HOGGAAMIYE NUUCEE AH AYAY GUUD AHAAN SOOMAALIDU U BAAHANTAHAY.
W/Q: Shaafici Axmed
Shakhsiga ummadda ka iibsamaya waa in uu marka ugu horreysa yahay shakhsi leh tilmaamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: inuu yahay qof Alle yaqaana, leh iimaan dadka ka qabta, lagu yaqaan waddaninimo iyo akhlaaq wanaagsan oo la hubsaday, kalsooni dadka ka kasbada, sidoo kale inuu lee yahay xikmad, karti, iyo naf-hurid.
Waxaa jirta murti carbeed oo tiraahda; naf huridda iyo dadaalku waa furaha wax walba:
“ان مفاتيح الامورالعزاءم”
“The best way to find your self is to lose your self in the service of others”— M.Gandi
“Waxa kuugu fiican ee aad qabataa, waa in aad naftaada u hurto adeegga dadka”.
Shakhsiga aynu tilmaamaynu waa in lagu hubaa hal-abuurnimo, ikhlaas, ka maran yahay adduun jaceyl, faan iyo fooxaalli, xigteysi iyo qoqob. Waa halkii uu lahaa Cabdi Cali Bacalwaan AUN:
“Howlahaa arlada
Hadii lagugu aamino,
Ummada ushaqeeyiyo
Adeegaa lagaa dhigo,
Hays oran cidi
kuma arkeysee Inaderso”.
Hoggaamiyuhu wa in uu xumo ka dhawrsan yahay, danta guud ka hormariyaa danta gaarka ah. Hadii hoggaamiyaasha iyo culummadu hagaagto, ummadu way hagaagtaa
” اذاصلحت الحكام والعلماء صلحت الأمة”.
Waxyaabaha had iyo jeer caqabadaha ku ah sifahan wanaagsan ee aan tilmaannay waxaa kamid ah: inta badan siyaasiyiinta la soo doorto waxaan lagu lee yahay qaan taageero ah oo doorashada kasoo raacda, taasi waxa ay meesha ka saareysaa in marka hore ba shakhsi lagu lee yahay abaal siyaasadeed oo dadka qayb ka mid ah uu qaameysani inay ku adag tahay in uu ku dhaqmo caddaalad iyo sinnaan.
Sifooyinka wanaagsan ee hoggaamiyaha laga rabo waa inuu lee yahay, xirfad maamul iyo siyaasadeed, in uu hirgalin karo maamul dowladeed hufan oo loo dhanyahay. Waa inuu yahay run sheeg, aamin ah oo ballanta ku fiican.
Sidoo kale, waa in yahay siyaasi aan cidna caddaawad uqabin, kuna tuman hantida ummadda, una dabacsan masaakiinta iyo dadka jilicsan, u dhaga nugul codsigooda iyo cabashadoodana. Waxaa wanaagsan in uusan noqon mid aargoosi yaqaanna oo dhibkiisii shalay mar walba hortiisa ka arka. Waa in uusan noqon mid hanti raadis ah oo lacagta ummada doonaya inuu ka taajiro.
“He is the richest who is content with the least, for contentment is the wealth of nature” —Socrates. Faylasuufkani wuxuu lee yahay: ” Qofkii wax yar ku qanacsan ayaa ugu taajirsan qanaacaduna waa tijaarada nolosha”
Waa in uu yahay daadihiye, lee yahayna dad isku wad samir iyo dulqaad, waa in aanu uqiilsameyn xadgudubka ay ku kacaan kuwa taageeraa, indhahana ka daboolan gefkooda. Waa in aanu u riyaaqin ammaanta munaafiqiintu dusha uga tuuraan ee runta ka fog.
“Namnamtiyo naxliga beena iyo naqalka shaydaanka
Namiimshuhu warkuu keenayuu, nacasku raacaaye
Nu’da hadalka naasaca dibnaha, nuuska dhegaheenna
Anna nadartu waxaan soo arkaan, nacam iraahdaaye” — Saalax Malaydiray
Waa inuu mar walba xasuusnaada xadiiska Rasuulka NNKH, ee yidhaahda: “Dhammaantiin waxa aad tihiin masuuliyiin, qof kasta waxa uu masuul ka yahay waxa uu gacanta ku haayo” Hadii qofku xadiiskaan si dhab ah u aaminsanyahay buuro ayuu riiixi karaa.
Diiradda waa inuu saaraa sidii loo dhisi lahaa Hay’adaha dowladda, iyagana ku kalsoonaada, oo uu kula xisaabtamaa.
Waxaa intaas kaweyn waa inuu hiigi sare iyo aragti fog lee yahay (vision) oo ku saleysan sidii uu ummadan isbaddal ugu keeni lahaa.
“Leadership is the capacity to translate vision into reality”–Warren bennis
Waxa uu aqoonyahankaan lee yahay: “Hoggaamintu waa awoodda hammiga looga dhabeeyo” Waa Inuu yahay qof cagaha dhulka ku haya oo aan isla weyneyn (down to earth).
“A true leader has the confidence to stand alone, the courage to make tough decisions, and the compassion to listen to the needs of others” —Gen Douglas mac Arthur
“Hoggaamiyaha dhabta ahi waa inuu isku kalsoonyahay, dhiirranaan uu go’aan ku qaato lee yahay, waa inuu leeyahay dulqaad uu ku dhageysto dadka kale”
Waa inuu wakhtigu soo rabbeeyay oo uu lee yahay ammaano iyo aqoon uu wax ku hoggaamiyo. Waa halkiii Saado Cali Warsame ay lahayd:
“Waxaa dawlad wadi kara,
Dad waxaa marali kara,
Dal yaqaan siyaasiya”
Ammaanada iyo aqoon waxtarkooda waxaa inooga filan waa tii uu lahaa Nabi Yusuf CS lahaa:
“انى حفيظ عليم”
Waa inuu yaqaan jidka uu dadka ku hogaaminayo, dadkana dariiqa tusaa, dadkana uu hor socdaa oo aan laga dheereyn ama laga gaabinin.
Wuxuu yiri Nelson Mandela: “Hoggaamiyuhu waa nin ari la jooga oo kale, xayntuu dabasocdaa, oo ka firfircoonida heegiisa ayuu usii daayaa, si kuwa kale u dabagalaan, iyagoo aan dareensaneyn in dusha lagala socdo”.
“A leader is like a shepherd. He stays behind the flock, letting the most nimble go out ahead, where upon the others follow, not realising that all along they are being directed from behind” —Mandela
Hoggaamiyuhu waa inuu lahaada, ku dhac iyo geesinnimo. “Whenever you see a successful business, someone once made a courageous decision”—Peter F drucker
Wuxuu lee yahay Peter: “Markasta oo aragto shaqo guuleysatay ama ganacsi tanaaday qof baa goaan geesinnimo leh sameeyay”.
Waa inuu lee yahay daacadnimo iyo caddaalad.
” Rag caddaaalad waayaa, sidii cawshiii kala yaac”—Faarax Laanjeer
Waxaa jirta maahmaah tiraahda:
“By justice a king gives a country stability, but those who are greedy for bribes tear it down” Maahmaahdaas oo macanaheedu yahay: “Boqor caadil ahi dalkiisuu ku dajiyaa, kuwa hunguriga la arodayana way baabi’iyaan”
Waa in hogaamiyuhu leeyahay maskax furan iyo curin. Ralph Waldo Emerson filasuufkan mareykan wuxuu leeyahay : “jidka uu ha raacine, meel aan waddo hore jirin mar oo raad kaga tag” “Don’t follow where the path may lead. Go instead where there is no path and leave a trail” –Emerson
Waa inuu dabci wanaagsan yeesha iyo dad lasocod, ” The most important decision you make is to be in a good mood”-voltaire
Wuxuu lee yahay ” Go’aankaaga ugu fiicani waa inaad is dajiso”. Wa inuu himiladiisa ku dhagaa oo uu ka dhabeeyaa, “Hold on to your dreams of a better life and stay committed to striving to realise it”— Earl G. Graves Sr, “Wuxuu lee yahay himilladaada nolosha suubban ku dhag oo ka dhabee”
Sifooyinkaas qofkii aan ilaahey kala harin abuurkiisa waxa uu noqon karaa hoggaamiye wanaagsan, kii sifahaas laga reebay waxaa dhici karta inuu luggooyo soo kordhiyo. Intaaba waxaa ka mug weyn oo aan in lagu baraarujiyo maahee aan iskuul, machad iyo jaamacad toona looga bixin inuu uu leeyahay karti uu ra’yiga ficil ugu baddali karo, isagoo adeegsanaya fikirka iyo awoodda dadka.
“Kartidooda deeqsii, ha duleyne gaadhsii, meesh daraadeed, ugaleen dagaalkii, diiftiyo kulka lahaa”—Hadraawi
Awoodaas oo uu ku beegsanayo inuu natiijo dhaliyo, natiijadaas oo noqoneysa mid lagu doogsado oo gorofka fakhriga iyo cayrta lagaga baxo.
Ugu dambayn waxaan kusoo gabagabeynayaa hoggaamintu in aysan aheyn kursi ama darajo la qaato, balse ay tahay naf wax ka baddeleysa naf kale. Sida uu ku sheegay John Maxwell buuggiisa the 21 Irrefutable Laws of Leadership: ” Leadership is not about titles positions or flow charts. It is about one life influencing another” —John Maxwell
Marka waa in aan loo fahmin jago lagu fariisto oo kaliya. Waxaan kusoo koobaya hoggaamiyaha jecel in uu isbeddel ku arko dalkiisa iyo dadkiisa; waa inuu isagu marka hore naftiisa ka billaabaa oo uu soo hagaajiyaa. “You must be the change you wish to see in the world”—Mahatma Gandhi
