Nuxurka buugga Ummadaha Jirraban

Waxaa qoray: Ismaaciil Dhuubow

Nuxurka buugga Ummadaha Jirraban

“Hoggaan xun iyo bulsho aan baraarugsanayn waxay abuuraan nidaam duminaya jiilasha soo socda”

Buugga Ummadaha Jirraban uu qoray Dr. Kariim Darwiish kaas uu afSoomaali usoo tarjumay Aadan Badiic wuxuu ka mid yahay buugta kooban laakiin si faahfaahsan ee kaga hadlaya nidaamyada kelitalisnimada iyo saameynta taban ee ay ku reebaan bulshada.

Qoraagu wuxuu ku bilaabayaa in uu sharxo waxa ay tahay kelitalisnimo, isagoo tusaalooyin muhiim ah kasoo qaatay taariikhda sidoo kalena tixraac ka dhigtay aqoonyahanno hore sida Cabdiraxmaan Al-Kawaakibi. Sida uu qoraagu sheegay, kelitalisnimo waa nidaam uu qof ama koox awoodda dalka oo dhan ku urursadaan, iyaga oo aan xisaabtan iyo cabsi midna ka qabin hay’ad kale. Waa nidaam meesha ka saara awood-qaybsiga oo dhammaan ilaha awoodda; fulineed, sharci dejineed, iyo garsoor kaas oo dhammaan ay gacanta u galaan hal dhinac.

Qoraagu waxa uu iftiiminayaa in kelitalisnimadu aysan mar walba noqon mid uu hal qof kali ah maamulo, balse ay noqon karto koox dano wadaag ah, sida kuwa ku saleysan xisbinnimo sida Xisbul-Bacsi ee Ciraaq, qabiilnimo sida Kikuuyada Kenya, qoysnimo sida Yemen ee reer Cafaash, ama ciidammada (sida Argentina). Inta badan kooxahani waxay awoodda u isticmaalaan dhaca hantida bulshada iyo midda shakhsiga, iyaga oo adeegsanaya nidaamyo cadaalad darro ah oo lagu ilaaliyo kursiga.

Sidoo kale wuxuu si faahfaahsan u tilmaamayaa in kelitalisnimadu aysan ka jirin meelaha bulshada iyo madaxdu ay leeyihiin marjaciyad isku sarreysa, taas beddelkeeda, waxay ka dhalataa marka marjaciyaddu (ilaha awoodda) ay bulshada oo keliya ka sarreyso, halka madaxda ay awood u yeeshaan in aysan la xisaabtamin. Sidaas darteed, kelitalisku wuxuu yahay nidaam u baahan jawi aan xisaabtan lahayn, sida aadanuhu u baahan yahay in uu ugu noolaado.

Qoraagu wuxuu soo bandhigay xeeladaha ay adeegsadaan nidaamyada kelitalisnimadu si ay ugu waaran, asiga oo xoogga saaraya in bulshada ay u baahan tahay inay baraarugto si ay kaga hortagto kelitalisnimada, taasoo inta badan ay sabab u tahay aqoon la’aanta iyo faqri ka jira bulshooyinka. Sida uu qoraagu caddeeyay, bulsho jaahil ah waxay si fudud u rumeysataa ballanqaadyada beenta ah ee hogaamiyeyaasha, mana awooddo inay iska caabiso. Waxa ay kelitalisnimada bulshada ku qasbeysaa inay diiradda saaraan halganka nololeed ee maalinlaha ah, iyagoo illowsan xaquuqdooda siyaasadeed iyo awooddooda wadareed.

Qoraagu wuxuu tilmaamayaa in nidaamka kalitalisnimada uu si ula kac ah u burburiyo dabaqadda dhexe ee bulshada, taasoo ah halka ay badanaa ka soo baxaan isbeddellada iyo kacdoonnada bulshada. Dabaqadda dhexe waa hormuudka go’aaminta iyo isku xirka bulshooyinka, waana iyaga kuwa ugu firfircoon ee dhiirrigeliya isbeddelka iyo horumarka. Kelitalisnimadu, si ay uga hortagto halista ka imaan karta dabaqaddan, waxay bulshada u kala qaybinaysaa labo qeybood oo keliya:

Kow, DSabaqadda hoose oo ah bulsho nolol-maalmeedkooda ku mashquulsan, una halgamaysa sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha aasaasiga ah sida cunto, hoy, iyo caafimaad. Dadkani waxay inta badan noqdaan kuwo aan awood lahayn si ay ula xisaabtamaan nidaamka maamulkooda. Iyo, labo, Dabaqadda Sare oo ah dadka ay gacantooda ku jirta awoodda iyo maalka, kuwaas oo sida caadiga ah ah madaxda dalka ama kooxaha taliska ku xiran.

Nidaamka kelitalisnimada wuxuu sidoo kale si weyn ula dagaallamaa qiyamka iyo diinta, isagoo adeegsanaya xeelado u muuqda inay wax wanaajinayaan. Tusaale ahaan, Fircoon wuxuu isku dayay inuu shacabka ku qanciyo in Nabi Muuse uu yahay halis ka dhan ah diintooda iyo dhaqankooda, isagoo ku andacoonaya inuu dadka ka badbaadinayo “fasahaad” uu Muuse horseedo. Si kastaba ha ahaatee, dhab ahaan, Fircoon wuxuu ahaa mid burburinaya bulshada, diinta, iyo qiyamka, si uu u ilaaliyo awooddiisa shakhsiga ah.

Kelitalisnimada waxa ay goor walba ku socota hab khiyaano, iyadoo mar walba u muuqata inay wax wanaajinayso, balse ugu dambaynta waxay horseedaa burbur iyo kala qeybsanaan bulsho. Waxaa xaqiiqo ah in nidaamka noocan uu halis weyn ku yahay horumarka iyo xasilloonida bulshada, maadaama uu si joogto ah uga hortagayo awoodda dadka inay isbaddel dhab ah abuuraan.

Ugu danbey waxa uu buugga si cilmiyaysan u soo bandhigayaa xiriirka ka dhexeeya kelitalisnimada iyo burburka bulshada, isagoo tusaalooyin taariikhi ah u adeegsanaya si uu ugu baraarujiyo akhristayaasha halista ay leedahay in awoodda dalka ay gacanta ugu jirto koox ama qof oo aysan ka danbeyn isla-xisaabtan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *