GUDNIINKA FIRCOONIGA AH: GODOB GABDHAHA LAGA GALAY.

GUDNIINKA FIRFIRCOONIGA AH: GODOB GABDHAHA LAGA GALAY.

W/Q: Faa’isa Yacquub Mursal.

Gudniinka Fircooniga ah,  oo afka qalaad loogu yeero “Naafaynta xubinta taranka ee gabdhaha” ( Female genital mutilation FGM) waxaa lagu qeexaa jaridda guud ahaan ama qayb ka mid ah xubnaha taranka dibadeed ee dumarka.

Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan soojireen ah oo loogu talagalay in lagu naafeeyo xubnaha taranka ee gabdhaha.

Dhaqankaan wuxuu ka jiraa wadamo badan  oo afrika,  bariga dhexe iyo dalal kale oo isla Aasiya ka mid ah. Waxaana loo sameeyaa sababo dhaqameed iyo kuwo diimeed.

Gudniinka fircooniga waxa uu leeyahay saameyn caafimaad oo xun oo dhinacyo badan leh waxaana adduunka loogu hadlaa inuu yahay dhaqan dhibaato badan ku haya caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha gaar ahaan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha yar yar.

Taariikhda Gudniinka Fircooniga ah

Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan soo jiray qarniyo badan oo la rumeysan yahay inuu ka bilaabmay meelo ka mid ah qaarada afrika.

Inkastoo aysan si buuxda u caddayn halka uu asal ahaan ka bilowday haddana waxaa jira cadeymo muujinaaya in dhaqanka uu ka soo ifbaxay wadamo badan sida masar waqtiyadii hore, halkaas oo haweenka loogu gudijiray sababo la xiriira daahirnimo iyo xakameynta taranka.

Inkastoo markii hore uu dhaqanka ku xirnaa sababo diimeed iyo dhaqameed.

Maanta waxa si aad ah loo cambaareeyaa dhaqankaas, waxaana loo arkaa inuu yahay dhaqanka ka hor istaaga haweenka xuquuqdooda iyo xurnimada jirkooda.

Noocyada Gudniinka Fircooniga ah

Gudniinka Fircooniga ah wuxuu leeyahay noocyo kala duwan oo ay ku dhaqmaan bulshooyin kala duwan. Noocyadaan waxaa loo kala saari karaa afar nooc oo waawweyn, sida ay tilmaameen ururada caafimaadka caalamiga ah sida WHO:

Nooca 1aad:  Clitoridectomy): Goynta ama jarista qeyb kamid ah ama dhamaan kintirka.

Nooca 2aad (Excision): Waxaa laga gooyaa kintirka iyo meelaha hareeraha ee (labia minora), mararka qaarkoodna labia majora.

3. Nooca 3aad (Infibulation): Waxaa laga jarayaa xubinta taranka, waaana la isku tolaa ama la isku dhajiyaa iyada oo laga soo reebayo furitaan yar oo dheecaannada laga soo saaro.

4. Nooca 4aad: Waxaa la sameeyaa habab kale oo kala duwan oo waxyeello u geysta xubinta taranka, sida gubid, daloolin, ama qaab kale oo lagu dhibaateeyo xubinta taranka ee gabadha.

Gudniinka Fircooniga ah wuxuu sababi karaa dhaawacyo caafimaad oo dhow iyo kuwa fog. Waxaa kamid noqon kara infakshanada, dhiigbaxa iyo dhibaatooyinka uurka.

Saameynta Caafimaadka ee Gudniinka Fircooniga ah

Gudniinka Fircooniga ah wuxuu leeyahay cawaaqib caafimaad oo qatar ah oo la xariira haweenka iyo gabdhaha yar yar.

Marka lasameeyo, wuxuu sababi karaa dhiigbax daran, infakshanada faafa iyo geeri xilliga dambe, waxaa laga yaabaa in haweeneyda ay la kulanto dhibaatooyiin ku saabssn galmada, uur qaadista iyo dhalmada. Dhaawacyada jidhka wexey sidoo kale sababi karaan dhibaatooyiin maskexeed iyo dareen ahaan, taasoo ka dhalata xanuunka iyo niyad-jabka ay la kulmaan haweeenka.

Caalamka maanta, ururada sida WHO iyo UNICEF waxay si xoog leh uga hortagaan dhaqankaan, iyagoo ka hadlaaya dhibaatooyinka caafimaad ee uu keeno iyo saameynta taban ee ay leedahay faafinta gudniinka Fircooniga ah. Dalal badan ayaa sharciyo ka soo saaray in dhaqankaan laga mamnuuco, inkastoo ay wali ka jiraan caqabado dhaqan iyo diimeed oo ku lugl eh hirgelinta sharciyadaas.

Sababaha Loo sameeyo Gudniinka Fircooniga

Dadka sameeya gudniinka dumarka ee Fircooniga wexey aaminsanyihiin in dhaqankaan uu yahay hab lagu ilaaliyo bikranimada iyo sharafta gabadha, gaar ahaan ka hor guurka. Dhaqanka gudniinka waxaa sidoo kale loo arkaa in uu gabadha ka dhigo mid “daahir ah”, iyadoo dadka qaar ay ku andacoodaan in ay tahay diin iyo dhaqan muhiim ah.

Sababta kale ee loo sameeyo waa in laxakameeyo dareenka galmo ee haweenka, si aysan u noqon kuwa leh rabitaan galmo “ aan habooneyn”.

Dadaallada Caalamiga ah ee Ka Dhan ah Gudniinka Fircooniga ah

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa jiray dadaallo ballaaran oo lagu ciribtirayo gudniinka Fircooniga ah. Ururada caalamiga ah, dowlado iyo NGO-yada maxaliga ah wexey sameeyeen ololeyaal ay ku baraarujinayaan bulshada qataraha caafimaad ee ka dhalanaya gudniinka fircooniga ah iyo sida uu  xadgudub ugu yahay xuquuqda aadanaha,  gaar ahaan  haweenka. Wadamo badan oo afrikaan iyo kuwa caalamka kale ah ayaa mamnuucay dhaqankaan, waxaana la qaaday tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah kuwa ku lugyeesha gudniinka fircooniga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqan-xumo, aqoon la’aan, iyo caqabado dhaqan ayaa ka dhigan in dad badan ay weli sii wadaan dhaqankaas. Ololeyaal wacyi- gelin iyo wax barid oo lagu baraayo qoysaska iyo bulshooyinka faa’iidooyinka ka dhalanaya kafogaanshaha gudniinka Fircooniga ah ayaa kamid ah xaaladaha ugu muhiimsan ee lagu tirtiri karo dhaqanka mustaqbalka dhaw.

Aragtida diinta islaamka ee gudniinka dumarka

Diinta islaam ka waxa ay si cad uga hadashaa arimaha caafimaadka, daryeelka jirka iyo ilaalinta sharafta qofka, laakiin gudniinka Fircooniga ee dumarka ama gudniinka aan Fircooniga ahayn ee gabdhaha, ma aha arrin si cad ah uga soo muuqata diinta islaamka, hadana dhaqanka gudniinka Fircooniga ee dumarka waxa uu ka jiraa bulshooyinka  qaar oo muslimiin ah, balse wuxuu u badan yahay Caado-dhaqameed ka horraysay diinta islaamka, oo ka jirtay qeybaha ka mid ah  afrika iyo dunida carabta.

Quraanka: Quraanka masheegin gudniinka dumarka, mana jirto aayad si gaar ah uga baaqeysa ama mamnuuceysa. Sidaa darteed gudniinka ma aha wajib diin ku saleysan ama ku soo arooray quraanka.

Xadiisyada: Xadiisyada ku saabsan gudniinka dumarka wey ku kala duwan yihiin, waxaana jira xadiisyo aan ku xirneyn amarka gudniinka dumarka si cad, lakiin qaar kamid ah culimada islaamka ayaa ku dooday in xadiisyo gaar ah ay tilmaameen gudniinka dumarka, si aad u fudud ama aan dhaawac keenin in loo sameeyo gudniinka, sida uu mar Nabiga(SCW) inuu dhahay laga soo wariyay: ( marka aad gudeyso “Haweenka” haku badinin, maxaa yeelay waxaa wanaagsan in la ilaaliyo sharafta dumarka waana u raaxo ragga). 

Xadiiskaan waxaa laga soo wariyay haweeney lagu magacaabo ummu Cadhiya, oo la sheegay iney ahayd haweeneey howsha gudniinka sameyn jirtay, xadiiskaan waxaa uu soo wariyay abu daud iyo kuwa kale oo xadiisyada soo arooriya,

sikastaba ha ahaatee, culimada badan kood waxa ay kadigayaan in xadiisyadaas aysan xoogganeyn ama aan laisku haleyn karin.

Aragtida Culimada islaamka: Culimada badankood ee islaamka waxa ay qabaan in gudniinka dumarka uusan ahayn wax waajib ah oo kamid ah diinta islaamka. Dhaqan ahaan waxaa jira farqi u dhexeeya culimada, qaar wexey arkaan in gudniinka dumarka ( hadii lasameeyo)  ay tahay in loo sameeyo qaab aan dhibin caafimaad ka haweenka, halka culimo qaar si cad uga soo horjeedaan gudniinka Fircooniga ah ama qaababka kale ee waxyeellada leh.

 Mowqifka Casriga ah ee Culimada iyo Hay’adaha Islaamka: In badan oo kamid ah culimada casriga ah iyo hay’ada islaamka sida AL- Azhar oo ah xarunta ugu weyn  ee barashada diinta islaamka ee Masar, wexey si cad u sheegeen in gudniinka Fircooniga ah uu ka soo hor jeedo islaamka, sababtoo ah wuxuu dhaawacaa caafimaadka  iyo sharafta haweenka. Wexeyna ku tilmaameen dhaqan xun oo aan ku saleysneen diinta islaamka.

Aragtida caafimaad iyo xuquuqda Aadanaha: dhinaca caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha, gudniinka dumarka waxaa loo arkaa dhaqan wax yeelo leh oo jidhka haweenka dhibaateeya, waxaana la isku raac sanyahay, in uu ka hor imaanaayo xuquuqda haweenka iyo ilaalinta caafimaadkooda, oo ah arin islaamka si weyn u dhiirigeliya.

Waxaa jira culimo badan oo si buuxda uga hadlay gudniinka Fircooniga( Female ganital mutilation- FGM) waxaa kamid ah:

Sheekh maxamed sheeq cumar dirir: 

Waa caalim soomaaliyeed oo caan ku ah kahadalka arrimaha diiniga ah iyo midda bulshada, waxaana uu sicad udiiday gudniinka gabdha asigoo kutilmaamay mid aan diin kusaleysneyn.

Sheeq shariif cabdinuur – waa caalim soomaaliyeed kaas oo sidoo kale si cad uga hadlay in gudniinka Fircooniga uusan lahayn wax asal diineed ah, waxa uuna uga baaqay bulshada iney kafogaadaan dhaqankaan.

Dr. Cali Jumcaa – waa caalim Masri ah oo horay uga soo noqday mufiga sare ee masar   ( Grand mufti), waxa uu si cad uga soo horjeestay gudniinka gabdhaha, isaga oo sheegay in gudniinka fircooniga aysan lahayn asal diineed oo sax isla markaana wax faaiido u lahayn gabdhaha.

Dr. Sheekh Axmed al- Dhayib – waa imaamka AL- AZhar mid kamid ah culimada ugu waaweyn aduunka islaamka ah, gaar ahaan Masar, isna wuxuu si cad ugu sheegay in gudniinka gabdhaha aan lahayn diin sax ah.

Culimadaas iyo kuwa kale oo badan waxa ay si cad u sheegaan in gudniinka Fircooniga aanu sal kula lahayn diinta islaamka isla markaana uu yahay dhaqan halis ku ah caafimaadka iyo xuquuqda haweenka .

Sidoo kale kutubada culimada islaamka ay kaga hadleen gudniinka dumarka waa kuwa ku saleysan fiqiga islaamka, axaadiista iyo aragtiyaha dhaqameed ee laga dheehanaayo taariikhda  hase yeeshee sidaan horey u’soo xusnat Quraanka si toos ah uma soo hadal qaadin gudniinka dumarka, hadaba waxa ay culimada inta badan ku saleeyaan fatwooyin, aragtidooda iyo kitaabo kale oo kahadla fiqiga iyo axkaamta islaamka. Inkatoo ay  jiraaan kutubo fiqi ah oo arintaan si kooban uga hadlay ama si gooni ah u dul istaagay.

Qaar kamid ah kitaabada iyo qoraalada culimada islaamka ee looga hadlay gudniinka dumarka

 Fataawa Al- Nawawi

Imaam Al- Nawawi waxuu ahaa caalim weyn oo shaafici ah, waxaana lagu yaqaanaa qoraalo badan oo axkaamta diinta islaamka, kitaabkiisa “ Al- majmuuc” oo ah sharaxaad ku saabsan mad-habka shaaficiga, wuxuu kaga hadlay arrinta gudniinka dumarka, waxa uu tilmaamay in gudniinka dumarka loo arko inuu yahay suno oo aan qasab ahayn, inkastoo qaarkood ay si adag u difaaceen iney tahay caado diini ah.

2:  fiqi Al- sunna-sayid saabiq

Sayid saabiq caalim casri ah oo caan ah, ayaa kitaabkiisa “ fiqh Al- sunna”, si kooban uga hadlay gudniinka dumarka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in gudniinka dumarka uu yahay dhaqan bulsho oo dhaqameed, ayna tahay in si caqli ah looga hadlo maadaama axkaamta arintaan kusaabsan ay tahay mid aan si xoogleh diinta ugu waajibinin.

3: Sunanu Abii Daa’uud iyo Tirmidi

Axkaamta gudniinka dumarka waxaa si kooban looga hadlaa axaadiista laga wariyay abuu Daa’uud iyo Al-tirmidi qaar kamid ah axaadiista waxa ay sheegayaan in gudniinka dumarka uu yahay Caado-dhaqameed, halka axaadiista kale aysan taageerin dhaqankaan si adag.

Gudniinka dumarka waxa uu leeyahay saameyn caafimaad oo ba’an. Marka ugu horeysa, gabdhaha la guday gudniinka Fircooniga ah wexey la kulmaan xanuun daran, dhiig bax iyo infakshanada ka dhalan kara qalabka aan nadiifka ahayn ee lagu sameeyo gudniinka. Intaa waxaa dheer gabadha gudan gudniinka Fircooniga iney la kulmi karaan dhibaatooyiin nafsaani, sida cabsida iyo walbahaarka.

Muddada fog ee gudniinka Fircooniga wuxuu keenaa dhibaatooyiin xagga dhalmada ah iyo galmada, haweenka la tolay wexey la kulmaan xanuun galmeed, wexeyna u nugul yihiin dhibaatooyiin marka ay dhalaayaan caruur, taasoo badanaa keeneysa dhaawacyo halis ah iyo mararka qaar dhimasho. Dhaawacyadaan caafimaad ayaa sabab u ah dhaawaca joogtada ah ee lagu sameeyo xubinta taranka, taas oo sababta xanuun maskaxeed iyo dareen la’aan.

Ka bulsho ahaan dhaqankan waa mid wali ay saamayntiisu muuqato sidaas darteed waxaa lama huraan in la labajibbaaro wacyigalinta iyo ka hadalka dhibaatooyinka gudniinka fircooniga ah, dadkana -siiba reer miyiga looga digo naafaynta gabdhaha.

Tixraacyo:

1. https://www.unicef.org/

2. https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/female-genital-mutilation

3.https://youtu.be/Nzb0auP9bk4?si=OR_9lRenS7oAoike

4.”Al-Majmu’ Sharh al-Muhaddhab – Imam an-Nawawi (22 volumes)” https://www.sifatusafwa.com/en/generalist-fiqh/al-majmu-sharh-al-muhaddhab-imam-an-nawawi-22-volumes.html

5.”Islam Question & Answer” https://islamqa.info/en

6.https://www.noor-book.com/en/book/review/343933

7.https://www.noor-book.com/en/book/review/343933

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *