyaddu leedahay marka la joogo qiyamka diimeed. Diimaha waaweyn sida Islaamka, Kiristaanka, iyo Yuhuudda waxay leeyihiin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan xorriyadda, balse guud ahaan waxaa jira labo qaybood oo waaweyn oo kala ah xorriyadda asalka ah iyo xorriyadda xaddidan. Diimaha cireed waxay qabaan in xorriyaddu aysan ahayn in qofku waxa uu rabo sameynkaro, balse ay tahay xorriyad mas’uuliyad leh oo la xisaabtan wadata.

Xorriyadda Asal/Dabiiciga ah (Natural Freedom)
Qofka bani’aadamka ah waxaa la siiyay xorriyad uu ku doorto waxa uu rabo. Diimaha sida Islaamka, Kiristaanka, iyo Yuhuudda waxay qabaan in Ilaahay uu siiyay dadka xorriyad ay wax ku doortaan, taasoo ka tarjumeysa ikhtiyaarka (free will). Qofku wuu xor u yahay inuu rumeeyo ama diido waxa la baray.
Marka laga hadlaayo xornimada waxaa waajib ah in la daraaseeyo su’aalihii aan soo tilmaannay kuwaas oo biyo dhac u ah aragtida xornimada: Xagee ka timaadaa xornimada.


Diinta marka la joogo ama sharaa’icda bu’da xornimada laga helo waa qiyamka diimeed iyo akhlaaqiyaadka ku saleysan cilmiga diinta. Xeendaabyada xorriyadda waxaa xaddida sharciga kutubta ku qoran, waxaana loo fiiriyaa markasta maslaxo iyo mafsado. Aadanaha waxa ay xoriyaddiisa ku koobantahay inta diinta xeendaab ugu dhigtay oo ah in aysan ka dhalaneynin xadgudub nafeed iyo mid kale.


Xoriyadda marka la joogo diinta waxay ku dhisantahay cibaado iyo awaamirta ilaah in aad ku sugnaatid. Qofka diinlaha ah waxa uu markasta u fiiriyaa xorriyadda cidda ay khuseeyso iyo sidaay usaameyso dadka kale. xorriyadda qofka waxay ku suntantahay waxa uu xaq u leeyahay cid kalana aysan ka qaadi karin xitaa diinta waxay ka ilaalisay qofka waxkasta oo asiga xaq u lahaa balse ay ka dhalaneyso dhibaato.


Sharaa’icda soo dagtay: Injiil, Towraat, Furqaan, Zabuur iyo Suxufi ibraahim iyo dhammaan sharaa’icda lasoo dajiyay ayaa ah isha koowaad ee lagu garto xorriyadda uu qofka leeyahay noloshiisana inay hagaagta sabab u noqon karta.
Sunnaha Anbiyada: Anbiyada waxay waxkasta oo wanaagsan hormuud ugu yihiin bulshooyinka xorriyadda uu qofka leeyahay iyo sida loo ixtiraami lahaa ayaagaa aadanaha baray.
Dhaqanada bulshooyinka ee wan-wanaagsanaa ee dadka manfacada u lahaa oo ay diinta xoojisay.


Qofka aadanaha ah diinta waxa ay siisay xorriyad kasta uu u baahnaa waxa ayna xayndaab ugu dhigtay mafsadada oo macnaheedo yahay xorriyadda qofka waxa ay ku egtahay meesha ay dhibta ama fasahaadka nolosha ka bilaabanayso. Qofka caqli ayuu ilaah siiyay oo ay ka dhalaneyso inuu awood u yeesho doorasho nooc kasta oo ay tahay sida rumeynta oo uu ilaah leeyahay “فمن شا ءفليؤمن ومن شاءفليكفر” aayadaan oo caddeyneysa in qofka doorashada la siiyay tan saxan tan qaldanna loo caddeeyay waxa ka dhalanaayo hadduu midda saxan doorashadiisa la aadi waayo. Sidaas oo ay qawaaniinta dunida u sameysanyihiin si xummaan iyo samaan loo kala garto.

Xorriyadda Fikirka iyo Hadalka
Xorriyadda Fikirka: Diimaha cireed , waxa ay taageersanyihiin xoriyadda fikirka iyo hal abuurka, taas oo macnaheedu yahay in qofku uu xaq u leeyahay inuu fikrado kala duwan qabo oo uu isku dayo inuu ogaado xaqiiqda. Islaamku wuxuu ku dhiirrigeliyay dadka inay fikraan oo ay wax is weydiiyaan. Sida ay sheegeyso aayaddan:”Kuwa dhagaysanaya hadalka oo raacaya kan ugu wanaagsan; kuwaasi waa kuwa uu Allaah hanuuniyey, waana kuwa caqliga leh.” Surah Az-Zumar (39:18).


Xorriyadda Hadalka: Hadalka waa mid la xiriiri kara xorriyadda fikirka, laakiin waxaa jira xuduud lagu dabaqay si loo ilaaliyo dhaqanka bulshada. Diinta tusaale ahaan, waxay oggolaataa in la doodo oo la isweydiiyo si wax looga baro, laakiin waxay ka reebtaa in la caayo ama la tuhmo aayadaha Ilaahay ama Nabiga.
“Ha caayin kuwa ay caabudaan (gaaladu) oo aan Eebbe ahayn, waayo waxay markaas iyaguna ku caayi doonaan Eebbe si xaqdarro iyo jaahilnimo ah.” Surah Al-An’am (6:108).

Dhanka kale aqoonyahannada falsafadda qaarkood oo aragtida jiritaanka iyo u jeedada aad ugu hadlay sida kuwa qaatay “falsafadda jiritaanka” (Existentialist philosophy) haddii aan soo qaadanno doodaha kuwa ka mid ah:
Jean-Paul Sartre: Sartre waxa uu aaminsan yahay in aadamuhu dhashaan ujeedda la’aan ayna tahay inay ayaga sameystaan u jeeddo oo aysan xaddidin qorshooyin iyo ujeedooyin loo dajiyay dhalasha horteed. qofkana uu xor u yahay waxkasta uu sameeyo taa oo si toos ah ugu hor imaaneysa diinta iyo in dadka u jeedda mucayin ah loo abuuray waddadii ay ku gaari lahaayeenna loo caddeeyay. “وماخلقت الجن والانس الاليعبدون” balse waxaa aad u jiidatay aragtidiisa mulxidnima.


Immanuel Kant: Kant waxa uu aaminsan yahay in xornimadu ay tahay qodob aasaasi ah oo uu ku salaysan dhaqanka (morality). Isaga waxa uu sheegay in qofku uu xornimo u leeyahay marka uu raaco shuruucda dhaqanka kuwaas oo xeendaab dhaqamedka ku jira. Sida la caddeeyay muusan aaminsaneen inta badan sancada iyo qawaaniinta diimaha balse jiritaanka ilaah muusan diidaneen, waxa uu aaminsanaa abuurista ilaah waa in ay u banbaxdaa Anshaxa dhaqanka (Moral) ayna ka dhax muuqataa. Dhanka kale dooddaan ku saabsan xornimada iyo meesha ay ka imaato filosoferiska qaba in shauruucda iyo qiyamka dagsan la raaco mararka qaar iyo xaaladaha qaar qasab tahay oo aan doorasho kale la heleynin waxaa ka mid ah “Alain de Botton” oo aaminsan aaminsanaanta qiyam ay diin sheegtay ay dadka ka dhigta kuwa uu dhaqankooda wanaagsanaada shardina aysan aheyn inuu ilaah jiro. Taas oo caddeyn u ah inuu yahay ama uuba ku sheegay muxaadariiyinkiisa qaar ka mid ah inuu yahay “Atheist 2.0” oo macnaheeda ku sheegay inuusan ilaah jiritaankiisa uusan rumeysneen balse akhlaaqda diinta iyo xeendaabyadeeda xuriyadeed ay ka dhigtay kuwa moral fiican yeesha oo noloshooda hagaagsanaato.

Doorka Qofka (Determinism):
Doorka qofka uu nolosha ku leeyahay wuu xaddidanyahay markii aan ka hadalno diinta waxay sheegaysaa in dhammaan ficilada iyo dhacdooyinka ay yihiin kuwa cawaaqib ay ka dhalaneyso basle qofka waxa u uxor u yahay doorashada.ku xiran. Inta qiyamka diinta la’ilaalinaayo doorarka xerka adag ayey qaarkood ku xeranyihiin sida caaqibo dad-dag ah ayaa ka dhalaneyso sida ay qabaan sharaa’icda soo dagay. Doorarka qaar doorashooyinka qaldan ee uu ka sameeyo ciqqab soo dagdagta malahan balse maalinta qiyaama ayaa loo dib dhigay.
Qaar ka mid ah filosoofyada waxay rumaysanyihiin in aadamuhu ay ku noolyihiin nidaam qoto “Individual Libraty”.


Baruch Spinoza: Spinoza waxa uu aaminsan yahay in dhammaan waxyaabaha ku dhacaya ay yihiin cawaaqib ku xiran sababo. Isaga waxa uu sheegay in xornimadu ay tahay ilbaxnimo (illusion) oo aan horay u jirin. Asigoo diidaya xuduudaha xorriyadda ay u dhigtay diinta aaminsanna haddi xadaarad inay kobacdo iyo ilbaxnimo qofka ku lado in dadka ayaga abuuraan.
John Locke: ayaa ka mid ah dadka aad doorka qofka ugu hadlay waxa uuna aaminsanyahay in qofka xor u yahay inuu sameeyo ficilkasta oo ku soo dhaco balse xuduudda saxda ee xorriyadda ah uusan goynin balse awoodda ka baxsan ay sameeyaan meeshaas oo ay ciqaabta iyo ganaaxyada ay ka dhashaan.
waxa uu sheegay in qofku uu ku nool yahay nidaam qoto dheer, laakiin wuxuu aaminsan yahay in qofku uu xornimo u leeyahay marka uu qalbigiisa ku qanco in uu sameeyo ficil.

Gabo-Gabo
Aragtida ah xornimada qofka waxa ay ka koobantahay dhowr nuuc balse u jeedka doodda ayaa ah xornimada inaysan laheyn xeendaab. Qolooyinka qaba xornimada qofka inay tahay sida uu asiga u arko balse aysan laheyn xeyndaab loo sameeyay inta aan la abuurin dadka.
Diinta waxa ay caddeysay in qofka ujeedda loo abuuray xeendaabka xorriyadda qofkana ay ka dhalaneyso ujeedadaas.

Tixraacyo (References):
Sartre, J.-P. (1943). Being and Nothingness.
Kant, I. (1785). Groundwork of the Metaphysics of Morals.
Spinoza, B. (1677). Ethics.
Hume, D. (1748). An Enquiry Concerning Human Understanding.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *