Muxammad W. Sallaaxi: 14 Sano oo xabsiga Guantanamo Bay
Waxaa qoray: Ilhaan Buuxo
“Nin ku xiga naxliga kuu galaa, nudayga kaa gooya!”
— Faarax Nuur
Sheekada Muxammad-walad Sallaaxi oo soconaysa ku dhowaad afar saacadood ayaan beryihii u dambeeyay waqti ku bixiyay. Labadii maalinba mar ayaan dhammaynayay, dhowr jeerna waan ku celceliyay, waxaana barnaamijka sii daayay boodhkaastika Atheer. Waa sheeko macno badan leh, oo qofka dhallinyarada ah ee maanta nool uu duruus fara badan kala soo dhex bixi karo.
Sallaaxi waxa uu safar kugu wadaa baadiyaha Murutaaniya ilaa Jarmalka oo aad waxbarasho la gelayso. Safar kale oo “Riyadii Jihaadka” la dhaho ayaad isaga raacaysaa, oo Afgaanistaan kula gelaya. Waxa aad isla soo arkaysaan in riyadu ay khayaal iyo suubbis ahayd, oo nolosha meeshaas ka jirta iyo tii Murutaaniya ay isku mid yihiin. Waxa aad ogaanaysaa in jihaadiyiintaasi jihaadkii macnaha tiray, oo ay dowlad Muslim ah u aqoonsadeen tu gaalo, isla markaana jihaadkii Ilaahay ee xaqa ahaa siyaasad iyo dano gaar ah dabada u geliyeen.
Nin dhallinyar oo qunyar-socod ah, ummadda af-gaabanna lagu tiriyo ayaa Ameerika ka shakisan, maadaama uu muwaadin u yahay waddan sharci leh oo aan dadkiisa edebdarro lagu la dhici karin. Waa ay u kaadsanayaan inta uu kaga soo dhacayo mid ka mid ah waddamada ay u arrimiyaan. Ugu dambayn gacan baa lagu dhigayaa, waxyaabaha uu Ilaahay tusayo ninkaasna waxaa ka mid ah: iyadoo waddankiisii uu ku xiran yahay, lagu jirdilayo, lana leeyahay “aryaa haddii aad doontona ha ahaan, ee iska sheego keliya in aad Al-Qaacida ka tirsan tahay, oo Maraykan naga qanci!”
Waa markaas uu soo qaadanayo meeris u dhigma kan sare ee Abwaan Faarax Nuur, oo ka mid ahaa gabaygii Darafa Bin Cabdi:
“وَظُلمُ ذَوي القُربى أَشَدُّ مَضاضَةً**عَلى المَرءِ مِن وَقعِ الحُسامِ المُهَنَّدِ” Oo aad runtii muuqiisa xitaa ka dareemayso sida uu isu beddelayo marka uu meeriska xusayo!
Markii waddankiisa laga waday waxaa la geeyay Urdun, halkaas oo muddo dheer lagu basaasayay. Safarka Urdun ka hor waxaa ugu horraysay Sinigaal iyo Turkiga. Waa markuu leeyahay, “waddan ay i geeyaan waxa aan ugu jeclaa Ameerika, waayo waxa aan ogaa ugu yaraan in aan sharci helayo oo aan khalad la iga garaacayn; in aan ka xoroobi doono gacanta raggaan Maraykan raalligelinaya, ee intaa igu dhibaataynaya!” Waa quus meeshii ugu dambaysay!
Ku dhowaad sannad oo uu Urdun ku sugnaa ayaa loo gudbinayaa xabsiga Guantanamo Bay, halkaas oo nolosha rasmiga ah iyo safar qaadanaya afar iyo toban sano ay uga bilaabanayaan.
Markii xabsigaas loo dhaadhiciyay, ayna u bilaabatay ciqaabtii uu intii uu soo marayba ku ilaawi karay, waxa uu xusayaa in uusan indho isa saarin (hurdin) toddobaatan habeen (70 habeen). “Waxaan gaaray,” buu leeyahay, “in aan ku noolaado nolol dhalanteed ah, oo dareenkaygii xanuunka i gaaraya ii soo werin lahaa uu istaagay.”
“In badan oo dhallinyarada ka mid ah ayaa caqligoodii ku waayay darbiyada xabsiga. Waxaad ka luminaysaa wax walba oo bannaanka laga heli jiray iyo qaabkoodii. Aadanuhu sida uu u samaysnaa ayaan xitaa is waydiinnay — waayo cidna arki maysidba! Indhaha ayaa iga xirnaa, garaac, cay iyo aflagaaddo joogto ah oo maalintiiba saddex iyo toban saac ahna waan is haynnay. Waxay ahayd aniga keliya iyo askar aanan arxan lahayn. Dareenkaygii oo dhan ayaa halkaas ku lumay!”
Muxammad waxa uu sheegayaa in dhibka uu ku jiray ay uga darnaayeen Muslimkii ka dhanka ahaa. Nin Maqrib u dhashay baa ahaa tarjumaan u ahaa, oo dadka maanka la haysto ka mid ahaa. “Waxaa i madax-maray,” buu leeyahay, “jadbadiisa uu Ameerikaanka u hayo, iyo sida ay caqliga uga dullaysteen. Aniga oo dhibaatadaa la nool buu ii imaanayaa, isagoo leh: ‘dadkan waa dad wanaagsan. In ay ku caawiyaan bay rabaan’ iyo niic!”
Sheekadu waa dheer tahay, hase yeeshee, hal mar haddaan ku laabanno qodob aad ii soo jiitay: Muxammad markii Murutaaniya laga dhoofinayay, ayaa gaarigii garoonka diyaaradaha geyn lahaa asaga oo saaran, gacmuhuna u furan yihiin, cidina aysan la socon ninka gaariga waday mooyee. Ninkii gaariga waday ayaa meel suuq ah cunno ka doonanayaa, maxbuuska ayaa looga tagayaa gaariga oo furan. Fursaddaa dahabiga ah ayuu xusayaa in ay ahayd tii ugu dhoweyd xorriyad ee uu ku baxsan karayay, gadaal dambena intii uu xabsiyada kale ku jiray waan ka shallaayay, ayuu leeyahay. Laakiin?
“Maanta kama shallaayo in aanan maalintaa baxsan,” ayuu leeyahay. Sababta markii la waydiiyay, Muxammad waxa uu xusay inta uu xabsiga Guantanamo Bay noloshiisa iyo adduun-araggiisa wax ka beddelay. “Insaan indho-xirnaa shalay, oo uu xabsigu indhaha u furay,” ayuu isu arkaa. “Ilaahay ayaan si wanaagsan u bartay, aad baana ula saaxiibay oo aan ugu dhowaaday. Waxa aan bartay dadkii ila saaxiibka ahaa, waxa aanan ogaaday wixii aan agtooda ka ahaa! Aadanaha Ilaahay ayaa aan si wacan u dhex galay, kadib markii mid laa-diini ah, gaal ah, Hinduu ah ama diimo kale haysta uu iiga naxariis batay kii aan isku diirka ahayn, diintana aan wadaagnay!” Sallaaxi waxa uu halkaas ka leeyahay: “Dadkan dunida saaran, waa hadba kan Ilaahay uu wax kaa dheefsiiyo!”
Sheekada Muxammad waa ay dheer tahay, qormona kuma dulmari karo, se waxa aan la dhacay, waxaa oo cadaab ah, waxaa oo ciil iyo caro ah, waxaa oo dhibaato walaalihiis ka soo gaartay, dalkiisii uu cadowga u soo raacay, waxaa oo xanuun ah in uu ka leeyahay: “Waan cafiyay. Ma aha in ay mudan yihiin, ama aan cafiskayga beddel uga rabo, laakiin waxa aan u cafiyay si aanan anigu uurkaas u la noolaan. Ilaahaygood iyo iyaga, anigu se waxba uma qabo!”
Casharrada podcast-ka saacadahaas soconaya aan ka baran karno ayaa uu cafiskuna ka mid yahay. Nin waxaa oo jab ah soo maray in uu kor u yiraahdo: “Dhibaato aad shalay ii gaysatay caro ay igu abuurtay, anigu cawaaqibteeda lama noolaanayo oo waan ku cafiyay!”
Waa barnaamij mudan in la daawado runtii, aadna wax looga soo dhex baxo. Dhallinyarada Carabiga fahmaysa aad baan ugu dhiirrigelinayaa.
Lifaaqaan hoose ka daawo barnaamijka Muxammad Sallaaxi https://youtu.be/kgAJZu6gHko?si=WxvgBiT0zI5fy36a
