Adduunyadu macaan ma leedahay?

W/Q: Daa’uud Cali

Adduunyadu macaan ma leedahay?

Qofka bini’aadanka ahi maalinta uu dhasho ilaa uu ka dhimanayo xanuun kama baxo —Muslimiin ahaan sida aan aamminsannahayna—xanuunku kuma dhammaado dhimashada, ee qabri, carcaraaf, islaxisaabtan iyo abaalmarin ayaa ka sii dambaysa, qofkii la janneeyo ma sheegine.

Maalinka aad dhalato ee xuddunta (oo jirkaaga ka tirsan) lagaa jarayo ka soo bilow, xambaarka dhabarka hooyadaa iyo ciriiriga soo mar, ilkaha marna soo dhalanaya marna dhacaya soo dhaaf, gudniinka, baahida, oonka, garaaca macallinka iyo waalidka iyo ciyaal marmar bacaad ku cunsiiya, marka aad iskufilnaansho gaartana waa marka xanuunka ugu weyni kuu bilaabanayo ee aad carruurnimadii u xiisayso, guur iyo hawshiis, ilmo-korin iyo rafaadkood, shaqo iyo madax-xanuunkeed, halganka nololeed, dagaal iyo isqabqabsi, deyn iyo xabsi, dadka aad la dhaqmayso lagama waayo mid ku khiyaama, mid ku luggooya, mid ku dhaca, mid xada, xayawaanka kale waa sidaas, mid ku qaniina iyo mid ku xagta, mid ku haraatiya iyo mid ku hirtiya, cimillada aad ku jirto marna waa kulayl cadaab ah marna waa baraf feeruhu isku kaa dhegayaan, mar waa huur naqasku kugu xirmayo, marna waa dabayl indhuhu ku dhacayaan! marka lagu soo feentana waa gabow iyo ul-ku-kutubid, jilbo iyo dhabarxanuun aan dhammaad lahayn, hinbiriirsi iyo aragxumo, tabardarro iyo cudurro, sida la yirina “waayeel ma.
raystee wuu roonaadaa”.

Intaasi waa xanuunnada jireed qaar ka mid ah, waxaa kuugu dhinac socda xanuunnadii nafeed oo ka tiro badan kana dhib badan, sida uu leeyahay Abuu Yaziid Albalkhi (322H): “Daannooyinka jireed waxaaba dhici karta in dad badani ka badbaadaan, oo uusan wax dhib jireed ah la kulmin noloshiisa inta badanba, daannooyinka nafeedse qofku waqtigiisa inta ugu badanba wuxuu ku jiraa wax nafta xanuujiya, qofna inta badan kama marna dareen welwel, xanaaq, murugo, iwm” uuna ku raacay Abuu Xayaan Al-tawxiidii (414H): “Way yartahay in qofku ka marnaado hilow, ka shallayga wax dhaafay, ka-fikir wax uu filanayo, ka-cabsi xiriir-u-jar, ama arrin taagan ka murugood”.

In badan oo aqoonyahannada ka mid ahina waxayba qabaan in waxyaalaha la macaansado ee xisiga ahi ay —xaqiiqo ahaan— yihiin wax xanuunka la isaga korqaado keliya. Yacni meesha macaan dhab ah ma yaallo, ee xanuun kaa tagay bes baa yaalla, cuntada waxaa la cunaa markii xanuunka baahida la dareemo, biyana waxaa la cabaa markii xanuunka oonka la dareemo, galmana waxaa la sameeyaa markii shahwadu ku gubto. Helitaanka cunto, cabitaan ama galmo iwm na waxaa loo maraa waddooyin dhib badan, waxa dhibkaas loogu dulqaatana waa in uu ka xanuunyaryahay gaajada, oonka iwm, marka aad daawada xaraarka badan cabayso waxa aad ugu dulqaadanaysaa cudurka ku haya ayay ka xanuunyartahay, ama ka waqti gaabantahay, sidaas ayuu qofku labada xanuun u kala dooranayaa oo kan yar u qaadanayaa, sidaas ayaana macaanka la sheegaba ku noqonayaa “xanuun la’aan”.

Gamiin!

Intaa waxaa wehliya, qofka bini’aadanka ahi mar walba wuxuu u dhexeeyaa labo xaalad oo “goobid” iyo “gamiin” kala ah. Wax aad rabto oo aad u baahantahay ayaad goobaysaa, waad u rafaadaysaa, haddii aadan helin waa kuu xanuun, haddii aad hesho ee aad muddo ku dhexjirtana waad ku gamiimaysaa, waadna nacaysaa, waxaadna jeclaanaysaa nolol middaan ka duwan in aad aragto, waana kuu xanuun kale.

“Dadku waxay u samaysanyihiin in aan baahidooda la dherjin karin, meeshii baahideeda la buuxiyana baahiyo cusub ayay la soo baxdaa” sida uu leeyahay Schopenhauer, waana isla macnaha uu u jeeday George Bernard Shaw markii uu lahaa: “Waxaa jira labo musiibo, middood waxay timaaddaa marka baahideenna la dherjin waayo, midda kalena markii la dherjiyo”. Taas macnaheedu waa in nolosha qofku weligeed qasantahay inta uu dunidaan joogo.

Sababta gamiinka darteed ayay dadka casrigaani ugu dadaaleen in ay dadka usoo saaraan noocyo kala duduwan oo dhar ah, cuntooyin ah, ama cabitaanno iwm ah, si aan loogu gamiimin, balse gamiinka iyo in waxa lagu daalo oo la naco waa dabci aadane oo aan weligiis dhammaanayn. Imaamu Qasaali mar uu tirinayay macaannada adduunka, wuxuu ku soo koobay: wax la cuno, wax la xirto iyo galmo. Ka dibna wuxuu yiri: “Dhibkooduse waa in mid kasta daqiiqadda aad ka dheregto aad ifka u nacayso”!

In hal wax la joogteeyo, oo aan lagu caajisin waa dhaqan aan bini’aadanku lahayn, oo Alle malaa’igta ku tilmaamay, wuxuu ku tilmaamay in ay har iyo habeen Alle u tasbiixsadaan, aysanna ku caajisin.
﴿فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُوا۟ فَٱلَّذِینَ عِندَ رَبِّكَ یُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّیۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا یَسۡـَٔمُونَ ۩﴾ [فصلت ٣٨]

Maadaama aannan hal wax joogteyn karin si kasta oo ay noogu macaanyihiin, ayuuna Alle cibaadaadka noocyo kal duwan nooga dhigay, sida uu leeyahay Ibnu Caddaa’illaahi Al-iskandari (709H): “Wuxuu kugu ogaaday caajiska/gamiinka, sidaas ayuu daacaadka caynba-cayn kaaga dhigay”.

Waxa naftu jeceshahay ee aad macaansanayso marba haddii aadan sii wadi karin ma dhammaystirna, sidaa darteed, jannada waxyaalaha na looga sheegay waxaa ka mid ah: in aan lagu caajisin ku-dhexjirka barwaaqadeeda.
﴿خَـٰلِدِینَ فِیهَا لَا یَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلࣰا﴾ [الكهف ١٠٨]
Way ku waarayaan dhexdeeda, mana dalbanayaan ka-wareejin/ka-raris.

Waana labo wax oo ay adduunka uga duwantahay. Adduunka weligaa nimco kuma dhexjiraysid, haddii aad ku jir maagtana adigaaba nacaya!

Tixraac

📚معنى الحياة في العالم الحديث | د. عبدالله الوهيبي

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *