Uurkutaallada Laabteyda
W/Q: Booyax J. Faarax
W/T: Cabdishakuur Qodax

Fiiro: Qoraalkan oo Ingiriis ahaan ku soo baxay ciwaanka “Danger In My Belly” waxa uu qaatey curiskii ugu wanaagsanaa ee Mareykanka laga soo saaro sannadkii 2017.
_____________
Waxa aan ahay nin madow, muslin ah, kana soo badbaadey daggaaladdii dalkiisa ka dhacay. Waxaan ahay qaxooti, dib ka noqday qoraa, kaas oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, haddana ku nool Mareykanka. Sidaada oo kale, waxa aan ahay abuur aadane oo laba-addinle ah. Ameerika, aniga iyo qaxootiga kaleba noo ma ahan rejo kamadanbeys ah, waa se hoy diirran oo nabdoon. Noloshu waxa ay I bartay in ay fududahay duminta qaran dhan, laakiin, ay aad u adag tahay dhisiddiisu.
Soomaaliya-dalka aan ka soo jeedo, hadda waxa uu ka mid noqday waddamada laga mamnuucay in ay dadkoodu soo galaan Mareykanka. Hooyaday oo ah muwaadinad dhalashadii qaadatey, hadda waxa ay ku nooshahay Soomaaliya. Wiilkeedii curad ahaan, waxa aan arkay dhiiggii dagaalka iyo silicii xeryaha qaxootiga, laakiin, mahad Eebbe, aniga iyo iyaduba, waxa aan nabad nimid Mareykanka, Julaay 1993. Waxa aan dareennay nabad iyo neecaw qabow markii aan degnay gurigeennii cusbaa, balse, soo ifbixiddii madaxweyne Trump dareenkaas lahaanshiyaha ahi hadda wuu shiiqay.
September 1993, waxa aan bilaabay dugsiga sare ee Bedford, halkaas oo aan maalinteydii koowaadba dugsigu ii qabtey Estee, oo ahaa macalinkayga labaad ee Ingiriiska. Shaqaalihii Iskuulka ayaa ii keenay calan buluug ah oo dhexda xiddig caddaan ah ku leh, waxayna ii sheegeen in aan ahay Soomaali-Mareykan. Si uun, tani waxa ay soo celisay nolosheyda burburtay sawracaygii shiiqay. Iskuulku, waxa ay isoo bandhigeen buugaagta kala ah: “The Old Man and the Sea-Duqii iyo Baddii” oo uu qorey Ernest Hemingway, “The Scarlet Letter-Warqaddii Gaduudneyd” oo uu qorey Nathaniel Hawthorne, “The Autobiography of Malcolm X” uu wariyey Alex Haley iyo “The Things They Carried/Wixii Ay Muteen” oo uu qorey Tim O’Brien.
Eraygii ugu horreeyey ee aan luuqadda Ingiriisiga ka jeclaado wuxuu ahaa “preposterous/maangad”. Waxaa jirta arrin aan ku saabsan eraygaas aan jeclaadey. Marka Soomaaliya la joogo-waddanka ay halka leh halka isir, halka diin iyo halka Qabiil, laakiin beelaha badan- dagaalka u dhaxeeya reeruhu, waa ka shisheeyaa maangad. Waligay Ilaahay kama baryin in aan ka mid noqdo reerka aan ka dhashay, laakiin, Ilaahay ayaa ii dooray, oo dhabarka aabahay iga uumay. Xaqiiqada ah in aniga iyo walaalahay aan ka mid nahay qabiilka aabaheennii dhintay waxa ay dhab ahaan ahayd maangad.
Safarkii dhuumaaleysiga ahaa ee aan ku soo marney Soomaaliya iyo Kenya dhexdeeda, waxa uu ahaa maangad. Xeradii Qaxootigu waxa ay ahayd iyana maangad. In aad aragto dad dhimanaya waxa ay ahayd maangad. Cimiladdii qaboobeyd ee Niyuu Iglan waxa ay ahayd iyana maangad; laakiin waxa aan u oomanaa in aan arko barafka ka soo daadanayey cirka. Riyada aan Ameerika ku yeeshay waxa ay ahayd maangad. Barashada dhaqan iyo af cusubi waxa ay ahayd maangad. In aan 15 sano shaqeeyo, kana soo kabto in aan ahaa nin madow oo Mareykan ku nool-kaas oo wax walba waayey- waxa ay ahayd wax ka shisheeya maangadnimada.
Waxaas oo dhan marka laga yimaado, xayiraaddii Madaxweyne Trump saaray qaxootiga, waxa ay ahayd wixii ugu maangadsanaa noloshayda, taas oo dhaawacaysa haybaddii toddobaatanka sano-dagaalkii labaad ka dib, Mareykanku ku lahaa dunida guudkeeda si caalami ah. Laakiin, tan iyo markii rejo noqotey wax walba, waxaan u murugooday Mareykanka, waxa aan se naawilayaa in codka qumman iyo garashadu hagaagsani ka adkaan doonaan madaxfalluuqa siyaasiga ah.
Xaaladda degdegga ah ee la xiriirta xannibaadda gaaban ee madaxweyne Trump iyo waaxdiisa fulintu saareen dadka ka soo jeeda toddobo waddan oo badankoodu yihiin Muslin si aysan u soo galin Mareykanka iyo weedhiisii uu Twitter ku baahiyeyba, kaliya ma ahan in ay shaki iyo baqdin ku abuureyso qalbiga qaxootiga, balse waa arrin looga golleeyahay in Muslimiinta Mareykanka lagu sunto in ay la dhacsan yihiin argagixisada.
Markeygii ugu horreysay tan iyo markii aan cagaha soo dhigay ciidda nadiifka ah ee Mareykanka, waxa aan dareemay uurkutaallo. Waxa aan hadda u baqayaa dhammaan qaxootiga Muslimiinta ah ee dhulkoodii uga soo cararay dagaallo iyo kuwa halkan u yimid si ay u raadsadaan nolol hagaagsan, waxa aanan ogahay wax badan oo ku saabsan halista ay leedahay in dad lagu sunto in ay yihiin khatar ay tahay in la xakameeyo, bulshadana laga dhex saaro.
Saddex iyo toban jir ayaan ahaa 1990. Xiliggaas, dunideyduba waxa ay ahayd in aan iskuulka u ganbiyo, gabdhaha la kaftamo, oo xodxoto, qoollaydeyda buubiyo iyo in aan banooni ku hoos ciyaaro cirka buluugga ah ee cajiibka ah ee Muqdisho lahayd. Waxba kama aqoon waxa dadka laabtooda ka hurayey. Aabahay waxa uu dhintey sannad ka hor, laakiin, sida dhaqanka Soomaaligu yahayna, aniga iyo walaalahayga iga yaryari, waxa aan ka mid noqonney qabiilka aabahaygii dhintay. Madaxweyne Siyaad Barrihii Soomaaliya xukumayey labaatan sano ka badan, waxa uu ka dhashay qabiilkeenna.
Dhaqaalahii Soomaaliya oo iska daala-dhacayey ayey dadkuna ahaayeen kuwa la waxyeelleeynayo. Rag badan oo baagamuudo ah ayaa u fadhiisan jirey si kooxkoox ah biibitooyinka. Turub ayey ku ciyaari jireen halkaa iyaga oo dhaqaalaxumadooda ku eedaynaya reerka talada haya. Siyaasiyiintiina way qaateen eeddaas dheesha ah, wayna sii siiyaasadeeyeen. Wakhti badan ma qaadan intii sheekadii turubka lagu dheelayey isku bedelaysay gacan-ka-hadal suuqa dhexdiisa. Rag iskubuuqsan ayaa caadeystey in ay tacshiirad huwiyaan masaakiinta gaadiidka saaran. Heerkii dhimashada ayaa badatey, iyada oo cunfigii dadku isku hayey baahay. Iskudhacyo ciiddaa ka badan ayaa jidadkii Muqdisho oo dhan kharribay Diseember 1990kii.
Wiil dariskayaga ah ayaa yimid gurigeenna isaga oo qori Aake ah laadlaadsanaya, si uu aniga ii dilo, waayo ma sii ahaan karin hadda saaxiibkiis. Aniga iyo qoskeyguba waxaan ahayn kuwa lagu suntey in ay ka mid yihiin qoyska cadawga-Daarood. Hanjabaaddaas dilka na loogu hanjabey qoyskayaga ayey dul hoganeysay illaa aan degdeg ugu baxnay-meel uunna qabanney. Waxa aan ka cararney saddexdeennii qol ee Muqdisho noogu yaalley, innaga oo ka tagnay wax waxyaabo yaryar; qoolkeygii shimbiraha, kii digaagga, labadeennii riyood (Bilan iyo Beella); xaaqinkayagii, gaaricanakeennii, warqadahaygii imtixaanka, boorso-cusul, teebkeygii guduudnaa, sawirro iyo ganbarkii maqaarka ahaa ee aabbo ku fadhiisan jirey intii uusan dhiman.
Nolosheenna ayaa ka qaalisaneyd waxyaabaha adduunyada. Isla sannadkaas, wiilkii rabay in uu I dilo ayaa waayey noloshiisa oo dhintey. Nolosheennu waxa iska ahayd sida olal naarta laga leefay. Soomaaliya, weli way gubaneysaa, dhammaadkana, ma jiri doonaan wax aan ahayn dhibnayaal.
Saaka ayaan hooyo wacay. Waxaan ka sheekaysanney sida aan ugu ayaandarreyn in aan uga soo khibrad qaadanno dagaaladdii Soomaaliya iyo suurtagalnimada colaadda qarxi karta. Waxa ay noo muujisey cabsida ay ka qabto Soomaaliya, iyada oo naga wareysatey badqabkeenna Mareykan dhexdiis. In kasta oo aanan dan ka gelin arrimaheedaas, kana gaabsadey, haddana, si dhab ah ayaan u fahmay. Innaga oo ah kuwii ka soo badbaaday dagaaladdii sokeeye ee musiibada ahaa, haddana, waxa aan arki karnaa khatarta ka dhalan karta afka aan la xakameyn, horey ayaanan ugu soo joognay arrintaan.
Waxa ay ii sheegtay saddexsano oo abaar ba’an ka jirtey dalka, cirkiina soo dhibci waayey. Dalagii, arigii, geelii, idihii iyo lo’diiba waxa ay u dhimanayaan si tirobeel ah. Waxa ay iiga warrantey in hooyo faqiir ahayd oo saddex caruur ah oo agoon ah haysrey in ay macluul u dhimatey. Intii ay ii sheegaysay sida abaarta dabadheeraatey u gumaadey dad iyo duunyo, waxa aan ka fikiray burburka baahsan ee cimilada dunida ee sii kululaaneysa dhali doonto, Soomaaliyana dhibannaha u noqon doonto.
Si la mid ah muwaadiniin badan oo jinsiyadda qaadatey, Mareykanku waxa uu iga soo samatabixiyey dayicii ka jirey xeryihii qaxootiga, waxa uuna I baray suugaan. Waxa dhammaatey uurkutaaladdeenii, waayo, madaxweyne Trump ayaa si cad ugu dooday, bannaankana keenay arrintaas iyo waxyaabo kale, sida in qaxootiga muslimiinta laga baqo. Haddii aan erayadiisa kuwa belo hurinaya ku jireen, waxaan u baqi lahaa Mareykankayga, una qaamoobi lahaa si aan wax uga qoro inta aan aqaanno.
