RUWAAQIYADDA (STOICISM)

W/Q: Cabdifataax Ashraf

     RUWAAQIYADDA (STOICISM)

Goor  ku beeggan 335 ka hor dhalashadii Nabi Ciise, waxaa magaalada Citium oo hadda la malaynayo in ay Qubras tahay ku dhashay wiil lagu magacaabo Zenu.(Britannica, T. Editors of Encyclopaedia (2022, February 14).

Wiilka waxa uu ka soo jeeday qoys Finiiqiyiin ahaa ganacsigana caan ku ahaa, sidaa darteed markuu soo waynaaday ganacsade ayuu noqday.

Dabayaaqadii qarnigii 4aad ee ka hor Miilaadiga, ganacsade Zenu oo soo rartay doontiisii ganacsi agabka xilligaa ugu qaalisanaana sidda ayaa ku qalibantay bartamaha Badda Dhexe, doontaa waxaa saarnaa waxii hanti uu lahaa oo dhan.(Daily Stoic, 2020).

Sida ay u badan tahay waxa ay ahayd in uu is dilo ama uu nolosha dhan ka dhaco, maya ee waxa ay ahayd in uu waasho.

Basle intaa oo dhan ma aysan dhicin, musiibbadaana  noloshiisa mugdi ma aysan galin, taa beddelkeeda waxa ayba u ifisay jid cusub, qof cusub ayay ka dhigtay, waxa uuna hormuud u noqday mid ka mid dhaqdhaqaayadii ugu waawaynaa ee ruuxaani iyo falsafadeed ee dunida soo mara.

Waxa uu u kacay dhankaa iyo Atanis, waxa uu arday u noqday faylasuufyadii Kalbiyiinta( Synic philosophers) iyo macallimiinta Akadeemiyaddii Aflaadoon.

Kadib waxa uu dhidbbada u taagay falsafaddiisa cusub ee Ruwaaqiyadda (Stoicism).

Zenu waxa uu dhihi jiray ama ku kaftami jiray in doonidii la qalibantay ay sabab u ahayd in uu falsafaddan aasaaso, sidaa darteed shallaay kama qabin hantibeelka ku dhacay oo waxaa ugu la muhiimsanaa wadiiqo nololeedkan cusub ee uu cagta saaray. 

Falsafaddiisa waxa ay ku dhisanayd saddex qodob oo waawayn oo kala ah: Manqada, Fiisikiska iyo Akhlaaqda.

Kolkii dambe akhlaaqda ayaa udub dhexaad u noqotay falsafaddiisa. 

Ruwaaqiyadda, tan iyo ka hor Miilaaddiga  waxa ay ahayd mid ahayd dugsiyada falsafeed ee ugu saamaynta badan.

Atanis ayay ku dhalatay 300 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise, waxa ay aad ugu dhex bulaashay boqortooyadii Roomaanka, xilliyadan dambana waxa ay saamaysay mufakiriin kala duwan oo laga xusi karo Montaigne, Kant, Nietzsche iyo Deleuze.(John Sellars, 2006).

Marka laga tago Zenu oo ah aabbaha Ruwaaqiyadda, waxaa jira faylasuufyo kale oo caan ah oo waxbadan ku kordhiyay falsafaddan waxaana laga xusi karaa Aurelius, Seneca, iyo Epictetus oo dhammaantooda Roomaanki ka mid ahaa ama casrigaa noolaa, waana waqtigii ay falsafaddan hawada sare ku jirtay.

Aurelius waxa uu ahaa boqor, halka Epictetus uu addoon ahaa, sidaa darteed falsafaddan waxa ay kulmisay ayaa la dhihi karaa bulshada oo dhan oo waa mid insaani ah.

Ruwaaqiyadda waxa ay la gooni tahay adduun-araggeeda,  dunida ayay u eegtaa si guud, si gaar ahna qofafka aadane.

Falsafaddan waxa ay dunida u aragtaa in ay tahay mid maaddi ah oo wax walba oo dhexdeeda ka dhacaya ay yihiin kuwo qaddaran (Materialistic and deterministic), waxa ay leeyihiin dunida waa hal qura innagana qayb iyada ka mid ah ayaynu nahay.

Ruwaaqiyiintu waxa ay  aadanaha u arkaan in uu yahay noole caaqil ah (rational animal), dareennada xun xun ee noolahanna waa kuwo ka dhasha sababaynta oo qaldanta (product of errors in reasoning).

Sawirada laga haysto ruwaaqiyiinta waa in ay yihiin dad dareen la’aan ah, deggan,  cabsida iyo xilliyada adagna u bareera.(John Sellars, 2006).

Dad badan ayaa Falsafadda Ruwaaqiyadda ku qalda midda Kalbiyada (Cynism), inkasta oo ay hadafka nolosha isaga mid ka yihiin haddana wadiiqada uu mid walbaahi marayo waa gaar.

Yoolkooda  waa in loo noolaado qaab waafaqsan dabeecadda (according to the nature), marka ay halkaa  joogaan ayay kala leexdaan Kalbiyiinta waxa ay maraan wadiiqo ah ka fogaanshaha raaxada; dareenno ha ahaadaan ama yaysan ahaan, jacaylka, hantida, caanimada iwm waa ay ka soo horjeedaan.

Halka Ruwaaqiyiinta ay waxaas oo dhan waxba u arag oo aysan kala jeclayn “indifferences” ayay ugu yeeraan, kuuma diidayaan in aad hanti yeelato, wax jeclaato, caan noqoto iwm. Kaliya yaysan waxaa saamayn kugu yeelan, shakhsiyaddaada yaysan wax u dhiman, haddii aad waydana ha u barooran; waayo waa wax xakamaaga ka baxsan.

Ruwaaqiyiinta waxa ay xoogga saaraan dishibiliinka iyo in qofka naftiisa uu si fiican u maamulo oo aysan xargo goosan, geesi nqodaa, cadaaladda ku dhaqmaa, waxkastana si xikmad ku dheehan tahay ula falgalaa, marnaba raaxada qofka uma diidaan, haku talaxtagin ayay dhahaan uun oo naftaada yaysan ku horboodin.

 Ruwaaqiyaddda  waxaa loo arkaa in ay tahay  falsafad dhex u ah labada falsafadood ee kala ah Kalbiyada iyo Abiqooriyadda”.

Abiqooriyiinta waxa ay yoolka nolosha u arkaan in raaxo uun la raadiyo, inkasta oo ay Mutciyiinta (hedonism)  dhaamaan oo ay akhlaaqda ilaaliyaan. Halka Kalbiyiinta ay raaxada ka fogaadaan, sidaa darteed Ruwiiqiyiinta meel dhexe ayay istaageen; nafta u raaxee si akhlaaq leh hana ku talaxtagin, naftaada ha cadibin waxii macquul ah oo gobanimadaada wax yeelayn u samee.

Falsafadda Ruwaaqiyadda waa mid waaqici ah taas oo xoogga saarta nolosha aadanaha iyo akhlaaqda, ma ahan mid mitaali ah oo dadka u sawirto waxyaabo aan jrin mana ahan mid dadka niyadjabisa oo nolosha macna la’aan uga dhigta.

Marka la joogo dugsi falsafadeedka Ruwaaqiyaddda yoolka nolosha waa in aad u noolaato si waafaqsan dabeecadda (according to the nature), mabda’an ayay soo hoos galayaan dhammaan mabaadiida ama xeerarka kale ee ruwaaqiyadda.

Si aad ugu noolaato qaab waafaqsan dabeecadda waa in aad ogaataa in ay jiraan wax aad maamuli karto oo xakamaaaga ku jira iyo waxyaabo aadan maamuli karin, si aad taa u kala ogaato uguna dhaqanto sida ugu fiican waa in aad raacdaa afarta shay ay gobanimadu (virtues) ku idashahay kuwaa oo kala ah:

1. Xikmadda: xikmadda waa in aad kala barataa waxa aad xakamayn karto iyo waxa aadan xakamayn karin,  waa in aad kala saartaa maxaa xun maxaase wanagasan.

2. Geesinimo: waa in aadan runta ka baqan, waa in aad is dhiibin, waa in aad cabsida, rabitaanka iwm aad si buuxa u maamushaa.

3. Cadaallada: waa waajibka kaa saaran aadanaha si guud iyo bulshada kula nool si gaar ah, waa in aad si fiican ula dhaqantaa oo aadan ku xadgudbin, waa in aad ogaataa haddii aad cid kale xumayso in ay la mid tahay in aad naftaada xumaysay.

4. Dhexdhexaysi: waa in aad is xakamaysaa oo aad naftaada ka adkaataa, waa in aad iska ilaalisaa dhuuninimada,  wahsiga, balwadaha xun xun, qabatinka waxyaabo aan nacfi kuugu jirin, ku talaxtagga iyo in aad nafta ku xirto waxyaabo maaddi ah oo aad lagamamaar uga dhigto iwm.

Afartan cagsigooda oo ah xikmad la’aan, fulaynimo, cadaallad darro iyo ku talaxtag waa waxyaabo gunnimo (vice) ah marka Ruwaaqiyadda la joogo.

haddaba su’aasha waxa ay tahay maxaan maamuli karaa, maxaanse maamuli karin? Jawaabta waxa ay noqonaysaa wax kasta oo qudhaada ka baxsan ama dibadda ka dhacaya ma xakamayn karid, balse waxa gudahaaga ka dhacaya waad xakamayn kartaa.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha aanan xakamayn karin:

1. Dhimashada:  geerida waa wax dabiici oo noolaha dhan ay la kulmaan waana wax aan xakamaaga ku jirin sidaa darteed ma ahan in ka cabsato.

2.Waqtiga ma xakamayn kartid balse waad ka faa’idaysan kartaa, amminta kolkaa la joogo si fiican wax ugu qabso, berri wax la dhaha ma jiraan oo maba ogid in aad gaari doonto, shalayna waa ay ku dhaaftay sidaa darteed waxba yaysan maantadaada saamayn kugu yeelan, sida uu Seneca lahaana ” qofkaad shalay ahayd waa uu dhintay maanta nolol cusub ayay kuu tahay”.

3. Falalka xun xun ee dadka kale ama xadgubka ay kugu la kacaan  waxba kama beddeli kartid oo xakamaaga kuma jiraan, laakiin waxa aad awooddaa in aad darenkaaga xanaaqa oo laga yaabo in uu falcelin halis ah dhalin lahaa aad xakamayso, si aad xanaaqaada u maamusha waa in aad rumaysan tahay mabda’a Ruwaaqiga ah ee dhaha “Aadanaha  waa walaalo oo waxaa loo uumay in ay is kaashadaan, haddii uu qof kugu xadgudbo ogow aqoondarraa u gaysay oo waa jaahil ee adna haku dayan”.

Maxaad xakamayn kartaa?

Naftaada kaliya ayaad maamuli kartaa sida; dareenkaaga, rabitaannadaada, go’aamadaada iwm.

Marnaba waxa banaanka ka dhacaya  samayn kugu ma yeelan karaa haddii aadan adiga u oggolaan, maxaa yeelay wax walba waxa ay ku xiran yihiin sida aad adiga u fasirato, ruwaaqiyiinta waxa ay dhahaan “Dhacdooyinka kuma waxyeelayn karaa balse waxa aad ka aaminto ayaa ku waxyeelayn kara.”

Si aad naftaada u xakamayso kolka hore tababar si aad u tababarto waxa aad samaysaa waxa loo yaqaano “Stoic voluntary  discomfort” oo ah in aaf naftaada u layliso in ay xaalad walba la qabsan karto, mararka qaar soon, mar mar xilliga kulaylaha mukayf ha shidan, kol kol sariir iyo joodari inta iska dayso shumaca ama shamiitada seexo, bannaanka marka aad aadayso ha xiran dharkaaga kuwa ugu qurxoon. Waxyaabahan iyo kuwa la midka ah waxa ay kuu suurogalinayaan in naftaada ka dhigto mid u diyaarsan xaalad walba wax kastana aqbali karta oo la qabsan karta.

Ruwaaqiyadda marka afarta waxyaabood ee  gobanimada ah iyo afarta gunnimada ah laga soo tago, waxyaabaha kale ee ka soo haray wax ay u yaqaanaan wax iska caadi ah(indifferences) oo dabiici ah kuwaa oo aan dhanna lagu tirin, sidaa darteed waxa ay ku leeyihiin is qurxi, cunto fiican cun,  wax jeclow, guurso, dareenkaaga sida ugu fiican ugu raaxyaso, madax noqo, hanti yeelo, balse haddii ay waxaa wayso ama sida aad u rabto wax u dhici waayaan marnaba haka murugoon sababta oo ah waa wax dabiici ah oo aadan waxba ka qabin karin sidaa darteed ma ahan in aad naftaada u ciqaabto wax aysan maamulkeeda shaqo ku lahayn.

Tixraac:

1.John seller, Stoicism, First published 2006 by Acumen 

Published 2014 by Routledge

2 Park Square, Milton Park, Abingdon, Oxon OX14 4RN

711 Third Avenue, New York, NY 10017, USA

 2.Brad Inwood, STOICISM A Very Short Introduction, Oxford university Press.

3.Britannica, T. Editors of Encyclopaedia (2022, February 14). Zeno of Citium. Encyclopedia Britannica

https://www.britannica.com/biography/Zeno-of-Citium

4.https://dailystoic.com/its-only-after-youve-lost-everything-that-youre-free-to-do-anything/

5.https://dailystoic.com/

    3 thoughts on “RUWAAQIYADDA (STOICISM)

    1. Mahadsanidiin saaxiibyaal si gaara qoraaga, maadama jiilashena soo socda ay akhrisan doonan xooga waa inan Eray bixino falsafadeed oo dadka Afsoomaaliga uun yaqana fahankooda soo dhoweynaya adeegsana! bedelka Ruwaaqiyada, Kalbiyada iwm.
      Meeshaas Manqada ah Mandiqa* inuu ka wada ayaan rajayaan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *