Haweenka iyo Nolosha Casriga ah: Doorka ay suugaantu ku leedahay xoraynta fekerka dumarka.

Haweenka iyo Nolosha Casriga ah: Doorka ay suugaantu ku leedahay xoraynta fekerka dumarka.

WQ: Aw Saahil 

Hordhac

“Modernity/حداثه’” oo aan inta badan billow iyo dhammaad xaddidan la siin, marka cilmiga bulshada la joogo waxaa lagu macneeyaa seben gaar ah oo taariikhda aadanaha ka mid ah, kaas oo xorriyadda shakhsiga iyo warshadayntu aad u faafeen, dhaqankii dib-u-eegis lagu sameeyay, beddelkii arrimaha metaphysical-ka ahna uu fekerka saynisku nolosha saldhig u noqday. Nolosha casriga ahi hirarkeedu waxa ay si guud u saameeyeen nolosha aadanaha, habnololeedkii iyo habfekerkii, xeerarki iyo isku tiirsanaashihii wax ka baddeleen, waxyaabo badan oo abkasoogaar iska ahaa shiiqiyeen, kuwo ugub ahna soo kordhiyeen. 

Dhanka kale, waxa ay si gaar ah saamayn ugu yeesheen noloshii iyo aqoonsigii haweenka, fekerkoodi iyo doorkoodi kor u qaadeen oo ka dhigeen kuwo jiritaankoodu sugan yahay nolosha metela, wax diidi kara waxna yeeli kara. “Haweenku waa tusaalaha awoodda, jacaylka, naf-hurka iyo geesinimada. Doorka haweenka ee nolosha maanta si weyn ayuu isu beddelay oo waa mid inti hore ka fiican. Dumarku hadda waa kuwo naftooda ku filan, baraarugsan oo dhaqaale ahaan xor ah. Waxa ay guulo waaweyn ka gaareen dhan walba, haddii ay kubbadda tahay, amase siyaasadda iyo aqoonta. Iyaga oo kaashanaya waxbarashada ay ragga la wadaagayaan dumarku waxa ay la safan yihiin ragga dhinac walba oo nolosha ka mid ah.”

Haweenka iyo Nolosha Casriga ah. 

Casriga cusub markii la soo galay waxaa ay haweenku heleen waxbarasho iyo garaadkobcin, waxaa loo oggolaaday in ay dugsiyada iyo shaqooyinka heerka ugu sarreeya tiigsan karaan, isbeddelkan cusubina waxa uu dumarka fursad u siiyay xirfado badan oo ragga u qoondaysnaa. Dhaqdhaqaaq indheergarad iyo kuwo dheddigga gaar u ah ayaa soo shaac baxay kuwaas oo sinnaanta ragga iyo dumarka u doodaya, sidoo kale doorka gabadhu bulshada ku leedahay dib u eegis ku samaynaya. Dhanka kale, waxa ay haweenku ka qeyb galeen goobaha shaqada, oo nolosha casriga ahi waxa ay dumarka u sahashay in ay shaqada ka soo dhex muuqdaan qaybna ka noqdaan kobacyada dhaqaale, taasina waxa ay siinaysaa in ay nafahooda ku tiirsanadaan iyo madaxbannaani dhaqaale, sida in ay hanti gaar u yeeshaan, akoomo furtaan, islamarkaana gaaraan go’aamada maaliyadeed ee madaxbannaan, tan oo xilliyadii hore aan loo oggolaan jirin. Ugu dambaynna waxa ay awood u yeesheen in ay saaxadda siyaasadda ka soo muuqdaan waxna ka beddelaan xeerarki abkasoogaarka ahaa oo ay dejiyaan sharciyo cusub oo dumarka xaqdhowraya.

Haddaba, nolosha casriga ahi dhaqanka oo ah kaydka iyo xasuusaha bulshada ayay wax ka doorisay iyo si guud nolosha, tan oo nolosha dhan walba raad ku yeelanaysa, oo waxa ay dibuqaabeyn ku samaysay wax walba, waana qodobka dumarka u horseeday in ay warbaahinta, fanka iyo suugaanta kaalin cad ku yeeshaan iyaga oo qaabeynaya sheekooyinka dhaqanka misana liicinaya afkaaraha xagjirka ah.

Doorka suugaanta iyo Xoreynta fekerka Dumarka

Tan iyo waagii Shakespeare, sheekooyinka la qoro iyo gabayada la sameeyo dumarku kaalin ayay ku lahaayeen, oo waxaa jiray shakhsiyaad sheekooyinka ku jira oo loo sawiro in ay yihiin kuwo garaad badan mararka qaarna ragga daaha gadaashooda ka maamula. Inkastoo marka riwaayada tiyaatarka lagu soo bandhigayo booska naagta nin la gelin jiray, haddana taasi maskaxmaalka wax allifa kama horjoogsan in marka ay riwaayadda/maansada curinayaan dumarka ka reebaan waayo waxa ay dareensanaayeen in yihiin qayb nolosha ka mid ah oo aan booskooda la banneyn karin.

Shakespeare riwaayadihiisa inta uu muujiyay haween dhaqamada u garbaduuban in la mid ah amase ka badan ayuu soo bandhigay haween baxsad ah oo xorriyaddoon ah. Jilayaasha sida Rosalind ee “As You Like it,” Beatrice ee “Much Ado About Nothing,” iyo Portia oo ku jirta “Merchant of Venice” waxa uu nashaqadeeyay inay yihiin kuwo caqli leh, maanfuran, oo awood u leh inay maareeyaan masiirkooda u gaarka ah, waxa uu u sawiray in ay yihiin dumar xooggan, karti badan oo madaxbannaan. Dhanka kale Ophelia oo “Hamlet” ku jirtay, Desdemona oo “Othello” ku jirtay iyo Juliet oo “Romeo and Juliet” atariishada ka ahayd waxa uu sawiray in ay yihiin kuwo xaalado adag iyo dulmiga dadka la halgamayay inta ay is dhiibi lahaayeenna silica geeri ka doorbiday.

“Waxa ay aad u jeceshahay buugaagta, waxa ayna beddeleen maskaxdeeda.”

Haddii aan taariikhda dib ugu noqonno, waxa aan gaaraynaa waqti aad u dhow oo aan dumarka loo oggoleyn in goobaha waxbarashada xaadiraan, hase ahaatee waxa kaliya ee ay samayn karaan ay ahayd in buugaagta si qarsoodi ah u akhriyaan. Geesta kalena, haddii ay rabaan in ay sheekooyin qoraan waxaa qasab ku ahayd in ay magac nin adeegsadaan. Mary Ann Evans, oo nooleyd sebenkii Victoria (1837-1901) waxa ay adeegsan jirtay magacqalimeedka “George Eliot” si ay ugu suuroggasho in buugaagteeda la daabaco, isla magacaas ayayna dhammaan waxqabadkeeda ay ugu caansan yihiin Silas Marner (1861) iyo Daniel Deronda (1876) ku daabacday. Adeegsiga magacaas labeedna waxa ay uga dan lahayd in ay uga fogaato eexda jinsiga oo inta badan dhibaato ku ahayd dumarka qoraayada ah, oo in daabacaaddu buug qoraagiisu naag yahay faafiso wax adag ayay ahayd. Waxa ay ahayd dhaqan aysan ka weecan karin haweenka wax qora ee waqtigaas noolaa, si ay baaqooda bulshada ugu gudbiyaan waxaa waajib ku ahayd in ay magacooda iyo jinsigoodaba qariyaan oo ay magac nimeed isticmaalaan.

Dumarka iyaguna magac qalimeedka ragga isticmaalay waxaa ka mid ah walaalihii Brontë ee Ingiriiska ahaa. Si ay uga nabadgalaan eexda, isqab-qabsiga iyo beegsiga ku wajahnaa qoraayada xilligooda waxa ay saddexduba doorteen in ay adeegsadaan magac labeed.

1- Charlotte Brontë (1816–1855) Waxa ay qortay sheekadii caanka ahayd ee “Jane Eyre”. Si ay u qariso jinsigeeda, waxa ay daabacday shaqooyinkeeda iyada oo loo yaqaan ‘Currer Bell’ 

2-Emily Brontë (1818–1848) Waxa ay qortay sheekadii mugdiga ahayd ee dareenka badnayd ee “Wuthering Heights”. Sida walaalaheed oo kale, waxa ay u isticmaashay magac lab ah oo la yiraa “Ellis Bell”, si ay u soo daabacdo shaqadeeda.

3- Anne Brontë (1820-1849) Sheekadeeda “The Tenant of Wildfell Hall” waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay hal-abuur suugaaneed maguuraan (classic) ah. Iyaduna waxa ay qaadatay magaca “Acton Bell”

Dumarku waxa kaliya ee marka ay akhriyaan wax u tarayay waa taariikhda iyo suugaanta, labadana waxaa ay ka helayeen sooyaalka dumar karti badnaa oo halyeeyo ahaa, iskuna dayay in ay bulshada wax ka beddelaan haddii ay yihiin kuwo dhab u jiray iyo kuwo sheekooyinka ku jirayba. Dhanka kale, si ay gabadhu sheekadeeda u qorto—Haddii ay rabto in ay qoraa noqoto—laba wax ayaa asaas u ahaa: In ay xorriyad haysato, oo ay qol u gaar ah deggan tahay iyo in ay dhaqaale ahaan madax bannaan tahay. 

Arrinkaanna Viriginia Wolf ayaa qormadeeda “Room of One’s Own/Qol qof leeyahay” ku faahfaahisay. Sannaddii 1928-di ayaa Virginia looga yeeray laba koleej oo Girton iyo Newnham la dhihi jiray oo dumarka gaar u ahaa jaamacadda Kaambrijna hoos imaanayay. Waxa ay halkaas ka jeedisay laba muxaadaro oo ku saabsan “Dumarka iyo sheekada” waxa ayna tilmaantay in haddii gabadhu doonayso in ay sheekadeeda qorto ay marka hore qol iyada u gaar ah deggan tahay, lacagna haysato. Labadan qodob oo ah kuwo aysan haweenkii hore nasiib u yeelan. Labadaas muxaadaro ayayna ka dhalan doontaa qormadeeda “Qolka Qofku Leeyahay” qoraalkan oo ay Woolf ku sahamisay caqabadihi soo wajahay haweenka qorayaasha ah, oo ay ku jiraan xaddidaadda waxbarashada, jiritaan la’aanta madaxbannaanida maaliyadeed, iyo rabitaanka bulshada.

Haddaba qarnigan iyo kii ka horreeyay, suugaantu waxa ay samayn fog ku yeelatay nolosha iyo fekerka dumarka. Waxa ayna ugu adeegtay laba siyaabood; Marka koowaad: in ay hummaagnoqodkooda/cawar (reflection) arkaan oo is qeexaan, cidda ay yihiin iyo qormada ay rabaanna u tusmayso, sababtoo ah waxsoosaarki suugaanyahannada in ay akhristaan, daraaseeyaan, nuuxrkoodana dhuuxaan ayay jaanis u heleen, sidoo kale in ay qalinka qaataan oo doontooda jiheeyaal ka noqdaan ayay u fududeysay. 

Marka labaad: Suugaantu waxa ay iyaga iyo bulshadaba ku riixday geeddi cusub oo dib-u-hagaajin ah, oo dhaqankii, caadooyinkii iyo aragtiyihii duugga ahaa ee qalinleydu aadka u naqdiyeen, sheekooyinkana ku iftiimiyeen ayaa laga guuray amase la turxaan bixiyay. Jeer la gaaray xilli ay suugaanta hormuud u yihiin oo marka waxqabad suugaaneed la faaqidayo hababka loo marayo ay ka mid noqoto in la eego qaabka sheekadu/tixdu doorka dumarka u sawirayso, ma mid hooseeyaa mase waa mid sarreysa? Ma xorriyadda ayay u taagan yihiin mase waa kuwo la haysto? Oo suugaanta dheddiga [Feminist Literature] ayaa soo shaac baxday taas oo ay Simone de Beauvoir iyo Virginia Woolf hormuud u yihiin. Dhanka kale, nolosha casriga ahi xorriyaddii haweenkii hore ka maqnayd oo ku qabsi jirtay in ay magac labeed wax ku qoraan ayay heleen iyo madaxbannaani dhaqaale, marka shaxda nolosha ayay si buuxda uga soo qayb galeen.

Haddaba doorkaas suugaameed ee xoraynta fekerka haweenka si gaar ah suugaanta Soomaalida: Heesaha iyo sheekafaneedda Casriga ah ma laga dhadhansanayaa? Qodobkaas ayaan ku lafaguri doonnaa qoraalkan. Waxa aan isla eegi doonnaa oo aan weliba si qodan iskula faaqidi doonnaa labo heesood iyo mid ka mid ah sheekooyinka ugu caansan Soomaalida dhexdeeeda.

Heesaha

Heesaha Soomaalida kuwooda isbeddelka nolosha casriga ah iyo magaalowgu la yimideen sida caqiibada leh u sawira waxaa ka mid ah heesta Abwaan Dheeg ee ‘Beri hore waxaa jiray’ ee ay Maryan Mursal iyo Maxamed Jaamac Joof ku luuqeeyeen.

Sawirka heestu waa wiil iyo gabar masraxa isla taagan oo la is barayo. Gabadhu maro gaaban oo jilbaha dushooda ku joogta ayay xiran tahay, wiilkuna maryihii cadcaddaa ee hiddaha iyo dhaqanka ayuu ku lebbisan yahay. Qof walba qofka kale ayuu indho la yaab ku eegayaa. Wiilku nolol dhaqameed ayuu metelayaa oo beri hore ayuu la haystaa muuq ahaan iyo maan ahaanba; gabadhuna nolol cusub oo seerihii dhaqamada abaaday laga gudbay ayay ku dhex xarrakoonaysaa! Way isku dhaygagsan yihiin oo hoos iska xamanaayaan. Sida ugu kooban, wiilku waa badow–nolol hore (Traditional lifestyle)la haysta —gabadhuna waa mid hormartay–nolol casri (modern life) ah la haysata– oo ilbaxnimo hagoogtay.

Heestu waxa ay ku qotontaa nuxur caalami ah (Universal theme) oo ah in ay xambaarsan tahay shaacsane caalami ah oo xilligaas abwaanku heesta allifayay adduunka ka jiray, saansaantiisana Soomaalida dhexdeeda laga dareemayay–maya ee waa uu saadaalinayay. Saansaantaasi waa mid dharxirashada dumarka la xiriirta, sida abwaankuba xusay haweenka ayaa xilligaas (1967-1968) billaabay in ay xirtaan maro gaaban oo bowdada ku joogta iyo kabo cirbo leh oo ka dhigan in lebbiskoodi wax iska beddelay, taasna marka loo eego Soomaalida waa mid dhaqanka iyo diinta wax u dhimaysa. 

Marka wiilka oo arrinkaas ka duulaya islamarkaana nolol hore hiddaraacaya ayaa hablihii jiri jiray, sida ay dharka u xiraan jireen una dhaashan jireen, iyo kuwa hadda beddelay sida ay u muuqdaan dhaqankii suubbanaa u bi’iyeen, diintiina u burburiyeen isbarbardhigaya oo ku leh waa adinkaas dabayshadaye maad is barqabataan?

“Beri hore waxaa jiray 

Inan timaha biiftoo 

Baarkana u tidicdoo 

Boqorkiyo dhaclahiyo 

Maro beyle xiratee

Wax beddelay kuwii hore 

Belo geesa dheeroo 

Buur madaxa saartoo 

Suuqa baratamaayee

Naa bi’ise dhaqankii 

Sharcigii ka beydhoo 

Diintii burburisee hablow 

Mays  barqabataan.”

Gabadhu, iyada oo aan xishood la aamusin amase marada afka saarin ayay si geesinimo leh ayaaddeeda u qaadanaysaa–dumarkaas hore ee uu xusay haddii ay ragga hortooda codka hoos dhigi jireen gabadhani kor ayayba u qaadaysaa weliba iyada oo isla cajabsan iskuna kalsooni qabta. Waxa ayna  maqalkiisa ku dhibcinaysaa in boqol sano ka hor wixii ahaa laga soo gudbay, gabdhihii hore iyo bulshaduba inta baraarugeen tacliin la bartay oo beeshu dayaxa iyo cadceedda u baratamayso, nasiib xumo uu isagu badow jaahil ah oo hadda magaalada soo galay yahay.

“Boqol sano horteediyo 

Beri hore wixii jiray 

Ee la iska baal maray 

Budulkii dib u ha u qaban 

Laga soo baqoolee

Hadda baratan iyo orod 

Bisha iyo cadceeddiyo 

Beesha loo horseedoo 

Aanu beegsaneynaa

Horta baro tacliintiyo 

Buuggiyo dhigaalkoo 

Badow yahow dib haw celin

Dadka soo baraarugay.”

Dhan kale, ifafaalaha iyo isbeddelka abwaanku heesta ka sameeyay marka laga gudbo, wiilka metelaya noloshii hore ee u qaadan la’ dhaqamada ugubka ah ee nolosha casriga ah iyo magaalowga heestuna tusayso  waxaa iyaduna meesha ku jirta in haweenka dharka gaagaaban xirtay yihiin kuwo wax bartay oo jaamiciyaal ah, islamarkaana isu arka kuwa aan raggii kaligii waxyaqaanka ahaa waxba ka yaraysan, saf walba oo nolosha ahna la geli kara oo awood dheddignimo ayaa ka dhadhamaysa, marka dumarku guudka kaliya iskama doorin ee aqoonsi dumarnimana waa hanteen.

Ka hor inta aanan heestu billaaban marka ay is faaduulinayaan ayay gabadhu leedahay; 

“Sakandaraan ka barmoosayoo

Bannaanka aaday shan jeeroo

Buug digrii la yiraabaan

Ku sitaa bidixda.”

Inkastoo abwaanku qaab faan ku jiro u sameeyay oo ay gabadhu wiilka u sheegayso in ay tahay naag aqoonyahanad ah oo aysan isku sheeko noqon karin barbaar cagaha boor ku leh, haddana waxa aan halkaas ka qaadan karnaa jiritaanka kaalinta waxbarashada iyo sida ay dumarka uga taageerayso in ay is bartaan. Taariikhdana waxaa ku cad haddii ay dumarku wax bartaan in ay ogaal helayaan ka dibna jiritaan dhab ah iyo aqoonsi yeelanayaan, haddii ay taasi dhabowdana bulshada rageed ee ay ku dhex dhaqan yihiin sooyaalkooda dib u eegis ayay ku sameeyaan sida loola dhaqmi jiray haddii ay guur tahay iyo haddii ay wax kale tahay, xaaladaha markaas taaganna way weeleeyaan iyaga oo haatufkii Arraweelo u heesayo, arrinkaasna gabagabada heesta si qeexan ayay ugu jirtaa.

Wiilka oo aan weli quusan noloshii iyo hablihii berigii horena u hillowsan ayaa markan golaha ka sheegaya in ay jireen haween faraska baxdooyga ah–aadka u dheereeya, geel tiro badan iyo bunduq yarad ahaan looga bixin jiray.

“Beri hore waxaa jiray 

Inan baarax geeliyo

Faraskii baxdowba

Yarad looga bixiyaa

Bunduqana la raacshaa”

Gabadhuna, iyada oo dhiirranaanteedi sii labajibbaaraysa ayay muujinaysaa in ay baraarugsan tahay, diintana baratay oo aanan loogu soo dhuuman karin aayad iyo xadiis, si loo marinhabaabiyo amase xaqeeda loo duudsiiyo, waxa ayna si fudud carrabka ugu dhufanaysaa in gabar xoolo lagu gato aysan kitaabkaba meelna uga qornayn.

“Baarax geel iyo faras

Iyo boqon yaraha ari

Hablihii lagu beddeli jiray

Diintii aynu baraniyo 

Ma bannayn kitaabkuye

Booli quutayaashi

Biicsan jiray haweenkiyo

Baaxadsoorihii tegay

Maanta looma baahnee”

Nolosha baadiyuhu waxaa ay ahayd mid adag oo astaamaheedu kakan yihiin, qofka ku noolna ay qasab ku tahay, in uu ahaado mid karti iyo haladayg badan. Nolol harjad ah, cid walba kaalin gaar ah loogu soo hagaago, nolol gabadha si gooni ah u qeexda, wiilkana si ka duwan u tusmaysa oo ka dhawrta in xarriiqoodu isku soo dhaco; taas lidkeeda nolosha casriga ah/magaaladu hawlaheeda iyo dhibaatooyinkeeda waa kuwo si walba nolosha miyiga uga dabacsan ugana hubanti badan, badi shaqooyinka uu wiilku qaban karana ay gabadhu qaban karto, sidoo kale noloshani waxa ay isku soo duwday, aadna isugu soo dhowaysay xarriiqii ragga iyo dumarka kala dhex yiil ee lamadhaafaanka ahaa marka baadiyaha la joogay. Gabadhu hadda wiilka waxbarashada ayay la aaddaa, la dooddaa, xaajada dhinaceeda ka tahay, nolosha guriga illaa fadhiga baarlamaankana la wadaagaysaa, iyada oo ay sidaasi jirto haddana xarriiqoodu ma midaysna midna maba noqon karo.

Heesta labaad ee aan isla falanqeyn doonno waa “Ma ogtahay Warmoogey” ee Axmed Cali Cigaal iyo Maryan Mursal Ciise. Heestan oo ah mid aad u qotodheer, waxaa curiyay abwaan Xasan Sh. Muumin, waxa ayna ku jirtay riywaaddii “Dunidu maskaxday magan u tahay” sida Xasan laga yaqiin heestan wuu ku awood sheeganayaa falsafadihiisi iyo cabqarinimadiisi uu darkii cabqar ka soo kabban jiray ayuu ku muujinayaa. Nuxurka heestu waxa uu ku jeedaa mid kamid ah milayadii (ages) hordhaca ahaa ee nolosha aadanaha iyo sida uu dadku marxaladihii kale ee iyaguna dabajoogay uga soo gudbay isaga oo ku maquuninaya cilmiga oo ah natiijo ka dhalatay maskaxda yar ee uu madaxa ku sito. Waa sebenkii loogu magac daray “Ugaarsiga/Qaraabka” ee dadku duurgalka ahaa iyo kuwii ku xigay ee asaaska ilbaxnimada bulshooyinka ahaa.

Waxa uu ku faahfaahinayaa halka geeddiga dunida laga keenay, kaymihii iyo aydii, kadibna hu’, minan, dhar iyo nolol buuxda oo macno leh dhidibbada loo aasay. Haddii aadmigu uusan maskaxdiisa shiili lahayn, waayaha ku wax qaadan lahayn, shalay xasuusan berrina oddoroseen in uu beri hore dabar go’i lahaa. Waxa uu tilmaamayaa in heerkan uu hadda joogo, ilbaxnimada dhulka ku faaftay iyo daaraha cirka dooxaya calafsaday, kadib markii uu  maskaxdiisa magan u noqday. Qodobkaanna Siciid Jaamac Xuseen ayaa si kooban oo xeeldheer u faalleeyay mar uu tiraab suugaaneed ku tusaaleynayay taariikhda qofka–DADKA.

“Qofka maanta heerkaas loo jeedo soo gaarey, awoodda ka dambaysaa waxay kasoo maaxaysaa maskaxdiisa uu madaxa yar ku wato ee ka dhalatay aqoon iyo waaya-arag qota dheer oo qarniyaal fara badan isa soo biirsaday. Ku darsoo awooddiisa maanta marka loo eego inta weli madaxaa kusii duugan, waxay kaga aadaysaa waxaan irbad caaradeed gaarin. Miyay kolkaas la yaab leedahay inu haweysto inu boqortooyadiisa ku simo kawnka idil ahaantiisa!”

Ma ogtahay warmoogey? Waydiintaas quursiga u eg ayuu hadalka ku furfurayaa Axmed, ka dibna sida in ay tahay qof aan wax ogeyn ayuu gabadha taariikh hore u soo werinayaa oo waxa uu ku leeyahay warlaay ma garawsan tahay in uu jiray waqti dadku cilmi iyo ilbaxnimo lahayn, qaraabsi iyo ugaarsi u joog ahaa, qaawanaa, raas iyo aqal dugsoon toona yeelan ee kolba halka uu miro iyo duurjoog uu disho ka helayo u socon jiray?

“Ma ogtahay war moogey

In uu dunida soo maray

Milay laga masuugoo

Garashadu malaasneed

Dadku minan dugsooniyo

Maryo aanu samaysane

Miro duur ka soo baxay

Ugaadha uu la miran jiray”

Maryan tilmaantaas “Warmoogey” ayay ka gubanaysaa waxa ay u qaadanaysaa –amase waaba sida ay tahaye– in uu cashar u akhrinayo, waxa ayna ugu jawaabaysaa iyada oo iska difaacaysa in haweenku casrigan la joogo taariikhda uu ka warramayo iyo wixii kale la soo maray aysan ka war la’ayn, maaddaama ay waxbarteen waxna akhriyaan. Waxaa kale oo ay u raacinaysaa in meesha dumarku ka maqan yihiin raggu in ay muruq ku faanaan mooyee aannu waxba ka dhalin karin.

“Milaygaad tilmaantiyo

Waxa dunida soo maray

In haweenku moogyahay

Haddii ay maanta kula tahay

Maamulidda hawlaha 

Meeshaan ka maqannahay

Muruqaad ku faantaan

Mirana kuma abuurtaan”

Halka lagu kala leexanayaa waa dhextaalka oo Axmed oo warka sida ilkaha caddaynaya ayaa xusaya in ujeedka dooddiiisu ka fogtahay muran iyo ilaaqdoon, waad i qalad fahan tahay ee degdegga jooji ayuu hoos ugu leeyahay.

“Muran iyo ilaaq maaha

Dooddaydu maahaa

Ha degdegin macaaney”

Maryan oo ay mar walba la tahay amase dareensan in uu Axmed la meeraysanayo ayaa ku leh muhiimmadda abbaar.

“Inta fulay ka maagtaa maahi

Maankaygu maahee

Mahuraanka ii sheeg”

Markaan Axmed oo ka duulaya hadalkii ahaa nimanku haween la’aantood talo ma yeeshaan islamarkaana aan masuugin in ragga iyo dumarku yihiin labo mataano ah, aan kala maarmin isna dheellitara ayaa sii ambaqaadaya ka sheekaynta waayaha basharka, oo in mugdigii la soo joogay hubka iyo cilmiga maskaxmaalka lagu maquunshay ay dadku raadka iyo raaca maanta nool ku yeesheen ayuu carrabaabayaa. 

“In aan laba mataanoo

Malab laysu mariyoo

Kala maarmin aan nahay

Ka masuugi maayee

Mugdigii la soo maray

Hubkii lagu maquunshee

Kala miiray dunidee

Dadku mahadho yeesheen”

In Axmed dan qarsoon u qoryo guranayo ayay Maryan dareensan tahay had iyo goor, waana mid jiri karta illeen waxa uu ka hadlayaa in aysan haweenku moogeyn mar hore ayay dhegtiisa ku dhibcisay oo hadda cidina kuma dhihi karto “Dar allaad u hurudaa Waxba dunida kama ogid” haddana waa kan weli hadalka sii turuurixanaya. Marka iyada oo ku leh muraadkaada adaa meel u yeeli ayay xasuusinaysaa in sirta dunida uusan garan, waxa ayna u ku oranaysaa rag iyo dumar isqabqabsigooda ma aha, ee micnuhu waa adeegsiga maskaxda, maskaxdaas ayayna dunidu magan u tahay.

“Haddalada macaaniyo

Marmarsiga aad ii furi

Muraadkaad u leedahay 

Adaa meel u yeeliye

Muftaaxii adduunyada

Micnihiisi seegtee

Magantiisa aan nahay

Maskaxdeenna weeyee”

Sida muuqata, labada heesi, si ka duwan heesaha kale ee Soomaalida, waxa  ay u adeegayaan in ay na tusaan in dumarku dunida casriga door ku leeyihiin oo ay aqoonta iyo noloshaba kaalin buuxda ka ciyaarayaan. Waxa ay noo iftiiminayaan in aan sida berigii hore hoos loo eegi karin, waayo waa ay baraarugsan yihiin, ogaal iyo feker ku hubaysan yihiin, mana jirto cid ay talada iyo tusaalaha adduunka u dabafadhiisanayaan.      

Sheekada (Novel)

Dhanka sheekooyinka haddii aan u gudubno, isbeddellada nololeed iyo dhaqameed ee ka dhashay dunida casriga iyo magaalowga iyo sida ay nolosha iyo fekerka haweenka u dooriyeen waxaa si fiican looga akhrisan karaa sheekada Afrax ee Maanafaay. Sheekadani–Maana waxaa ay mar kaliya isku noqotay mid hordhac u ah in sheekacasri dheerta (Novel) af Soomaali lagu qoro iyo jiho suugaaneed cusub–tiraab oo dadkeennu intaas ka hor tixda ayaa agtooda boqor ka ahayd oo laga koolkoollin jiray se gabadhii reer Xamarweyne ee Maanafaay markii ay  dhalatay waasan ayaa u baryay, gacalo iyo farxad ayay ku soo dhoweeyeen waxa ayna ku sooreen jacayl aan lagu habin sheekooyinka af Soomaaliga ku qoran

Maanafaay, aragti ahaantayda illaa hadda indhafiiqan laguma fiirin, la iskuma dayin in la faaqido oo aad loogu fiirsado mawaadiicda ay falanqeynayso oo ahaa xaalado xasaasi ah oo xilligaas taagnaa, taasna lama yaabayo oo faaqidaadda iyo dheefsashada suugaantu aad ayay noogu yartahay. Qof walba oo Maanafaay akhriyay inta aan arkay dhammaadkeeda ayuu saluugaa se cidna nuxurkeeda fog iyo tayadeeda faneed (Sida sheekadu u qaabaysan tahay, jilaayadu u dhisan yihiin, silsilladda dhacdooyinkeedu u shubaalsan yihiin, qalabsuugaaneedka iyo farsamaqoraaleedku u dhigan yihiin iyo wadahadallada heerka sarreeya) uma dhugmo yeelan.

Maana, waa sheeko qayladhaan iyo naqdin  ah oo ku aaddan habdhaqannada cusub ee dhanka siyaasadda iyo si guud nolosha Soomaalida ku soo kordhay ee nolosha hog u qadaya iyo habdhaqanno hore oo duugoobay kuuwaas oo magaalowga iyo ilbaxnimada cusub aan la jaan qaadi karin. Waxa ay ka digaysay– sida qoraaguba xusay–in haddii aan arrimahaas sheekadu iftiiminayso inta loo fiirsado laga waantoobin in dalka iyo dadkuba mar kaliya isla halaagsamayaan.

Habdhqannada hore oo ay sheekadu naqdinayso waxaa ka mid ah dhaqamada gaboobay ee horusocodnimada bulshada iyo nolosha casriga ahba boqno goynaya. Dhaqamadaas waxaa ugu horreeya oo ay sheekadu si qodan u lafaguraysaa  ku xadgudubka xuquuqda dumarka –In aan doorkooda la qirin laguna tunto iyo in guur aysan raalli ka ahayn lagu maquuniyo – wax ayna si waafi ah doodo jilayaasha sheekada dhex maraya ugu bidhaaminaysaa in caadooyinki miyiga nolosha lagu iidaamayo. Waxa ay si fudud noo tusaysaa in haddii magaaladii la soo galay, heer sare oo hormar ah la gaaray, waxbarashadiina loo wada kacay, aan weli aragtiyihii liitay ee qiimaha haweenka hoos u dhigayay la xoorin.

Sahra Yuusuf waa macallimad iskuul, Axmed Jaamacna waa Injineer. Labadoodu waa ilmo adeer, Sahra waa naag siyaasadda baratay oo xaaladaha caalamka si fiican ula socota. Waxa ay saaxiibbo yihiin Maanafaay, Axmedna Maana ayuu aad uga helay waxa uuna ka cosaday in labadooda is barto. Horay ayay ka aqbalaysaa waayo qoyska oo dhan iyo iyaduba waxa ay jecel yihiin in uu reer yeesho. Hase ahaatee, Sahra waa naag ildheer oo jirjiroolaynta ragga si wanaagsan u taqaan marka iyada oo saaxiibaddeeda u baqaysa ayay nafteeda kula hadlaysaa bal ka warran haddii uu gabadha miskiinta ah mustaqbalkeeda ku dheelo? “Nimanka waqtigan joogo lama aamini karo walaalkaaba ha ahaadee” ayay hoos isugu leedahay kadibna waxaa labadooda dhex maraya dood aad u dheer oo ragga iyo dumarka, samaha iyo xumaha ku saabsan.

“Raggu nago jecelaa

Dumarkuna u roonaa

Haddana riiq dagaaliyo

Colaad raagta badanaa

Kolna way is reebaan

Kolna way is raadshaan

Dhanna maysu raacaan”

  • Maxamed C. Kaariye

Waxa ay marka ugu horraysa hor dhigaysaa in uu ujeeddadiisa caddeeyo, guur iyo gabaabsi ka ay tahay, iyada oo Maana u jilicsan. Halkaan ayayna dooddu ka furmaysaa, waxa ay isku qabsanayaan ragga iyo dumarka, cidda dhibta iyo kadeedka masuulka ka ah, cidda aan qummanayn ee rabta in aan in dhedhemis iyo caweyso kooban la wada joogo kadibna la kala daneysto. Axmed, waxa uu adeegsanayaa falsafad ah masku inta aanu kugu cadhuufin ku candhuuf, oo waxa uu ku doodayaa in gabdhuhu maafiyo yihiin oo aan axdi lala geli karin lana soo dhowaysan karin, sidaas darteedna iyagu yihiin kuwa ka masuulka in lagu ciyaaro. Markaas ayay wadiinaysaa :“Sidee kuugu suurtoobaysaa in aad habeen kasta gabar cusub la tumato, haddana tiraahdid guursan maayo: Ma guursanayo gabar aan bikro ahayn” Markaas ayuu si fudud ugu jawaabayaa “Sidee u guursanayaa qof soo gubatay…? 

Kolkaas Sahra iyada oo caqliyadda noocaas ah la yaabban ayay  Islamarkiiba ku tuuraysaa “…Sidee iyadu kuu guursanaysaa adigoo naago hore la soo tuman jiray?” In uu nin yahay iyaduna naag tahay ayuu ku jawaab celinayaa. Sahra sharcigaas isaga u bannaynaya in uusan guursan gabar aan bikro ahayn iyadana amraya in aysan ragga miisaankaas oo kale saarin meesha uu ka soo askumay iyo kitaabka uu ku yaal ayay waydiinaysaa. 

Kadib Axmed oo doodda sii hurinaya ayaa waxa uu la soo shirtegayaa in uu nin yahay, ninimaduna tahay sharciga kaliya ee waddadaas lagu maro, halka gabadhuna in ay gabadh tahay ay sharcigaas ku waayayso. Waxaa kale oo uu u raacinayaa tii waddadaas marta iskuna dayda in ay gabarnimadeeda huteeellada ku lumiso ay cirka roob ku og tahay, dhanka kalena ay dhaqanka iyo akhlaaqdana wax u dhimi doonto. Halkan, Axmed waxa uu ka duulayaa in uu jiro dhaqan arrimaha qaar  haweenka ka reebaya raggana u oggolanayaa. Dhaqankaas oo ah kan duugga ah sheekaduna naqdinayso waxa ayna Sahra u aqoonsanaysaa mid xaqdaran oo gaboobay misana mudan in laga gudbo. Sahra waxa ay marka dambe Axmed ku leedahay sharciga ragga u oggolaanaya in ay tuntaan dumarkana u diidaya aan iska laalno, amase caadi ha loo aqoonsado oo labadu ha wada badgalaan hadhowna yaan la is kala saarin. 

Dooddan oo aad u dheer waxaa uu qoraagu ku taxliilinayaa sida dhaqankan daxalaystay ee abkasoogaarka ahi labka xorriyadda u siinayo dheddigana u garbaduubayo, sida gabar iyo wiil wada tuntay, wiilku u xarrakoon karo gabadhuna ceeb ula xanuunsan karto? Sida ay gabadhu ugu nolol iyo guur seegi karto wiilkuna ugu baraari karo oo golaha uga faani karo in uu heblo la tuntay iyada oo loo sacab tumayo. Waxaa kale oo ay su’aal gelinaysaa saxnimada arrinkaas, oo ay caddahay in uu yahay mid dhan ka raran oo aan ku qotomin ma sax baa mase waa qalad balse ku qotoma, maxaa jiri jiray iyo maxaa la yeeli jiray? Dhaqamadan oo kale waa kuwa markii nolosha casriga ah la soo gaaray dabayshu qaadday balse bulshooyin Soomaalidu ka mid tahay weli calankiisu ka lulanayo.

Haddii noloshii adkayd ee baadiyuhu nimanka iyo naagaha kala fadishay oo loo arkay in wiilku gabadha ka waxtar roon yahay, maadaama uu dhaaminayo dagaal oogayo, oodda qaadayo, geedka garta iyo golaha murtidana hoggaanka u hayo sidaasna lagu tusaaleeyay in wiilku boqol gooyo gabadhuna konton iyo erayo liid ah, hadda halkan iyo noloshan casriga ah, ma qummana in muraayaddaas duugowday uu nin rag ahi gabar ku eego amase ay dhaqan bulsheedka muqaddas ka ahaato. Dumarka iyo ragguna tartan kuma jiraan, naagtu waa naag ninkuna waa nin, waa la isla noolyahay la isuna nool yahay. Horta yaa isu ballamiyay oo inta golaha isugu keenay doodda ka dhex aloosiyay? Waxaa isugu keenay gabadha noloshan casriga ah wayciga ku dhex heshay ee indheergaradka ah kana gadoodsan dhaqanka abaaday ee daliishanaya in aan gabar iyo wiil wada sinnayn, geed qurana miro ka wada guran karin. Halbeegga samaha iyo xumaha aadmigu male-awaashay, qofba meesha uu joogo iyo inta uu geystay waa in uu ka gooyaa, gabadha iyo wiilkana waa in aan gar eexaad loo kala qaadin, usha ceebta iyo canaantu ama dharbaaxada bogaadinta iyo guubaabadu waa in ay ku wada dhacdaa amase wada seegaan. 

Gunaanad

Waa run bulshadeennu waa mid ku qalabaysan fekrad ree miyi, murtideeda iyo maahmaahdeedu inta dumarka lagu maamuuso oo gobannimadooda lagu sifeeyo inta lagu liido oo lagu gumeeyo ayaa ka badan, inta caqligooda iyo ruuxdooda la tilmaamo inta maaddinimadooda iyo xubnahooda la sawiro ayaa ka tiro badan, inta la gobeeyo inta la iimeeyo ayaa kun iyo kow goor ka badan; hase ahaatee suugaanyahanku waa in uu bulshada u hadlaa eex la’aan, marka ay kala baxaanna waa in uuna midna la jirsan midna jar ka tuurin. Dhanka kale, suugaanyahannadeena tirada ugu badan dumarka waxa ay ku eegayeen indhadhaqmeed oo waxba dunida kama ogid iyo kas caano galeen caqli ma galo ayay la gole yimaaddeen, hase ahaatee, waxaa jira dhinaca kale abwaaanno ka biyadiidsanaa qaabka suugaanteennu haweenka u sawirto, amase indhaha bulshadeennu ku eegto, abwaannadaas oo ay ugu horreeyaan Xasan Sheekh Muumin, Hadraawi, iyo Xaawo Jibriil, Xaawo oo aan u aqoonsanahay in ay booska Simon iyo Virginia noogu jirto, ayna qasab tahay in suugaanteeda la faaqido loona fiirsado indhaha ay dumarka ku eegayso, waayo iyada ayaa u dhaqdhaqaaqa haweenka Soomaalida hooyo u ah. Cismaan Yuusuf Keenadiid mar ayuu leeyahay muxuu wiilku gabadha dheer yahay; 

“Wargeyska iyo raadyaha hadday wada aqoonayso

Warqadda iyo buugyada hadday wadar u eegeyso.”

Haddaba, sida aan soo aragnay suugaanteennu kaalin ayay ku yeelatay in ay dumarku dabarrada dhaqanka iyo aragtiyaha dib u dhaca ee loogu maahmaaho marka la doonayo in hoos loo dhigo amase xaqooda la duudsiinayo ka baxsadaan kuna noolaadaan nolol iyaga ka billaabata iyagana ku dhammaata, nasiibdarro illaa hadda arrinkaas cidina ma dhaaddana. Halkaanna, waxaa ka dhalanaysa in dumarka suugaanta Soomaalida ka gadoodsan ee caalamka kale indhaha u sii taagaya ay dib u soo noqdaan, deeetana sida ay suugaanta hoos u dhigaysa u ogyihiin tan awoodsiinaysa u bartaan.

Tixraac

https://www.tutor2u.net/sociology/topics/modernity

Maanafaay – Maxamed D. Afrax 

Feminism in Shakespearean Literature: Role of Women in Shakespeare’s Play, Hamlet. 

Women Empowerment and Literature Dr. Rachna Sharma Assistant Professor (English)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *