Anthropocene: Saameynta aadanaha ee taariikhda dhulka
Waxaa qoray: Ismaaciil Dhuubow
Taariikhda dhulka waxaa loo qaybiyaa waqtiyo juquraafiyeed oo kala duwan oo loo yaqaan epoch-yada. Epoch-yadan waxaa lagu kala soocaa iyadoo lagu saleynayo raadadka noolaha ee laga helo ciidda, isku-dhafka dhagaxyada, iyo dhacdooyinka waaweyn ee masiibooyinka sida xasuuqyada nooleyaasha. Waqtiga hadda ee taariikhda juquraafiyeed ee aan ku nool nahay waxaa loo yaqaan Anthropocene; waqti-goboleedkan waxaa lagu qeexaa inuu yahay xilli gaar ah oo juquraafiyeed oo ay dadka noqdeen kuwa ugu waaweyn ee saameeya cimilada. Waxaa jira muran ku saabsan goorta uu waqti-goboleedka Anthropocene bilaabmay. Qaar ka mid ah khubarada waxay sheeganayaan inuu bilaabmay xilligii aadanaha uu beeraha baranayay, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee bini’aadamku si ballaaran u beddelay deegaanka dabiiciga ah. Kuwo kale waxay ku doodayaan in xilliga uu si dhab ah u curtay uu yahay kacaankii warshadaha ee qarnigii 18-aad, markaasoo warshadaha waaweyn iyo isticmaalka shidaalka haraadi (fossils) ay bilaabeen inay si weyn u saameeyaan cimilada iyo deegaanka.
Dood kale ayaa sheegaysa inuu bilaabmay kadib dagaalkii labaad ee adduunka (1945), xilligaas oo kacaanka macaamiilnimada iyo wax-soo-saarka warshadaha uu gaaray heer aad u sarreeya, taasoo si ba’an u bedeshay deegaanka, cimilada, iyo nolosha dhulka.
Inkastoo waqtiga saxda ah uu weli muran ka jiro, waxa la isku waafaqsan yahay in waqti-goboleedkan uu si dhow ula xiriiro saameynta xooggan ee aadanuhu ku yeeshay dhulka iyo nidaamkiisa dabiiciga ah (Natural system).
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la eegayo asalkeeda, waxaa cad in bini’aadamku ay saameyn weyn ku yeesheen dhulka iyo taariikhdiisa iyagoo adeegsanaya dhaqammo ay ka mid yihiin jarista keymaha, beeraha, xoolo u gaarsasho, qodista geedaha iyo gubista shidaalka, iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee badeecooyinka. Waxaa la oran karaa in is-dhexgalka caalamka ah ee maanta la arko uu bilaabmay 1970-meeyadii, kadib markii siyaasadaha dhaqaale ee neo-liberal-ka ay hogaaminayeen Richard Nixon oo ahaa madaxweynihii 37 ee Mareykanka iyo Margaret Thatcher oo ahyd raysal-wasaarahii ugu horreysay ee haweeney ah ee dalka Ingiriiska. Waxaa bilowday xilligaas cusub is-dhexgalka caalamiga ah waxaana la dhiirrigelinayay ganacsiga si loo yareeyo caqabadaha ganacsiga loona fududeeyo wareegga lacagaha iyo hantida caalamiga ah, taasoo lagu xoojiyay xiriirka dhaqaalaha ee dalalka adduunka.
Si kastaba, awoodaha dhaqaale ee reer galbeedka ayaa bilaabay inay si xun uga faa’iidaystaan dalalka aan horumarsanayn ee loo yaqaan dunida saddexaad. Waxay u wareejiyeen warshadaha iyagoo u raadinaya meelaha ay ka jiraan shaqo la’aan iyo sharciyo aan la dhaqan-gelin, taasoo ka dhigtay farqiga u dhexeeya dalalka awooda leh iyo kuwa aan awoodin inay sii ballaariyaan suuqa caalamiga ah. Markii warshadaha reer galbeedka ay galeen dalalka dhaqaale ahaan hoos u dhac ku yimid, waxaa soo baxay ku-takrifal iyo gumeysi ku saabsan dadka iyo deegaanka iyadoo loo marayo tallaabooyin sharci daro oo kheyraadka dabiiciga ah loo isticmaalay.
Tusaale ahaan, dalka Indanuusiya oo muddo dheer ciyaarayay door dhaqaale, waxaa si xoog ah loogu soo jiiday suuqa caalamka 1970-meeyadii iyadoo dalalka awoodda dhaqaale leh sida Japan, Maraykanka, iyo UK ay doonayeen inay helaan keydka qoryaha qaaliga ah ee yaalla jasiiradaha badan ee dalkaas. Marka la gaaray sanadihii 1990kii, inta badan dalka waxaa laga jaray keymaha iyada oo wax yar ama haba yaraatee wax caasimad ah oo kasoo haray warshadahaas aysan ku noqon dalka Indonesia. Xaaladda ayaa gaartay heer ay muwaadiniinta Indonesia ku qasbanaadeen inay sameyaan falal sharci-darro ah oo ku saabsan isticmaalka kheyraadka si ay uga badbaadaan xaaladda adag, halka madaxweynahooduna sii bogaadiyay dhaqamadan warshadaha oo ka dhacayey dal aan lahayn kaabayaasha taageeri kara saameynta dhaqaalaha, deegaanka, iyo dadka saboolka ah.
Marka aan u nimaano Soomaaliya, xaaladdu waxay la mid tahay midda caalamka ee aan kor ku soo sheegay ama wey ka daran tahay, taniyo 1970-meeyadii, Soomaaliya waxay soo martay isbedello waaweyn oo dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la tixgelinayo arrimo badan sida colaadaha sokeeye, abaaraha, iyo isbeddelada siyaasadeed ee dalka. Dhibaatooyinkaasi waxay sababeen burburka kheyraadka dabiiciga ah iyo hoos u dhaca dhaqaalaha, iyada oo dhaqanno aan la xakameynin ay saameyn ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Intaas waxaa sii dheer, dhaqanka macaamiilnimada ee caalamka ayaa ku faafay Soomaaliya, taasoo keentay in kheyraadka dabiiciga ah sida dhirta, macdanta iyo biyaha loo isticmaalo si aan la tixgelin saameynta ay ku yeelanayaan deegaanka iyo bulshada.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay la kulantay caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen gumeysi iyo faragelin caalami ah, taasoo si xun u saameysay hannaanka horumarka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah. Si la mid ah adduunka intiisa kale, bulshadu waxay ahayd mid ku tiirsan dhaqammo aan waafaqsanayn ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga burburka kheyraadka. Haseyeeshee, isbedelada iyo is-dhexgalka caalamiga ah ee 40-kii sano ee ugu dambeysay ayaa sii kordhiyay caqabadaha Soomaaliya ka horyimaada, iyadoo uu sii kordhayo saameynta dhaqaale ee caalamiga ah iyo dhibaateynta deegaanka ee aan loo baahnayn.
Tixraac
1.https://www.nhm.ac.uk/discover/what-is-the-anthropocene.html
2.https://medium.com/@gabbyturner/neoliberalism-and3
3.-the-anthropocene-fdf6e8fd1d1d
https://en.wikipedia.org/wiki/Anthropocene
