SAAXIIBKAA MAJAAJILEYSTE MAXAA KA DHIGAY?
Waxaa qoray: Cabdalle Raage (Sayyidka)
Jabku caynadiisaba saddex xaaladood ayuu ku kellifaa ruuxa ay is mutaan iyo dadka ay is huriwaayaan. Saddexda xaaladood kala culus, kalana saameyn weyn. Sidoo kale waxa kala duwan shakhsiyadaha kala qaada wadiiqooyinka xaaladahaasi qasbayaan.
Marka mashruuc, fikrad ama hawl wadar loo galo, wadar heer caalami ah ama wadar heer xaafadeed mid ay tahay ba, wacyiga dadka hawshaas wada galay waxa uu u qaabeysmaa in ay xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah tahay hirgelidda hawsha jamacaas ballaadhan u kacay. Waa lamahuraan in wacyigu sidaas u qaabeysmo, rumeyntuna gaadho heer aan loo qaadan karin in noloshu suuroobeyso haddii aanay fikraddaasi suuroobin. U hagarbixidda iyo hawlgalka ayay shardi u tahay. Fikrad aan laabta lagu hubsan looma hagarbixi karo.
“Wixii rag u kaco, Rabbina aqbalo, Wuu rumoobaa”
Waatii halhays iyo hees hawleed looga dhigay hubantida higelidda hawsha wadar loo galo. Halhayskani waxa uu shardiyay, si hawshu u hirgasho, in rag u kaco, rabbina aqbalo. Waa mid aadamaha ku xidhan iyo mid Alle Weyne–jaahiisu weynaa e, aqbalkiisa ku xidhan. Ta hore waa la hubin karaa, ta danbe se waa la rajeyn karaa oo keli ah.
Haddaba, haddii jab laga fursan waayo, cidda uu la soo darso jab, qof keli ah ha ahaado ama wadar hawl ha kula jiro e, waxa la mudanayaa saddex xaaladood midkood:
Dhimaso laba nooc ah. Midi waa in uu is dilo qofku oo uu qarracan dunnida joogi waayo. Taariikhdu waata werisa hogaamiyaal gacantooda isku dilay, kuwo isa sumeeyay iyo kuwo askartooda ku amray in ay dilaan oo ay dunnida uga raaxeeyaan. Meel kale oo ay aad uga muuqato xaaladdani waa dhaqanka nooca dagaalyahan ee Jabaaniiska ee loo yaqaan Samuraayga, oo haddii laga adkaado, ama uu fulinta hawlgal ku fashilmo ay tahay in uu isagu isdilo.
Way yartahay taasi in la arko waana sababta ustuuradda ay u noqotay ee waayo badan loo weriyo ruuxa jab xamili waayay ee adduunka ka huleelay. Nooceega kale waa waallida. Garaadka ruuxu in uu dhinto oo ka huleelo ogaalka uu jabkiisa ku fahmayo, kaga fikirayo, kuna dhadhansanayo.
Waxa ay u yartahay marxaladdani, qof walbana aan looga heli karin waa in ay aadamaha ku yaryihiin shakhsiyadaha inta ay fikrad rumeeyaan, u rogaan macnaha noloshooda oo dhan, naftooda u hibeeyaan, ee u hagar baxa heer aysan yeelan karin nolol ka baxsan mashruuca fikraddasi ka dhashay, suuraysanna karin nolol uga danbeysa taa ay caashaqeen. Rumeynta heerkaas gaadha, hagarbaxa keena in ruuxa iyo mashruucu isku ekaadaan iyo ka go’naanta intaas le’egi maaddaama ay aadamaha ku yartahay, qarracan u dhimashaduna way ka sii yartahay.
Xaaladdaasi widhiidhka ah marka laga yimaad, labadan kale ayaa loo badanyahay. Labada midkood waa in uu ruuxu isku noqdo, isla xisaabtamo oo uu isa saxo. Si la mid ah waaxidkana in wadartu yeesho, oo dib loo curiyo fikradda, mashruucana dib loo hindiso. Waxa ay u dabrantahay taasi in la qirto, wadar iyo waaxidba khaladka iyo denbiga la galay ee jabka keenay. La isku caddeeyo oo si aan ka gabasho lahayn loo xuso sidii Eebbeeheen–sarreeye oo korreeye, ugu caddeeyay muslimiinta khaladkii ay ka galeen Rasuulka suubban–NNKH, ee keenay jabkii Uxud. Muraajaco ayaa looga yaqaannaa arinkan saaxadaha qaarkood. Ku dhac, raganimmo, masuuliyad qaadasho, iyo waxa ay rabtaa xaaladdani qummanaan badan. Qabka qofka iyo ka wadartuba in aanu ka saydcaleyn danta guud iyo runta.
Dabciga aadanaha xaaladdaas waxa uga sahlan in is-adkeyn iyo rag-iska-dhicin ku sii joogo halkiisa heer waayuhu weydaartaan, oo uu taariikh isku bedelo mashruucii mar noolaa.
Haddii ka go’naata iyo rumeynta ruuxu ayna gaadhi karin in uu fashilka mashruuciisa nafta u gooyo, oo ah xaalad aan dabiici aheyn, mar-la-aragna ah, sidoo kale, ka runsheegista, daacadnimada iyo rejada waaxidka iyo ta wadartu ayna gaadhi karin dib-iskugu-noqosho, maxaa u soo hadhay dad iyo qofba, cidda jab la soo dersay fikrad iyo mashruuc sees iyo udubdhexaad u ahaa jiritaankooda?
Waxa u soo hadhay waa in raqda lagu dhego, waayahan loo fasiro si u muujinaysa in raqdaasi callanwallaynayso! Waxa u soo hadhay wadarta in ay wacyi shirqool yeelato, mid cabsi sees u tahay, oo baqagelinna ku dhisan. Waaxidkana waxa u soo hadhay, in uu nafta duldhigo dib u macneynta waxwalba, heer weedhihiisa kuwa ugu culus ee tamartu ka gashay curintoodu kaga habboonaato in masrax lagaga majaajileeyo in ra’yi, aragti iyo dood loo qaato oo run, dhab iyo sax ahaan loola falgalo. Waxa u soo hadhay waaxidka in uu curiyo dunni ta dadka uu kula noolyahay aheyn, doodda uu rabo in uu dadka kaga dhaadhiciyo dhabnimada dunnida uu isagu curiyayna ka qosol iyo maad badato sheekooyinkii loo qasday in dadka loogu maadeeyo.
Waxa u soo hadhay in uu noqdo majaajileyste aan mihnadda u qasdin, kaaliin aan ka daalin in uu maalinwalba la shir yimaaddo sheeko tii hore ka qosol badan. Waxa u soo hadhay in uu majaajileeyo, illaa taariikhdu ka gudbeyso maddaama uu ku dhici waayay in uu isku noqdo!

Mahadsanidiin