Goobare

Goobare (Sheeko Gaaban)

Waxaa qoray: Barkhadle Wardoon

Wuxuu dareemayaa, in uu dunidaan ku yahay keli. Sida uu u adduun la’ yahay umma Alla la’a. Balse maalintii uu soo galay magaalada fikirkii uu waayaha ka haystay mid aan ahayn ayuu kula kulmay, beledkaan dadka badan, waddooyinkiisu ay nalalku ka ifayaan, dukaamadiisu wada furan yihiin har iyo habeen dacalkana ku haya bad dheer oo aan la kala gaari karin.

Jimcaale, wuxuu magaalada soo galay xilli ay abaar darran ka soo laysay xoolihii yaraa ee uu aabbihii Garabey u raaci jiray, isaguna uu qaalimo ku lahaan jiray. Garabey wuxuu dhalay sagaal hablood iyo Jimcaale. Wuxuuna ahaa nabaddoon iyo nin tolkiisa u wanaagsan.

Jimcaale, wuxuu magaalada ka soo raadsaday nolol, balse magaaladu waxa ay ku soo dhoweysay eex iyo dulmi lula kacay reerkiisa gaar ahaan aabbihiisa Garabey. Aabbihii  waxa uu ahaa darawal gaari, waxa uuna ciidanka ku soo biiray lix sano ka hor.  Shaqada loo qaatay ee uu ku hawlanaa ayaa aheed kaxeynta gawaarida ciidanka, gaar ahaan waxa uu wade u ahaan jiray, sareeye-gaas Jaamac-Ubax.  Waxaa la wada xiray Garabey  iyo sareeye-gaas Jaamac Ubax, iyaga oo lagu wada eedayanaayo in ay kacaandiid yihiin, kana shaqeynaayeen wax kacaanka ku liddi ah.. Dabadeedna maxkamadda ciidanka ayaa ku xukuntay dil-toogasho. Balse sareeye-gaas Jaamac-Ubax, waa la sii daayay saddex cisho kaddibna Garabey oo kaliya ayaa tiirka la geeyay oo nafta la dhaafiyay! Jaamacna waxaa lagu sii daayay in uu taliska ku reer yahay. Jimcaale xirista aabbihii iyo xukunka ay maxkamaddu ku xukuntay waxa ay ku beereen caro iyo in uu aarsado. Kana aarsado odeyga talada ciidanka haayo. Wuxuu u qaadan waayay in ninkii aabbihiis uu darawalka u ahaa la sii daayay laguna sii daayay qaarabanimo aabbhisiina la toogtay laguna toogtay in uu reer kale ka soo jeedo. Waxa uu qaatay qoriga, waxa uuna ku biiray kooxihii ka soo horjeeday kacaanka. Nimaan aarsan, uurkii hooyadii buu ku jiraaye Jimcaale waxa uu go’aan ku gaaray in uu u aaro aabbihii Garabey ismarkaana yeelo siduu nin rag ah yeeli lahaa haddii aabbihiis gardarro looga dilo.

Isagoon weli aarsan ayaa qabtii dhacday, magaaladana waxaa ka bilaabatay xabbad iyo madaafiic lagu eryanaayo kalitaliyihii dalka xukumi jiray. Qof kastana sabab ayay u eryaneysaa odayga. Sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa’e, Jimcaale wuxuu safka hore ee dagaalka kula biiray ina-adeerradii. Waxaana lagu daray koox ay tiradooddu gaarayso tobaneeyo, maya! Toban way ka badnaayeen! Tobankaa iyo in ka badan ba, waxaa ka dhaxeeyay hal qori. Kan sida qoriga marka uu go’o, si midka kale usii qaado qoriga ayaa la isku soo raaciyay, duullaankaan. Si aysan dagaalka iyo xabbaddu u joogsan! Goynta nafta sow dambi weyn ma ahayn? In naf la gooyaa dunida oo la gaddiyaa sow  maahayn? Maxaa waaye tobaneeyadan qof ee isku soo dabaraacay inay naf dadeed gooyaan ama iyaga tooda la gooyo?! Ma geerida ayaa lagu dhiirradaa? Mise geerida ayaa duulkani ku soo dhiirratay?

Jimcaale wuxuu in muddo ahba uu sugo, markii danbe waxaa gacantiisa soo galay qorigii uu kaltankii ugu jiray, wuxuuna gacantiisa ugu bixi karaa ama uu ku waayi karaa isagoo dhaawacma ama naftiisa la gooyo!

Waxaa meel walba tuban meydadka dadka. Waxayna waddooyinku u daadsanyihiin sida caleemaha geedka. Waxaa xabbadda looga gaashaamanayaa lafaha ay mar hore ruuxdii ka baxday. Xabbaddu waxa ay ku dhacaysaa meel kasta, qof kasta iyo xilli kasta: aroor, barqo, duhur, casar, maqrib iyo habeen. Hilinnadii quruxda badnaa iyo fooqyadii dhaadheeraa waxaa ku tuntay hubkii, waxayna Xamar noqotay sida Horashiima, maya Nagasaaki!

Hubka dawladda wuxuu gacanta u galay qof kasta iyo qabiil kasta, waxaana la dulmiyay oo la dilay qof kasta oo aan gacantiisa gelin hub. Waxaana nafta laga qaaday qof kasta oo dawladdii kalitaliska ahayd u shaqaynaayay ama kalitaliyaha ku qabiil ahaa. Sinaba uma badbaadeysid waayo, waxaad joogtaa goob noloshu ku macno beeshay! Go’idaadduna waa waajib haddii aadan haysan hub wax laaya! Naftaadu ma in aad hub haysatid oo kaliya miyay ku badbaadi kartaa?! Adduunyooy xaalkaaga ba’!

Jimcaale wuxuu ahaa nin jilif badan, laf weyn dheer sida geed, ahna maddaale aan hakan ilaa uu libin helo! Da’ ahaan wuxuu magaalada ku soo galay soddon iyo labo sano. Dhaawacyada ku yaalla jirkiisa, waxaad malayn kartid ma ahan. Sababta ugu weyn ee uu u dagaallamayo waa u aargudidda aabbihii Garabey. Ina-adeerradii waxa ay ku tilmaamaan geesi lagu baxsaday oo tolka iyo qabiilka waxtaray. Ma in uu dadka laayo buu geesi ku noqday?!  Dagaalkana ugu soo baxay kaalin muhiim ah. Wuxuu aaminsanaa maahmaada tiraahda: “Tolkaaga iyo kabtaada dhexdaa loogu jiraa!” Maahmaahdaa iyo kuwa la halmaalo ayuu Jimcaale ku soo kacaamay. Dagaal iyo xoolo la kala dhacana kuma cusba, balse dagaal joogto ah oo xabbad iyo madfac la isku maagayo oo aan xal lahayn ayuu ugu yimid magaalada.

***

Waxay madi ku ahayd labo ay ka dhammaatay nolol-wadaagii. Waxaana loogu wanqalay Gaasira. Waxay aad u jaclayd farshaxanka iyo masawirrada gacanta lagu xardho. Waxayna lahayd qurux jaadgooni ah; oo ay ka soo hidda raacday hooyadeed. Waxbarashada iyo wax dhigashada bari hore ayay ka qalin baddelatay oo hadda waxa ay Sood-Afrika u joogtaa kalkaalisanimo. Waxa ay ka soo hawl-gashay dalal badan oo dibada ah, sida: Talyaaniga, Kiinya, Ruwaanda, iyo Tansaaniya.

***

Toban gu’ oo dagaal iyo xabbad ah, kaddib Jimcaale wuxuu magaalada uga baxay baabuur u baxeyss Kismaayo kaddibna dalka Kiinya ayuu halkaa ka galay. Waxaa uu iska xaadiriyay xeryaha ay ka buuxaan dadka ayaanka daran ee dalkooda laga soo burburiyay iyo qaar iyagu iska soo burburiyay, sida isaga! Waxaa lagu khasbay dadkii xerada ku noolaa in wax la dhigto. Jimcaalana dadkaas ayuu ku jiray. Wuxuu nolol iyo wax dhigasho ka galay xerada. Wuxuuna si sahlan u bartay sida wax loo akhriyo iyo sida wax loo qoro. Hal sanno kadib, wuxuu ka baxsaday xeradii wuxuuna afka saaray dalka Sood-Afrika. Wuxuuna ka bilaabay shaqooyin yar yar ilaa uu markii danbe uu ka shaqo bilaabay dukaan weyn. Wuxuuna Sood-Afrika ku bartay luqadda Ingiriiska iyo Sawaaxiliga. Wuxuuna la falgalay dadkaas iyo dalkaas oo ah waddan ganacsi ku fiican.

Waxa ay Gaasira ahayd kalkaaliso naxariis badan oo aad ugu dhimrin jirtay dadka xanuunsan ee isbitaalka la soo dhigo iyo kuwa la soo waxyeelleeyay oo ay cawaanta dalka u dhashay soo waxyeeleyso. Markii u horraysay ee Jimcaale arkeysay, waxa ay kula kulantay isbitaalka isagoo dhaawac fudud qaba. Isbitaalka intii uu ku jiray oo aheyd seddax cisho ayuu ku arkay kuna bartay Gaasira oo aheyd kalkaaliso aad u naxariis badan oo soo kabashadiisa isku howshaye. Markii uu ka soo kabtay dhaawacayadii ka dib, waxa uu maalin Jimcaale soo booqday Gaasira si uu ugu mahadnaqo gargaarkii gacaltooye ee ay u fidasay kolkii uu dhaawaca ahaa. Waxa ay u sheegtay in ay shaqo ku jirto oo uu sugo muddo sodon daqiiqo ama ay ballan kale wada dhigtaan. Jimcaalana waxa uu doortay in uu sugo, dabadeedna waxa ay tiri: “Waxaa aad igu sugtaa maqaayada u dhaw istibaalka.” Soddon daqiiqo kadib, ayay  ugu imaadday maqaayada dabadeedna waxa ay horay u wada aadeen baar ay aad u jaclayd oo isbitaalka u dhawaa. Jimcaale waa markii ugu horraysay ee uu baar imaado intii uu joogay Sood-Afrika. Marka ay fadhiisteen oo qof kasta uu dalbaday waxa uu u baahan yahay ayaa waxa u bilaabtay sheeko goosgoos ah iyo is barasho guud.

Jimcaale ayaa ku bilaabay hadalkiisa: “Waxa aan kaaga mahadnaqayaa daawaadii iyo naxariistii aad i siiyay.”

“Jimcaalow, waxa aan gudanayay shaqadeyda ee mahadsanid.” ayaa ay Gaasira ku warcelisay mahadnaqii Jimcaale.

Waxa ay sii wateen isbarashadoodii, waxuuna uu Jimcaale u sheegay in uu “geel-jire soo ahaan jiray, hadda dukaanle yahay.”

Gaasirana waxa ay u sheegtay: “In ay kalkaaliso tahay oo ay wax ka soo baratey dalka Talyaaniga.”

Jimcaale marar dhowr ah ayuu ugu imaaday baarka, Gaasira oo keligeed fadhido oo iska nuugeysa sigaar Marlabaro ah. Jimcaale mar kasta oo uu arko Gaasira oo sigaar cabeyso, waxa uu hoosta iska dhahaa: “Maxaa ay horta Gaasira u cabtaa sigaarka?”  Intii uu baar-wadaag lahaa Gaasiro waxa uu ka bartay wax badan oo ay ugu horreyso cabidda kofeega iyo wax akhrinta joogtada ah. Waxa uu weydiiyey, Jimcaale: “Maxaad buuggtan ka akhrisataa?”

“Wax badan oo ay ugu horreyso in aan ka helo aqoon iyo farxad.” Ayaa ay Gaasira ugu warcelisay.

“Hadda miyaa ay aqoon iyo farxad kaa maqan tahay?” ayuu weydiiday

Inta ay gacanteeda kor u soo qaadday ayay nuugtay sigaar ku jiray labadeeda farood ee Faadumo-dheerta iyo mudursatada, dabadeedna sanka qiic ka sii deysay ayay tiri: “Haa, aqoon iyo farxad badan ayaa iga maqan!” dabadeedna u raacisay weydiin: “Jimcaalow, horta adigu wax ma akhrisaa?”

“Haa, wax aan akhristaa kitaabka Qur’aanka.” Ayuu la soo booday.

“Waxa aan kutubka Qur’aanka aan ahayn miyaad akhrisaa?” ayay Gaasira weydiisay.

“Maya!” ayuu si fudud u dhahay.

Inta ay fadhigeeda tootoosisatay ayay iska fuuqsatay kofeegeedii.

Waxa uuna dareemay in uu marba marka kasii dambeysa uu ka helaayo dabeecadaheeda kalinimada ah. Marka uu iyada la joogo waxa uu dareemayaa farxad, kalgacal iyo deggnaan. Balse waxa ugu wayni ee uu laabta ku haayo waa in ay ku kala duwan yihiin meel badan oo ay ugu horrayso qabiil ahaan, oo iyadu waxay ka soo jeeddaa qoladii ku qabiilka ahaa odaygii dalka ka talin jiray, isaguna wuxuu ka dhashay qoladii ka soo horjeeday ee la dagaalayay kacaanka.

Marar door ah oo ay wada sheekaysteen oo ay su’aal iska weydiiyeen, sababihii dhaliyay in ay dalkoodii iska burburiyaan.

“Jimcaalow, maxaad dalkii innoogu soo burburisay?” ayay weydiisay

“Anigu, dalka idin kama soo burburin ee waxa aan la dagaalamay kalitalihii dalka haystay.”

“Maxaad u la dagaalameysay kalitaliyaha ninka aad ku sheegtay?”

“Waxa uu dilay aabbaheyga oo aan waxba ka galabsan.”

“Ma u aargudday aabbahaa?”

“Haa! In aan odayga iska saarnana waan ku faraxsanahay.”

“Odayga waad iska saarteen, dabadeed maxaa horumar ah oo aad gaarteen?”

“Sida aad aragtid!” Inta uu dhahay ayuu biyo horyaallay u haabtay in uu cabo.

Jimcaale waxa uu muddo dheer oo dheer ahba kalgacal, isfahan iyo xodxodasho uu Gaasira lahaaye, waxa uu ugu danbeyntii ka codsaday in uu guursado Gaasira. Si fudud oo aan lur laheen ayay Gaasira u tiray: “Guur waa nasiibe, gacalkaa ha boobin.” Kadibna waxa ay eegtay wajigiisa, waxa ayna u sii raacisay:  “Sidee baad u doonaysaa, gabar aad reerkeeda aad colaad u qabto?”

Lix bil kadib markii Jimcaale sharcigii dalka loo oggolaaday, iyaga oo caweysimo baarka kofee ku fuuqsanaaya ayay ku soo hadal qaaday codsigiisii ahaa in uu guursado. “Ma ka tala baxday guurkeyga?” ayay weydiisay Gaasira.

“Maya sideen uga tala baxaa?!” ayuu ugu warceliyay.

“Maxaad ugu baahan tahay in aan is guursano?” ayay weydiisay.

“Sababtoo ah, waan ku jacelahay! Waxa aan rabaa in aan nolol wadaagno.” Ayuu Jimcaale ugu warceliyay weydiinta Gaasira.

“Jaceyl aa? Sow ma ihi qabiilkii aad necbayd?” ayay Gaasira weydiisay.

“Een… een…” Jimcaale, weydiintaan oo kale in adduunka lagu weydiin doono ma fileyn.

Muddo dheer oo aamusnaan ah kadib, ayuu Jimcaale ku dhahay, Gaasira: “Jaceylku waa kugu qabiil, ma yaqaano e!”

Gaasira inta ay dhoollacadeysa ayay ku tiri: “Guur dantaa lagama waayo!”

Gaasira waxa ay ka heshay, Jimcaale daacadnimadiisa, fudfudeykiisa, xooggiisa furan iyo in uu yahay nin shaqeysanaayo. Ma mooga tagtadiisa iyo wax uu hadda ku sugan yahay.

Guur iyo geeddiba sahan bay ku fiican yihiine, Jimcaale iyo Gaasira waxa ay ku aqalgaleen dalka Sood-Afrika. Jimcaale waxa ay Gaasira u ahayd wax kasta. Walaal ha dhihin; oo waalid ha dhihin; oo saaxiib ha dhihin; oo lammaane ha dhihin. Wuxuuna ka bartay adduun oo dhan, haddii ay naxariis tahay; oo nugayl tahay; oo nabad tahay; oo kalgacal tahay iyo sabab uu u noolaado!

Sannad markii ay wada joogeen waxa ay ku dalxiis iyo damaashaad u soo aadeen dalka Kiinya. Waxa ay ku wada qaateen bishooda malabka ah. Bil kadibna, waxa ay ku laabteen dalka Sood-Afrika, iyaga oo qorsheynaayay  in ay dalkooda hooyo tagaan, dabadeedna u dhoofaan dalka Talyaaniga oo Gaasira ay aad u jaceyleyd in ay ku noolaato. Marka ay Sood-Afrika ku soo laabteen, waxaa xanuun ku soo booday Gaasira. Gaasira waxa laga qaaday dhiig, waxaana loo qabtay ballan in ay ku soo laabtaan, si dhaqaso ah. Jimcaale waxa uu xanuunka xaaskiisa u arkaayay in ay bishaaro tahay oo ay uur leedahay, isaguna uu aabbo noqon doono mar dhow.

Labo cisho kadib, waxa ay ku laabteen ballantii loo dhigay Gaasira, waxaana lagu sheegay xanuunka haaya Gaasira, kansarka sanbabaha!  Waxaana loo soo qoray daawo kaalmaati ah iyo in ay joojiso cabista sigaarka. Gaasirana aad ayay u jaclayd cabista sigaarka, oo wax ay ka heli jirtay deggenaan iyo inay ku illawdo larkii hore ee nolosheeda, waayo laqanyo badan ayay ka soo martay waayaheedda carruurnimo, waxaa ayna dagaalladii sokeeyay ku soo weysay aabbaheedii ay aadka u jecleyd ee Samatar.

Jimcaale waxa uu billaabay in uu xanaaneyo xaaskiisa, kuna hubsado daawooyinka, sida carruur yarna waa uu ilaalinaayay. Waxa uuna Gaasira ka codsaday, in ay iska joojiso cabista sigaarka. Muddo roonaasho kadib, waxaa Gaasira dib loogu celceliye isbitaalkii. Waana la dhigey oo la seexiyay.

Subax subxaha ka mid ah Jimaale oo samo iyo ladnaan ku waabariistay ayaa wxaa laga soo wacay taleefanka gacanta waxaana lagu wargelay in ay xaaskiisa Gaasira aad u bukoonayso, sidaas darted uu degdeg u soo gaaro isbitaalka. Jimcaale wuxuu isbitaalka ku soo gaaray si dhaqso ah. Waxaana uu ku soo gaaray xaaskiisa Gaasira oo sakaraadaysa welina naftu ku sii jirto. Waxaa uu saartay dhabtiisa. Wixii ugu danbeeyay ee uu afkeeda ka maqlaana wax ay ahayd: “I cafi, gacaliye!”

Dabadeedna, Gaasira waa ay go’day!

Jimcaale waxa ay go’idda Gaasira ugu dhignayd aakhiradii oo waqooyiga laga soo billaabay soo laabisteeda! Maya ee kaligii oo hal madfac lagu dhuftay! Maya ee dhulka oo la go’ay kaligii! Maya ee…! Maya ee.. Maya ee! Wada uun. Oohin ayuu af labadii yeedhay! GAASIROOY, gacalo, ma adduunka ayaad igu cidlaysay? … Jimcaale weligiiba wuxuu ooyay maalintii oo dunidaan ku soo biirayay iyo maanta oo ay Gaasira geeriyootay! Xataa maalinta aabbihii nafta la dhaafinaayay hal ilina kama imaanin!

Markaas ayuu isku qaaday inuu ka tahriibo Sood-Afrika. Wuxuuna u bareeray badda aan nolol iyo geeri wuxuu ku danbayn doono aanu ogeyn. Waxaana uu badda ku soo jiray toban caano-maal. Wuxuu dalka Talyaaniga ku soo dhaweeyay xabsi, kelinimo iyo cadaab-daran. Marbuu is dhahay: “waxaa lagaa jarayaa dhibtii aad dadkii u soo gaysatay.” Wuxuu godka hoose ee xabsiga Talyaaniga ku soo qaatay labaatan gu’ oo cimrigiisa ka mid ah. Wuxuu laabtiisa u badinayaa tii uu jaclaa xasuusaheeda! Ma illaawi karo sida uu nolol u la soo wadaagay xaaskiisa Gaasira?!

Gaasira ka gadaal, wuxuu Jimcaale noloshiisa ku qaatay, goobtii ay jacleyd in ay xaaskiisa Gaasira ka joogto dalalka Yurub. Guri la siiyay iyo akhrinta buuggii xasuus-qorka ee Gaasira ayuu Jimcaale waqtiga ugu badan ku qaadan jiray.

Jimcaale, waxa uu ku arkay xasuus-qorka xaaskiisa: “Xukuumadda iskama laha dad koobani, waxaa ay ka dhexaysaa guud ahaan dadka. Balse kacaankii dalka iyo dadka ku xukumaayay weedhan ma fahin oo waxa ay inoo horseedeen in aan dalkeena ku weyno wax kasta oo aan jacleen oo aan dhawran jirnay…  Dagaalka sokeeye, waxaa ku waayay aabbaheyga aan jacelaa oo loo dilay. Waxaana loo dilay; maxaad ugu qabiil noqotaye keligiitaliyihii dalka xoogga ku haytay? Ma isaga ayaa dooraya? ‘Waa sanam qabyaaladu, haddaad igu qancaysiine!”

Bog kale ayuu ku arkay: “Anigu, waxa aan ku dhashay Gedo, waxa aan ku soo waxbartay dalka Talyaaniga. Waxaana ka soo bartay kalkaalisonimo. Aabbaheyga waxa uu ahaa shaqaali dawladeed.”

Boggaga dhexe ayuu ku arkay: “Anigu, sigaarka waxa aan ku cabbaa dookh oo waan jacelahay. Waxaana bartay markii aan joogay Rooma. Waxaana markii ugu horeysay ku arkay, aabbaheyga oo cabaya. Kadibna, markii aan imaaday dalka Talyaaniga oo aan waxbarashada bilaabay ayaan mar kale ku arkay buuni Sandro Sergio, oo jaamacada ii dhigi jiray. Waxaana cabista sigaarka ku ilaawaa kelinimada iyo xusuus hore.”

Waxa uuna Jimcaale, ka bartay xasuustii xaaskiisa waxa uuna horay ugu aqoon. Waxa uuna fahmay in: “Nabad la’aan aan la ladin!” Waxa uuna noloshiisa inta u hartay ku qaatay daltabyo, caydh ay dawladda Talyaaniga siiso, kelinimo, xusuus, lar, cabista sigaarka waliba kii ay Gaasira jeclayd iyo goobarnimo!

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *