Aragtida Dhimashada Internet-ka (The Dead Internet Theory)

Aragtida Dhimashada Internet-ka (The Dead Internet Theory)

W/Q: Abdikani Cideeye

Aragtida dhimashada internet-ku waa aragti ku saleysan dhagar-maleeg (conspiracy theory) oo sheegaysa, in internet-ka intiisa badan maanta uusan ahayn meel ay ku badanyihiin bani’aadamku, balse ay ka buuxaan barmaamijyo bots ah oo ku dhisan garaadka macmalka ah, kuwaas oo abuura xogo badan oo aan dhab ahayn. Aragtidan ayaa soo if-baxday sannadihii u dambeeyey, iyadoo dadka aragtidan aaminsan ay ku doodaan in bots-kan ay soo saaraan qoraalo, muuqaalo, iyo waxyaabo kale oo u eg kuwa ay abuuraan dadku.

Sidoo kale, waxay ku doodaan in ujeeddada laga leeyahay barmaamijyadanna ay tahay, in la maamulo dooddaha ka dhex socda internet-ka, iyo in saameyn lagu yeesho habka ay dadku wax u iibsadaan iyagoo sameynaya xayeysiisyo beegsi ah, maadaama ay si shakhsi ah u falanqeynayaan xogta dadka, si ay ugu soo bandhigaan iidhehda(ads-ka) ku habboon danahooda ama baahidooda. Sidoo kalena in loo adeegsado dano siyaasadeed sida cod-bixinta doorashooyinka ama faafinta afkaaraha iyo in xataa lagu xakameeyo aragtiyaha dadka.

Inkasta oo weli dadku isticmaalayaan internet-ka, haddana waxa muuqata in xifaaltanka ay kula jiraan waxyaabaha aaladahan AI-ga ah, ay abuuraan uu qariyey xogtii dhabta ahayd ee bini’aadamku soo saaray, taasoo meesha ka saareysa hal-abuurkii iyo waayo-aragnimadii qofka bani’aadamka ahaa, waxayna internet-ka ka dhigeysaa mid u eg “wax dhintay” marka loo eego sababtii loo unkay Internet-ka oo ahayd inuu noqdo meel dadku ku wada xiriiraan, xogna isku dhaafsadaan.

Bilowgii arragtidan, waxay caan ka noqotay madalaha 4Chan1 iyo Reddit2 qiyaastii 2010-kii ilaa 2018-kii. Ilaa hadda lama garanayo qofka ama kooxda si rasmi ah u soo bandhigtay aragtidan, balse waxaa la ogyahay inay tahay fikrad si tartiib-tartiib ah u kortay, oo ka dhex abuurantay dadka isticmaala internet-ka, ee dareemaya in khibraddooda oonlaaynka ay isbeddeshay, inkastoo aragtidani ay aad u xoogeysatay sanadkii 2019-kii ilaa wixii ka dambeeyey, oo dad badani waxay arkeen in internet-ka uu noqday mid ay maamulaan shirkadaha waaweyn (Big Techs) sida Alphabet (Google), Microsoft, Meta (Facebook), iyo Amazon.

Haddaba si aynu isula fahanno arrintan, aynu wax yar dib ugu laabano isbeddelladii ku yimaaday internet-ka, iyo halka ay ka soo bilaabatay in shirkaddahani ay isticmaalaan algorithms-yada AI-ga, iyo sida AI-gu ugu xoogeystay internet-ka, gaar ahaan bot-yada xogta abuura iyo kuwa sida tooska ah uga dhex shaqeeya website-yada.

Ugu horreyntii sida aan soo carrab-baabay, ujeeddada loo sameeyey internet-ka waxay aheyd, inuu noqdo goob ay dadku ku wadaagaan xog, kuna wada xiriiraan, isla markaana ku helaan fursado waxbarasho iyo ganacsi. laga soo bilaabo sannadihii 1980-kii ilaa 1989-kii, Internet-ku wuxuu ahaa mid xaddidan, oo ay isticmaalaan cilmi-baarayaasha, jaamacadaha, iyo hay’adaha dowladeed, oo qof walba ma isticmaali kareyn, sababta oo ah xogta waxaa lagu kaydin jiray kombuyuutarro gooni ah, waxaana aad u adkeyd inaad xog meel kale ku kaydsan si fudud u hesho, oo waxa kaliya la isticmaalayey nidaamyada adag ee FTP3 iyo Telnet4.

Sannadkii 1989-kii waxa la soo bandhigay World Wide Web (WWW), oo ah nidaam isku xiraya kombuyuutarrada iyo boggaga internet-ka si xogta loogu kaydiyo, looguna daalacdo meel kasta, iyadoo la adeegsanayo Web Browser-da sida Chrome, Firefox, ama Safari. Balse webka laftigiisu Wuxuu soo maray saddex fac(version), oo kala ahaa web 1.0, web 2.0 iyo web 3.0.

Marxaladihii Web-ku Soo maray

Web 1.0: facii koowaad ee internet-ka waxa uu jiray intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa 2004, wuxuu ahaa marxalad bogagga webka ahaayeen “read-only” ama “static pages.” Dadka soo-booqan jiray waxay keliya akhriyi jireen xogta, iyaga oo aan awoodin wax falcelin ah, halka xogtu ay hal dhinac oo keliya ka imaan jirtay.

Web 2.0: faca labaad ee internet-ka wuxuu bilowday wixii ka dambeeyay 2004-tii ilaa iyo hadda, wuxuu horseeday kacaan ku saabsan ka-qayb-galka dadweynaha ee internet-ka, wuxuu dadka siiyay fursad ay uga qayb qaataan internet-ka, iyagoo faallooyin ka bixin kara, isla markaana ay macluumaad ku wadaagi karaan. Taasi waxay dhalisay isku xirnaan bulsho caalami ah, halkaas oo qof kasta uu ka qayb qaadan karo arrimaha dunida, iyada oo aan xad lahayn.

Si kastaba, arrintan waxay keentay caqabado waaweyn, oo xogta dadka caadiga ah iyo dhaqaalaha internet-ka, oo waxaa gacanta ku dhigay shirkado waawayn sida Alphabet, Microsoft, Apple, Meta, iyo Amazon. Shirkadahani waxay leeyihiin awood xooggan, waxayna isticmaalaan xogta dadka si ay faa’iido u helaan, halka dadka caadiga ah ay noqdaan dhibbanayaal xogtooda lagu maamulo ama laga macaasho.

Web 3.0: faca saddexaad ee internet-ka waa kacaan tiknoolajiyaddeed oo diiradda saaraya in awoodda laga wareejiyo shirkadaha waawayn laguna soo celiyo shakhsiyaadka. Waxa uu ku dhisan yahay tiknoolajiyadda blockchain oo hormuud ku ah dhinaca amaanka iyo madax-bannaanida, taasoo dadka siinaysa awood ay ku maamulaan xogtooda, hantidooda dhijitaalka ah sida NFTs, iyo adeegyada maaliyadeed sida cryptocurrency, iyada oo aan loo baahnayn cid dhex-dhexaadisa. Web 3.0 wuxuu yoolkiisu yahay in la abuuro nidaam loo siman yahay oo qof walba uu si toos ah uga qayb qaato, isagoo meesha ka saaraya xayndaabka shirkadaha iyo hay’adaha dhexe.

Aragtidan dhimashada internet-kuna waa shidaalka kacaankan cusub, oo wixii ka dambeeyey sannadkii 2010-kii, waxa aad u xoogeystay isticmaalka algorithms-yada AI-ga, ee shirkadaha waaweyn sida Facebook iyo Google, si ay u maamulaan waxa ay dadku ka arkayaan bogagga internet-ka, waxaana soo baxday in xogta isticmaalayaasha si weyn loo ururiyo, loona isticmaalo si loogu xayeysiiyo alaab ama adeegyo.

Waxana internet-ka ku xoogeystay aaladaha garaadka macmalka ah, markii la horumariyey tiknoolajiyadda Cognitive AI oo ku dayata sida uu u shaqeeyo caqliga aadanaha, iyadoo abuuri karta qoraalo, muuqaalo, iyo codad u muuqda inay ka yimaadeen qof bini’aadam ah.

Waana tiknoolajiyadda loo adeegsado barnaamijyada xogta abuura ee aan maanta naqaano sida chatbot-yada (sida: ChatGPT) iyo algorithms-ka, oo ah waxa gadaal ka hagaya barmaamijyada ay ku shaqeynayaan. Waana waxa suurtagaliyey in xogta isticmaaleyaasha si ballaaran loo ururiyo, looguna isticmaalo xayeysiinta alaabooyinka iyo adeegyada, isla markaana lagu sameeyo xogo aanay si toos ah u abuurin dadku.

Sidaa darteed, internet-ka waxaa ku soo badanaya macluumaadka ay abuureen aaladaha garaadka macmalka ah, taasoo saameyn ku yeelaneysa sida aan u aragno una isticmaalno macluumaadka, isla markaana keentay in fal-galka bini’aadamka ee internet-ka uu yaraado. Qiyaastii 50% ama ka badan internet-ka maanta wuxuu ka kooban yahay bots iyo macluumaad been abuur ah.

Saameynta bots-ku ku leeyihiin baraha bulshada

Waxa jira caddeymo badan oo tilmaamaya, sida bots-ku saameeyn weyn ugu leeyihiin baraha-bulshada, sida X(Twitter), Facebook, iyo YouTube iyagoo abuuraya doodaha iyo in dadku aaminaan sheeko gaar ah.

Tusaale ahaan haddii ciwaannadan bots-ka ah ay u badiyaan falcelinta sheeko aan macno lahayn ama been ah, waxay abuuri kartaa in dad badan rumeystaan maadaama dareenka aadamuhu uu inta badan raaco, waxyaabaha aynu u aragno in dad badan isku raaceen.

Sidoo kalena algorithms-yadu waxay u arkayaan xog muhiim ah iyagoo gaarsiinaya dad badan, maadaama dad badan ay ka falceliyeen, waana sababta baraha-bulshada ay u buuxiyeen waxyaabo tayo xun leh, taasoo adkeyneysa in la helo xog muhiim ah oo dhab ah.

Waxaan yara baadhay in ay jiraan bots-yo saameyn ku dhex leh qeybta soomaalida, haddii aad u fiirsato faalooyinka laga bixiyo boggaga caanka ah iyo kuwa wararka, waxa aad arkeysaa ciwaano mar kasta soo qoraya faalooyin aan xiriir la laheyn mawduuca powstiga, oo u badan xayeysiis iyo waxyaabo falcelin ama like lagu raadsanayo. Waxyaabaha aan uga shakiyey iney bots-yihiin waxaa kamid ah sida ay markaba faalo uga bixinayaan, xataa mawduucyada xasaasiga ah way ku soo dhex darayaan, markaa waxay u badan tahay iney otomaatik (automatic) ugu xiran yihiin waana jiraan barmaamijyo lagu sameyn karo inkastoo ay u badan yihiin kuwo lacag ah.

Kama gayoon karno, haddii aan is dhaho soo koob, doodaha la soo bandhigay, ee muujinaya saxnimada aragtidan, haba ugu horreyso eexda algorithms-yada (algorithms bias) oo waxa lagu eedeeyaa searchbot-ka Google, iney kor soo mariyaan, waxyaabihii danbe ee la soo geliyey iyadoo la yareynayo xogihii hore, taasina waxay yareynasaa in la helo xog dhab ah oo waxtar leh.

Isku soo duuboo haddii aragtidan ay dhab noqoto oo maamulka internet-ka uu la wareego AI, waxay ka dhigan tahay in internet-ka uu ka lumay kalsoonidii dadka. Wada-hadallada iyo xogaha aan oonlaaynka ka helno ayaa noqon kara kuwo aan dhab ahayn, taasoo keeni doonta jahawareer iyo kalsooni darro. Waxa jira dad badan oo internet-ka weydiiya astaamaha xanuunada ay dareemayaan, ka hor inta aanay la kulmin dhakhtarka, waxana ay inta badan internet-ka Ka helaan xogo khaldan oo ku abuura wer-wer iyo cabsi balse marka ay dhakhtar u tagaan, waxa loo sheegaa natiijada saxda ah oo u badnaata mid togan. Waa inyar oo kamid ah, marin-habaabinta internet-ka maanta.

Haddaba muxuu yahay xalku? Waxaa jira xalal ay dadku soo jeediyeen si mushkilladan loo xalliyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin In la xakameeyo shirkadaha waaweyn ee tiknolojiyadda, in la xoojiyo sharciyada maamulaya AI-da iyo baraha bulshada. Isla markaana kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in la baro sida loo kala saaro xogta runta ah iyo midda been abuurka ah. Sidoo kale in dadku ay taageeraan waxyaabaha dhabta ah ee ay dad sameeyeen halkii ay raaci lahaayeen sheekooyinka ay bots-ka iyo AI-du abuureen.


14chan: waa madal ay dadku ku wadaagaan sawirro iyo afkaaro, waxaad si toos ah ugu biiri kartaa adigoon isticmaalin wax ciwaan ama account ah. Waxayna caan ku tahay xorriyadda doodaha, waana madal ku dhisan hab goleyaal ah (boards) oo mawduuc kasta wuxuu leeyahay gole u gaar ah, sida /pol/: Politics (Siyaasadda), /g/: Technology (Teknolojiyada). Marka golayaashan waxa loo raadsadaa nidaam URL ah halkii ciwaanka la raadin lahaa Tusaale 4chan.org/g/.

2Reddit: Waa mid kamida barnaamijyada baraha bulshada ee ugu waaweyn, oo dadku ku wadaagaan xogta iyo fikradaha. Wuxuu leeyahay qeybo hoose oo kala duwan (subreddits) oo mid kasta wuxuu diiradda saarayaa mowduuc gaar ah, sida tiknolojiyada, caafimaadka, filimada, iwm.

3FTP (File Transfer Protocol) waa nidaam loogu talagalay in lagu gudbiyo faylasha u dhexeeya kombiyuutarro kala duwan oo ku xiran shabakad. Balse FTP ma adeegsado habka sir ka dhigista (encryption), taasoo ka dhigan in xogta si sahlan loo basaasi karo. Se iminka waxa jira noocyo ammaan badan sida SFTP (Secure FTP) iyo FTPS (FTP Secure) oo bixiya ilaalin sare.

4Telnet: Waa nidaam kuu oggolaanaya inaad kombiyuutar kale ka maamusho meel fog, adigoo adeegsanaya Comand-line ama amarr qoraal ah. Waxaa loo isticmaali jiray wakhtigii hore si kombiyuutarrada loogu xiro server-yada fog. Maanta waxaa inta badan lagu beddelay habab cusub sida SSH (Secure Shell), sababtoo ah Telnet ma ahan mid ammaan badan.


Lingaxa Tixraacyada (reference links)

  1. (Web): The Dead Internet Theory, Explained: https://www.forbes.com/sites/danidiplacido/2024/01/16/the-dead-internet-theory-expl ained/
  2. (Web): The dead internet theory: https://en.m.wikipedia.org/wiki/Dead_Internet_theory
  3. (Web): Web 3.0 Af Soomaali | Waa Maxay Web 3.0 ? | Eye-Opening Article: https://jaarlees.com/web-3-0-af-soomaali-waa-maxay-web-3-0-eye-opening-article/
  4. (Video) The Dead Internet Theory( complete edition): https://youtu.be/V9PkWdrYOz0?si=1B1RZRCEDWCCWbl-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *