
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
JOOGAHA MAQAN
Waxaa qoray: Xasan Abuukar
Turjumidda: Guryasame Cabdi
“Orod, aabbahaa salaan,” ayay hooyaday igu amartay. Lix ama toddobo jir ayaan ahaa markii koowaad ee aan aabbahay dhaayo saaro. Intii aanan ifka imaan ayaa aabbe iyo hooyo muran xooggan ka dhex aloosmay, markii ay odayaashu xaajadooda galeen, waxay go’aamiyeen in ay kala faataxaystaan goorta uu dhasho cunugga uurka lagu sido, oo aniga ahaa!Hooyo, aniga iyo walaashay igu hooyada ah Luul—oo shan jir ahayd—waxaan u soo wareegnay Muqdisho, innagoo ka soo guurnay degmada Afgooye oo ah halka ay xuduntaydu ku duugan tahay. Berisamaadkii, Afgooye waxay ahayd tuulo yar oo dhul beereed ah, aadna u qurux badan, oo ay dadka jeebweynta ah iyo dabaqadda dhexe maalmaha fasaxa u soo tamashle tagaan. Sidoo kale waxay ahayd halka ay degaan aabbahay qoyskiisa iyo beeshiisa Gelledi. Dhanka kale, hooyaday waxay ka soo jeedday oo ay ka timid gobol dhaca waqooyi-bari—waa carradii mudda aan sidaas u sii dheerayn burcadbadeeddu ka soo if baxday.
Aabbahay, wuxuu ahaa 40-jir, joog dhexaad ah, midabkiisu maarriin yahay, oo sunniyo badan leh. Koor iyo surweel iskujoog ah iyo koofi dhaqameed guduudan ayuu ku labbisan jiray. Cod guuxa ayuu lahaa, wuxuuna u hadli jiray si haybad ku dheehan tahay oo cabsi iyo xushmad kugu abuuraysa. Bilowgii hore, waanba ka cabsanayay. Su’aalo iskuulkayga ku saabsan ayuu oodda iiga qaaday, aniguna si asluubaysan ayaan jawaabo kookooban u siinayay, anigoo ilaalinaya masaafada aynnu isu jirno. Ganbar ayuu ku fadhiistay kaddibna wuxuu bilaabay in uu hooyaday ula hadlo tabtii uu yahay xubin si rasmi ah guriga uga tirsan. Kor buu u hadlayay si daranna wuu u qoslayay. Shaax macaan ayay hooyo u karisay. Wuxuu u ekaa sheekayahan, se waxaa la dhihi karaa dhagayste fiican ma ahayn, sababtoo ah mararka qaar wuxuu u muuqday inuu isla hadal dheer naftiisa kula jiro. Sheekadii oo dhex u maraysa, ayuu aabbe i siiyay shan kun oo shilin Soomaali ah, lacag u dhigantay hal doollar. Aad baan ugu faraxsanaa in ay lacag cad gacantayda soo gasho, degdeg ayaan u baxay markiiba si aan dukaanka dariska soodho qabow iyo nacnac uga soo iibsado.
Markaan ku soo noqday guriga, sidii buu aabbe u sheekeynayay una qoslayay. Si dhow baan u daawanayay anigoo u fiirsanaya dhaqaaq kasta oo uu sameeyo. Waxaan kala garan la’aa ma wuxuu u yimid in uu aniga i soo booqdo mise wuxuu u yimid in uu shaax isku daldalo. Cabbaar kabacdiiba su’aal buu igu soo tuurayay, balse intiisa badan hadalkiisu wuxuu ku wajahnaa hooyaday. Sida ay hooyaday u aamusnaan badneed ayuu isaguna u hadal badnaa. Aabbahay aad buu u naago jeclaa ilaa heer carruur labaatan kor u dhaafaysa ay xaasas kala duwan u dhaleen (27 ayuu run ahaantii dhalay) hase ahaatee anigu waxaan ahaa cunugga keliya ee ay hooyaday u dhashay aabbahay. Guurka waalidkaygu wuxuu dhammaaday markii uu aabbahay guursaday oori yar oo seddexaad, iyadoo hooyaday oo minyaro ahayd caloosha aniga igu siddo. Hooyaday oo markii horaba masayr la karkaraysay ayaa maalin caro la qaraxday, kaddib markii uu aabbahay isku dayay in uu sariirta walaashay qaato si loogu seexiyo naagtiisa kale cunuggeeda. Guriga ayay hooyaday ka soo eriday waxayna ka dalbatay furriin. Markii ay duqowdu maageen in ay kala maslaxaan, hooyo ayaa ka biyo-diidday iskudaygoodii dibuheshiisiineed. Xilli hore ayay garwaaqsatay in uu guurkoodu araxda ka jabay oo aan dib loo kabi karin. Laakiin maanta, 6 ama 7 sano furriinkoodii kaddib, waalidiintaydu way iska qaraaxaysanayaan, waxayna u wada sheekeysanayaan sidii in aysanba wax cuqdad iyo caro ah isku qabin. Waxaa yaab lahaa in aan anigu ahaa qofka keliya ee ka qatanaa sheekada.
Kulankayagii koowaad wixii ka dambeeyay, aabbahay shantii sanaba hal mar ama wax la mid ah ayuu gurigayaga imaan jiray si uu ii soo booqdo. 30 kiilo mitir meel ii jirta ayuu weli ku noolaa, se Muqdisho oo uu ka shaqayn jiray ayuu waqti aad u badan ku qaadan jiray, wuxuuna booqasho ugu imaan jiray qaar ka mid ah qaraabada oo inaga ag dhowaa. Waan ogsoonaa inuu aabbahay dowladda u shaqaynayay lixdameeyadii iyo bilowgii toddobaatameeyadii. Inkastuu weligiis iskuul xaadirin, haddana wuxuu ahaa garaad aftahan ah, oo ay si weyn ugu dhaataan dadkiisu. Dhif bay ahayd in ay hooyaday soo hadalqaaddo wax ku saabsan aabbe. Xitaa weligeed kama aysan cabanin inuusan cunugga wax taageero dhaqaale ah ku siinin, balse mar kasta oo aan ka dhabayn waayo qabashada wax aan ballanqaaday waxay hooyaday igu canaanan jirtay in aan tabtii aabbahay ahay. Waxay adeegsan jirtay erayga “booto,” si ay u tilmaanto faankayga iyo hadaltiradayda dhaxaltooyada ah.
Guud ahaan, u malayn maayo in aan aabbahay arkay wax ka badan afar ama shan jeer. Waxaan iska dhigdhigi jiray sidii in aanan dan iyo heello ka lahayn maqnaanshihiisa, jiritaankiisana waan ismoogaysiin jiray. Waqti ka waqti, markaan dhex lugaynayo jidadka Muqdisho, waxaan is arki jirnay gabdhaha iyo wiilasha igu aabbaha ah. Ma jirin booqashooyin qorshaysan oo ay dhinaca aabbahay qoyskiisu noogu imaan jireen, inkastoo aan dirqi ku xasuusto laba ama seddex goor oo ay seddex gabdhaha ila dhashay ah i soo salaameen. Walaalkay weyn ayaa isna mar i soo booqday, oo inta harqaan i geeyay ii dalbay laba shaati iyo laba surweel. Wuxuu u muuqday in uu aad ula dhacsanaa in uu i soo raadiyay. Aniguna aad baan ugu riyaaqay. Ballanku wuxuu ahaa in uu sitimaan kaddib ku soo noqdo harqaanlaha si uu lacagta dharka u bixiyo, balse nasiibdarro dib dambe uma arkin. Carruurnimadaydii, inaan walaalkay mar kale dib u arko oo aan wada xiriirno ayaan aad u jeclaa oo igala qiimo weyneed dharkii dukaanka harqaanlaha ku abaaday.
Intaa kaddib, sanadkii 1978, anigoo 18 jir ah ayaan Soomaaliya ka baxay oo aan Masar tagay. Sanad iyo bar kaddibna waxaan jaamacad u imid dalka Maraynkanka. Anigoo markaas ku cusub jaamacadda Ohio University sanadkii 1981 ayay i soo gaartay warqad hooyo ka timid oo la igu ogaysiinayo dhimashada aabbahay. Markii aan weynaaday, aabbahay qof kale ayuuba ila noqday aniga. Maba u arko inuu yahay ninkii i gooyay ama mar dhif ah i soo booqan jiray. Maba ila ahan ninkii aan weligiis cag soo dhigin iskuulkayga ama aan marna ii wadin garoomada kubbadda cagta. Waxaan u sameeyay nooc kasta oo cudurdaar ah oo aan ugu garaabi karo. Sidee buu carruur 20 kor u dhaafay ugu masruufi jiray dakhliga sidaa waydda u ah? Aniga ayaa ahaa kan keliya ee uu quudintiisa ka walwal la’aa. Hooyaday baan la joogay; oo ahayd naag hawlkar ah oo ku dhex nooleed bulsho labeed, sidoo kale waxaan haystay xigto aad u ballaaran oo xagga qoyska hooyaday ah, kuwaas oo mar walba i garab joogay. Labo cirif ama isdiiddo ayaan bartanka u joogsaday: dareenkayga ku aaddan hungada oo ah in aan ka qaday oo aanan nasiib u helin jacaylkii iyo daryeelkii aabbannimo, iyo garawshiyahayga ah in uu aabbahay duruufo dhaqaale la tiicayay, uusanna awoodin xilligaas in uu i masruufo aniga. Tolow dayacidda doorkiisii waalidnimo ma waxaa sabab u ahaa gudashada waajibaadkiisii kale ee ahaa quudinta carruurtiisa guutada ah? Shaki la’aan, aabbahay wuxuu ahaa mirihii duruufihii xilligiisa. Uma uu arkayn dhalidda ubad uusan korriimadooda awoodin in ay wiiqayso xilkasnimadiisa.
Walaashay iyo mid ka mid ah walaalahay ayaa 20 sano kaddib dhimashadii aabbe midba gooni iigu sheegay in uu aabbahay mar kasta iga waraysan jiray aniga. “Aabbahaa waa uu ku jeclaa,” ayay abbaayo igu dhahday. Waxay sidoo kale ii sheegtay in uu nala dhashay walaal lagu magacaabo “Xuseen” iyo in uu aabbahay had iyo jeer ilmihiisa xasuusin jiray in ay raadiyaan “Xasan,” oo aniga ah. Magacyada Xasan iyo Xuseen had iyo goor kalama haraan marka dhaqanka Soomaalida la joogo. Si kooban, haddii uu qoys weyn u joogo wiil la dhaho “Xasan” sidoo kale waa qasab in uu jiro cunug kaas ka roon oo “Xuseen” la dhaho. Markii aan maqlay walaashay iyo walaalkay oo ka sheekeynaya siduu aabbahay ii danayn jiray intuu noolaa, waan aamusay, afkaygana kama soo bixin hal eray oo xanaf leh ama danayn la’aan u muuqan kara. Qiyaastii wax weyn bay iiga dhignaan lahayd haddii uu aabbahay si joogto ah ii soo booqan lahaa, in badan ila sheekeysan lahaa, oo wax badan ila ciyaari lahaa, ama uu xitaa magaalada ii kaxayn lahaa xilliyadii naadirka ahaa ee aan arki jiray.November 9, 2009, ayay hooyaday ku xijaabatay California. Intii aan ku gudo jiray maalmahaas adag, ayaa wiilkayga oo ku nool, Switzerland, kalabar sanadkana ka shaqeeya halkaas ii sheegay in uu i jacalyahay iyo in uusan jirin aabbe iga wanaagsan oo uu nasiib u yeelan lahaa. Durbadiiba, waxaa igu soo dhacay aabbahay. Malaha aabbahay ayaa si uun maankayga ugu dhex jiray isagoo si dadban iiga caawinaya in aan aabbe wanaagsan noqdo. Waxaa laga yaabaa, in aan aad ugu dadaalayay sidii aysan afartayda ilmood u waayin danaynta iyo kalgacaylka aabbe. Waxay u muuqataa casharkii ugu wanaagsanaa ee uu aabbahay abid i baray inuu ahaa sida aan aabbe loo noqon.
Si xooggan baan ugu xiisay aabbahay hadda.

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.