Cumar Bin C/casiis: Khaliifkii 5aad ee Islaamka
Waxaa qoray: Mohamed Ali Said
Cumar Bin C/casiis wuxuu ku dhashay magaalada Madiina sanadkii 61-aad ee Hijriyada. Aabihii waa Cabdulcasiis bin Mervan bin Xakiim, waa nin ku caan baxay cibaado iyo deeqsinimo. Cumar Bin C/casiis hooyadii waa Leyla bint-i Asım.
Cumar Bin Cabdulcasiis oo loo yaqaanay khaliifkii shanaad iyo Cumarkii labaad; Waxa uu ahaa nin aqoon iyo aragti dheer, hore u fakar, dhab ah, aan jeclayn kaftanka, xalinta mashaakilaadka, cadaalad, naxariis badan, lahaansho adag oo maamul, dhawrsan, caqli badan, aqoon iyo cibaado badan. Wuxuu ahaa mid aqoon u leh luqadda, balaaqada, tafsiirka, xadiithka, siirada, caqliga, kalaamka, suugaanta iyo culuum kale oo badan.
Markii aabbihii loo magacaabay guddoomiyaha Masar, wuxuu damcay inuu Cumar ka kaxeeyo Dimishiq oo uu geeyo Masar. Si kastaba ha ahaatee, Cumar Bin Cabdulcasiis: “Aabe, Masar ha i kaxayn. Waxaa laga yaabaa inay tani faa’iido badan u yeelan doonto aniga iyo adiga labadaba.” ayuu yidhi. Aabihii ayaa yidhi: “Hagaag, maxaan sameeyaa?”. Cumar ayaa ku jawaabay: “Ii dir Madiina. Aan soo fadhiisto shirarka culimada ee halkaas ku yaal, oo aan ku dhaqmo dhaqankooda. Markaas buu aabbihii u diray Madiina.
Aabihiis wuxuu uga tagay Saalix bin Keysan oo Madiina jooga si uu wax ugu baro. 33 macalimiin ah oo Madiina joogtay ayuu wax ka bartay, siddeed ka mid ah saxaabo bay ahaayeen shan iyo labaatan ka mid ahina waxay ahaayeen Taabiciin. Cabdulcaziz markuu xajka aaday ayuu Cumar soo ag istaagay, Saalix ayuu ka wareystay xaaladda Cumar. Saalix: “Sida wiilkaan oo kale qof alle qalbigiisa xillikasta sidaas ugu haya ma garanayo.” ayuu yiri.
Cumar Bin Cabdulcasiis wuxuu lahaa saddex walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Abuu Bakar, Muxammad iyo Caasim. Wuxuu guursaday ina adeertiis Faadumo. Waxa uu dhaley 15 carruur ah halka riwaaaydaha qaar ay sheegaan 17 iyo 14. Curadkiisii wuxuu ahaa Abdulmelik. Waxaa la wariyey in Cabdulmalik oo cilmi iyo cibaado lahaa uu lamid ahaa aabihiis. Markii uu dhintay aabihii aad buu uga naxay, laakiin wuu u samray, wuxuuna yidhi: “Tani waa xukun alle, Eebbe ayaa waalidkeyga naga jeclaadey” ayuu yiri. Maamulka islaamku wuxuu ku dhisan yahay wadatashi iyo cadaalad.
Dhammaan maamullada Islaamiga ah, laga soo bilaabo maamul dawladeed ilaa tuulo ama maamul qoys, u heellanaanta diinta, wadatashiga iyo caddaaladda ayaa ah halbowlaha nolosha ee maamulka. Khaliifkii 5aad ee Cumar bin Cabdulcaziiz, sida khulafadii kale ee ka horeysa, aad buu ugu hoggaansamay xeerarkaas. Noloshiisa oo dhan waxa uu u habeeyey waxyi. Waxa uu u qalmay khaliifada, isaga oo muhiimad siinayey la tashiga dadka aqoonta u leh. “Wada tashi iyo dood waa albaabka naxariista iyo furaha wax-soo-saarka. Marka ay arrimahani dhacaan, ra’yi ma leexdo, go’aanna laguma khasaaro.” Ayuu yiri.
Cumar bin Cabdulcaziiz markuu khaliif noqday, waxaa khaliifka ilaalinayay 300 oo askari iyo 300 oo boolis ah. Waardiyayaashiina uma baahni ayuu yiri, wuxuuna dhammaan ka badelay shaqadii oo jagooyin kale ugu beddelay. Maalin ayuu soo galay masaajidka, minbarka ayuu koray, dadka ayaa isugu soo baxay masaajidka, Mahadnaq uu Alle u celiyey kadib wuxuu hadalkiisa ku bilaabey sidatan: “Dadow! Aniga oo aan ogeyn, ra’yigayga la I weydiin, la igala Tashan sidoo kalena aanan codsan ayaa hawshan khaliifnimada garbaha la ii saaray, imtixaan ahaan. Waxaan kasoo baxayaa mas’uuliyadda aad ii ballan qaaday. Shaqadaan waan ka tanaasulayaa. Doorta qof kale oo aad u aragtaaan inuu ku habboon yahay hogaaminta naftiina iyo maamulkiina.”
Hadalkaas markii ay Muslimiintu maqleen si wada jir ah ugu qayliyeen: “Anagu adiga ayaan kuu doorannay maamulkeenna. Dhammaanteen waan ku heshiinnay taas.” Wuxuu gartay inuusan ka baxsan karin mas’uuliyadda khaliifada. Markii uu codkii dadkii badnaa joogsaday ayuu hadalkiisa kusii watay sidatan; “Ka digtoonaada in Alle lagu caasiyo, inaan alle mooyee cidkale la addeecin. Si fiican u gaada inaanan anigu ahayn kan idin kugu fiican. Waxaan ahey mid idinka mid ah. Waxa kaliya ee aanu ku kala duwannahay ayaa ah in Alle xagiisa masuuliyd tiina ka badan garbaha la ii saarey”.
Akhris dheeraad ah;
سيرة عمر بن عبد العزيز، ابن عبد الحكم،
البداية والنهاية، ابن كثير

Mnsha allah aad bad u mahad san tihiin